Siyaasiyiin iyo aqoonyahano ka soo jeeda gobolka awdal oo martiqaad casho loo sameeyey.
Posted by xaaji on October 06 2012 02:34:50

Madaxdhaqameed, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo bulshada qaybaheeda kale oo ka soo jeeda deegaanka Gobolka Awdal ayaa Casho sharaf aad u balaadhan, si aad u heersaraysana loo soo agaasimay u sameeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka S/land.


Extended News

SIYAASIYIIN IYO AQOONYAHANO KA SOO JEEDA GOBOLKA AWDAL OO MARTIQAAD CASHO U SAMEEYEY GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA S/LAND AHNA GUDOOMIYAHA URUR-SIYAASADEEDKA WADDANI IYO WAFTIGII LA SOCOTAY.
Madaxdhaqameed, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo bulshada qaybaheeda kale oo ka soo jeeda deegaanka Gobolka Awdal ayaa Casho sharaf aad u balaadhan, si aad u heersaraysana loo soo agaasimay u sameeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka S/land ahna Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/llahi "Ciro" iyo wafti miisaan leh oo uu hogaaminayey. Xafladan oo ka dhacday Galbeedka London ayuu Gudoomiye Ciro iyo waftigiisu kala kulmeen soo dhoweyn aad u wanaagsan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka S/land ahna Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka Waddani Mudane A/rahman Mohamed A/llahi "Ciro" oo goobta kula hadlay dadweynihii tirada badnaa ee xaflada ka soo qayb-galay kuwaas oo ka soo jeeday Gobolka Awdal, kana koobnaa Madaxdhaqameed, Culima'udin, Waayeel, Haween iyo Dhalinyaraba, uga warbixiyey xaalada guud ee waddanka iyo tan Gaar ee Ururka Waddaniba, qaabka loo gelayo doorashooyinka deegaamada ee dhowaan ka qabsoomi doona Waddanka, isagoo ka dalbaday in ay deegaan ahaan la garab istaagaan Taageero weyn, isagoo uga mahadceliyey casuumaadan qiimaha badan ee ay isaga iyo weftigiisa u fidiyeen. ah ee ay


Ergadii martiqaadkan samaysay ayaa iyaguna goobta Hadalo soo dhoweyn iyo taageeraba xambaarsan ka muujiyey, waxaana goobta hadalo qiima badan ka soo jeediyey Gudiomiyaha kumeelgaarka Ururka Waddani UK, Mudane Saleebaan Faarax oo goobta ka cadeeyey in Ururkani yahay Urur ay wax ku leeyihiin, wax ka aas-aaseen, hormuudna u yihiin dadka ka soo jeeda Gobolka Awdal, isagoo cadeeyey in taageero buuxda ay Ururkan u hayaan Dhamaan qaybaha bulshada ee deegaanka Gobolka Awdal.


Mudane Shawqi Xaddi iyo Ahmed Shariif oo iyaguna ka mid ahaa tiro badan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ururka Waddani haysto taageerada Beelaha deegaanka Awdal oon u kala hadhin. "Reer Awdal waa og yihiin Ururka kala qayb-qaatay, Abaarihii iyo Dhisida wadooyinkaba, waanu ku ganacsanahay Siyaasada nadiifta ah ee Ururka Waddani iyo Hogaankiisaba", waxay ka mid ahaayeen hadaladii goobta laga yiri.


Casho sharafkan ayaa ku soo gabagaboobay is-afgarasho, Kalsooni iyo wadashaqayn buuxda, oo ay reer Awdal la garab taagan yihiin Ururka Waddani.


Afhayeenka Ururka Waddani UK
Qasim Aadan Saleebaan
Kasslmn@aol.com