Fanaanada Nimco Dareen oo Lagu Dhaawacay Magaalada Nairobi.
Posted by xaaji on August 24 2012 20:03:33

Nairobi (Hargeysa Online)Wararka ka imanaya Dalka Kenya Gaar ahaana Caasimada dalkaasi ee Nairobi ayaa sheegaya in caawa uu dhaawac Culus soo gaaray fanaanada Nimca Dareen oo bandhig faneed Xallay ku qabaneysay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Extended News

Fanaanadda ayaa lagu soo waramaayaa in Mindi ama Tooreey lagu dhuftay Iyadoo saaran Masraxa goobtii ay bandhiga ku qabaneysay oo ah Hool Weyn oo u dhow Ngara Post Office oo ah agagaarka Bartamaha Magaalada Nairobi.

War kale ayaa sheegaaya in aanan mindi lagu dhufan balse bir iyo Alwaaxyo ay ku garaaceen Dhalinyaro abaabulan, isla markaana jug culus u geysteen, inkastoo aan warar sax ah wali laga heyn dhaawaca loo geystay Fanaanada.

Dhaawaca fanaanada ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Neyroobi iyada oo halkaasi lagu daweynayo.

Dhinca kale Warbixin lagu dabacay Boga Facebook ay ku leedahay ayaa lagu sheegay in dhaawac Fududi soo gaadhay oo ay ka badbaday dalkaasi qorshaysnaa waxana la sheegay in kadib markii ay dhulka ku dhacday ay kooxdii dusha ka mareen oo ay jug soo gadhsiiyen balse ay xaladeedu fiicantahay oo lagu daweynayo Cisbitalka magalada Neyroobi.

Hargeysa Online.