Maxamed Kaahin oo Buuxinaya Kursigii Siilaanyo baneeyay ee Kulmiye.
Posted by xaaji on April 14 2012 13:12:34

News ImageHargeysa(Hargeysa Online)Xisbiga Kulmiye oo shirkiisii Golaha Dhexe ee sanadlaha ahaa ayaa manta ku qabsoomayo Huteelka Maan-soor ee Hargeysa, iyadoo shalay la soo af-jaray khilaaf ba’an oo ka dhashay.


Extended News

News ImageHargeysa(Hargeysa Online)Xisbiga Kulmiye oo shirkiisii Golaha Dhexe ee sanadlaha ahaa ayaa manta ku qabsoomayo Huteelka Maan-soor ee Hargeysa, iyadoo shalay la soo af-jaray khilaaf ba’an oo ka dhashay buuxinta Jagooyin door ah oo ka banaanaaday Hogaanka Xisbiga iyo Golaha Dhexe.

Qodobada Heshiiska laga gaadhay ee manta la Ansixin doono wax aka mid ah Jagadii uu baneeyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee ahayd Guddoomiyanimada Xisbiga iyo Hogaanka, taasoo la isla gartay in Guddoomiyanimada loo daayo Muuse Biixi Cabdi, hase yeeshee Beel ahaan jagadii hogaanka ee uu hayay Madaxweyne Siilaanyo waxa loo daayay Maxamed Kaahin Axmed oo noqon doona Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga isla markaana ka mid noqon doona shanta Hogaanka Sare.

Jagada Madaxweyne Siilaanyo baneeyay ayaa ka hor intaan Maxamed Kaahin loo daynin waxa isu soo taagay sida ay wararka aanu ka helnay sheegayaan wasiirka Duulista iyo Hawada iyo Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan hase yeeshee wadaxaajood dheer kadib way ka tanaasuleen.

Jagadii C/raxmaan Saylici ee Guddoomiye ku-xigeenka Afaraad ayaa iyana la sheegay in markii hore loo qoondeeyay in lagu bedelo Qof kale oo Reer Awdal ah, waxaana saaxada soo galay oo la sheegay in lala soo hadal qaaday Ismaaciil Muumin Aare Wasiirkii Hawlaha Guud ee xilka dhawaan laga qaaday iyo Nin Qurbajoog ah oo la yidhaahdo Ina Xaamud Jibriil, balse waxa la sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka laga furfuri waayay ama loo daayay.

Sida ay warar xogogaal ahi sheegayaana sababaha loogu daayay wax aka mid ah in Xukuumadda uu Wakiil uga ahaado Xisbiga oo uu isagu talada gacanta ku hayo, maadaama uu Madaxweynihii baneeyay si aanu Xisbigu uga bixin gacantooda, iyadoo uu jiro khilaaf ba’an oo u dhaxeeya iyaga iyo Muuse Biixi awgood.

C/raxmaan C/qaadir oo ahaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad oo la filayay in jagadaasi laga qaado maadaama uu mucaaradad xoog leh kula kacay Xukuumadda iyo Madaxweyne Siilaanyo laftiisa ayaa la sheegay in ay is arkeen Madaxweyne Siilaanyo isla markaana ay Heshiiyeen taasoo sababtay in Kursigiisa oo shaki weyn laga qabay in laga qaado loo daayo.

C/raxmaan Talyanle oo isna la sheegay in uu Muuse Biixi damacay inuu Kursiga ka qaado isagoo ku doodayay inaanu laba xil isku qaban Karin maadaama uu Xildhibaan yahay soo jeediyay in laga qaado Guddoomiye ku-xigeenimada Kulmiye ayaa iyana la sheegay in laga riday.

Marka laga yimaado Hogaanka Xisbiga oo qaab dhismeedkiisu sidaas noqonayo, waxa iyana Loolan adag ka dhashay Xubnihii ka banaanaaday Golaha Dhexe iyo Guddida Fulinta, kuwaasoo lagu Heshiiyay Beeluhu inay sidoodii u soo buuxsadaan, inkasta oo qaar ka mid ah la sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo taageero u doonayay Guddoomiyanimadiisa in uu ku buuxsaday dad uu wato oo aan ahayn Beelihii lahaa, taasoo aan ilaa hada la garanayn in shirka lagu Ansixin doono iyo inkale.

Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa waxa ku baxaya Lacag aad u badan oo ay Xukuumaddu bixisay. Sidoo kale mudadii ay qaban qaabadiisu socotay waxa laga dareemayay dhaqdhaqaaq farabadan oo ay wadeen xubno ka mid ah Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo isugu jira Wasiiro iyo shaqaale kaleba, waxaanay dhamaantood ku bixinayeen Hantidii Dawladda iyo Xoogii loogu talogalay in Bulshada loogu shaqeeyo.

Waxa iyana bar-bar socotay Warbaahintii Qaranka oo loo adeegsanayay Shirka Qaban qaabadiisa iyadoo xalay oo u danbaysay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka jeedinayay Borobagaando farabadan, taasoo aan la siinin Ururada Siyaasadeed ee kale.

Arrimahan is-dhexyaala eek u Gedaaman Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye ayaa u muuqda Hab-dhaqankii Xisbigii UDUB ee talada ay kala wareegeen, kaasoo ay wakhtigiisii ku Eedayn jireen in uu Hantidii iyo Awoodii Qaranka u adeegsanayo Ololayaasha Siyaasadeed ee Xisbigooda, balse ilaa hada ma jirto cid ka hadasha Sifaha la midka ah kii ay samayn jireen ee uu ku kacay Kulmiye.

Si kasta ha ahaatee waxa laga war-sugayaa wax aka soo baxa Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo ay ka soo qayb galayaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa C/raxmaan Saylici.