URUR-SIYAASADEEDKA WADDANI OO MAGAALADA SHEFIELD KA DHIGAY XAFLAD AAD U BALAADHAN.
Posted by xaaji on October 09 2012 13:45:22

Xafladan oo uu xidhiidhinayey Mudane Mubaarak Ismail oo ah Gudoomiyaha Ururka Waddani Shefield, ayaa ugu horaynba sidii lagu yaqaanay Dadka Islaamka ah lagu furay Aayado Quraan ah.


Extended News

Xafladan oo uu xidhiidhinayey Mudane Mubaarak Ismail oo ah Gudoomiyaha Ururka Waddani Shefield, ayaa ugu horaynba sidii lagu yaqaanay Dadka Islaamka ah lagu furay Aayado Quraan ah.

Mudane Mubaarak ayaa kadibna Erayo soo dhoweyn iyo warbixin isugu jira u jeediyey martisharaftii xaflada ka soo qaybgalay, sidoo kalena mahadnaq balaadhan u soo jeediyey dhamaanba jaaliyada S/land ee shafield iyo taageerayaasha Ururka Waddani ee xafladan ka soo qaybgalay. Mudane Omar oo ka mida Odayada Shefield aadka looga tixgeliyo oo ugu horaynba lagu soo dhoweeyey Cod-baahiyaha ayaa ka sheekeeyey aqoonta uu u leeyahay Gudoomiye Ciro, isagoo sheegay in uu macalin u ahaa markuu Mudane Ciro dhiganayey Fasalka Afraad ee Dugsiga H/Dhexe, hadana ay nasiib wanaag u tahay inuu la kulmo isagoo ah Gudoomiyaha Baarlamaanka S/land iyo kan Urur-siyaasadeedka Waddaniba; waxuuna Illahay uga baryey inuu ku guuleeyo hamigiisa siyaasadeed, isagoo ku tilmaamay nin degan dhinaca waxbarashadana aad ugu wanaagsanaa.

Suldaan A/llahi oo ka mida Salaadiinta jaaliyada Shefield oo isna goobta ka hadlay ayaa aragtidiisii goobta ku cabiray sidan: Hoolka mid qiimo badan dheh, Xaflada mid qurxoon dheh, Martidana Madax culus dheh. Barre Abdi oo isna odoyaasha Shefield ka mid ah ayaa cadeeyey in jaaliyadu soo dhoweyntan aysan u kala harin.
Mohamud Haji Jama oo isaguna odayada Shefield ka mid ahaa ayaa ku tilmaamay raga ku doodaya in A/rahman Ciro labada xil mid ka dego in ay yihiin niman Sharciga Waddankeena iyo kan Caalamkaba ka Arradan, sidoo kalena kuwa leh xukuumaduu Waddani ku milmay waa kuwo aan waxba u jeedin oo aragtidu ku yar-tahay; A/rahman marka Baarlamaanku dhaco ayuu la dhacayaa ayuu yidhi oday Mohamud.

 

Haward Knight oo ah nin Xisbiga Shaqaalaha (Labour Party) ugu qaabilsan xidhiidhka Caalamka, oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in isaga iyo David Blanket oo hore u ahaan jiray Wasiirkii Arimaha Gudaha ee Wadanka Ingriiska lagu martiqaaday xafladan, balse aysan David u suuroobin inuu inagala soo qaybgalo isagoo wadanka ka maqan awgeed. Mr Haward ayaa cadeeyey inuu S/land hore u tegay si uu goobjooge uga ahaado doorashooyinku xiligay dhacayeen, hadana uu ka mid noqon doono xubnaha doorashada deegaamada goobjoogaha ka noqon doona, waxuuna ka dhawaajiyey in S/land ku taagan tahay jidkii guusha.

Mohamed Isse oo ah aqoonyahan ayaa isaguna goobta erayo aad u qiimo badan iyo soo dhoweynba goobta ka yiri.
Ahmed Hassan Cagayare oo isna ka mida odayada magaalada ayaa ka dhawaajiyey in Ururo kale oo madaxdoodu hore ugu timid magaalada Shefield ay dadka wer-wer badan geliyeen kadib markay noo sheegeen in waddankii s/land noqday Magaalo qudha, Qabiil qudha, Maamul qudha, Nin qudha, taasoo fajiciso nagu noqotay, balse maanta waxaanu Waddani ka rajeynaynaa inay noo sheegaan war ka bedelan kan ka soo yeedhay Ururada kale oo na farxad-geliya. Weris Ahmed ayaa iyana Buraanbur aad u qiimo badan xaflada ka tirisay. Mohamed Hasan oo ka mida Odayada Manchester ayaa isna hadalo qiimo badan goobta ka yiri.

Gudoomiyaha kumeelgaadhka ah ee Ururka Waddani UK Mudane Saleebaan Farah, Afhayeenka UK Mudane Qasim Aadan Saleebaan, iyo Gudoomiyaha Wacyigelinta UK Mudane Nagiib oo iyana goobta ka hadlay ayaa ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahan yahay taageerada jaaliyada Shefield, iyagoo goobta ka qiray in Ururka Waddani ka salbalaadhan yahay Ururada kale marka loo eego deegaamada maamulka Ururka UK ka soo jeedo kuwaas oo gobolwalba laga helayo.

Ahmed Hassan Egal oo ka mid ahaa waftiga Gudoomiyaha, horena uga tirsanaa Xisbigii Udub, Dr Mohamed Osman Fadal oo ka tirsanaa Bulshada rayidka kana mid ahaa gudigii furista axsaabaha siyaasada iyo Mustafe A/llahi Gudoomiyihii Ururkii Horyaal ee la midoobay Ururka Waddani oo dhamaantood ka mid ahaa waftigii la socotay Gudoomiye Ciro ayaa ka faalooday sababaha ay u xusheen inay ku soo biiraan Ururka Waddani, iyagoo sheegay inay in mudo ahba u kuurgalayeen Ururada iyo kii ay kalsoonidooda siin lahaayeen, iyagoo ka dib markay ku qanceen qorshaha siyaasadeed ee ururka Waddani iyo madaxdiisa aqoonta iyo dhowrsanaanta leh, iyo weliba ka turjumida Ururka ee Deegaamada S/land oo dhan ah, kaasoo ah Urur aan loo kala hadhin gobolwalbana ka mid yahay oo aan ahayn Urur nin qudhihi dusha ku sito, ay go'aansadeen inay ka mid noqdaan; waxayna jaaliyada shefield ugu baaqeen inay iyaguna kalaoonidooda siiyaan Ururka Waddani.

Gudoomiye A/rahman Ciro oo isaguna qaatay qudbadii gunaanadka xaflada ayaa ugu horaynba u mahadnaqay Jaaliyada S/land ee Shafield iyo Manchester iyo weliba taageerayaasha Ururka Waddani ee soo agaasimay xafladan qiimaha badan xambaarsan, intaas ka dib waxuu Gudoomiye Ciro Tacsi u diray dhamaan bulshada S/land isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee Mohamed Hashi Dhamac Gaariye, isagana Illaahay uga baryey dembidhaaf iyo Janatul Fardowsa. Gudoomiye Ciro oo tilmaanaya Macalimiintiisii Dr Fadal iyo Omar ayaa yiri weli arday baan ahay maalin walbana wax hor leh baan bartaa.

Gudoomiye A/rahman Ciro ayaa cadeeyey inuu xilalkiisa si sharci ah ugu fadhiyo, diyaarna u yahay inuu midkalena ku darsado, isagoo cadeeyey inuu u tartami doono jagada Madaxweynanimada S/land, uuna noqon doono Madaxweyne Caadil ah. Mucaaradnimadu ma aha Caytan iyo Yooyaalaysi ayuu yiri A/rahman balse waa iftiimin la iftiimiyo cida khaladka gasha iyo qaabkay u gasho. Siyaasadaydu ma aha mana noqonayso mid xajiimaysan oo isxag-xagasho ah. Mudane Ciro ayaa qiray inuusan hantida qaranka u isticmaalin ololihiisa siyaasadeed, dadka sidaas ku andacoonayaana ay yihiin rag aan haynin wax cadaymo ah, doorashadana ka sii werweraya.
Gudoomiye Ciro ayaa ugu danbayn ugu baaqay jaaliyadaha debadu inay taageeradooda la garab istaagaan Ururka Waddani.
Xubno badan oo Rag iyo Haweenba leh ayaa goobtan ka sheegay inay ku soo biireen Ururka Waddani.

NB: Xafladii oo dhamaystiran iyo Sawiro kale oo badanba dhowaan ayaan idiin soo gudbin doonaa.

 


Afhayeenka Ururka Waddani UK
Qasim Aadan Saleebaan
Kasslmn@aol.com