Casho sharaf isugu jirtay sii sagootin iyo maamuus oo loo sameeyey waftigii uu hogaaminayey mudane cabdirahman maxamed cabdilaahi ciro.
Posted by xaaji on October 13 2012 14:25:53

Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna G urur siyaasadeedka Waddani iyo waftigii uu hogaaminaayey ayaa xalayto loo sameeyey casho sharaf lagu maa-muusaayey oo ay soo qaban- qaabiyeen qaar ka mid ah haweenka Somaliland ee degan dalkan Ingiriiska.


Extended News

Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna G urur siyaasadeedka Waddani iyo waftigii uu hogaaminaayey ayaa xalayto loo sameeyey casho sharaf lagu maa-muusaayey oo ay soo qaban- qaabiyeen qaar ka mid ah haweenka Somaliland ee degan dalkan Ingiriiska, Casho sharaftan oo ay kasoo qaybgaleen qaar ka mid ah tageerayaasha Ururka ayaa si qurux badan u dhacday waxaana haweenku ay aad ugu mahad celiyeen dhamaan waftiga sida

ciro1.jpg

ciro2.jpg

ciro3.jpg

ciro4.jpg

ciro5.jpg

 

quruxda badan ee ay uga soo qayb galeen,Qaar kamid ah haweeka oo hadalo kooban casho sharafta kasoo jeediyey ayaa si gaara ugu amaanay Gudoomiyaha inuu yahay qof karti iyo aqoonba u leh hogaanka dalka, Waxa iyana hadalo kasoo jeediyey haween ka mid ah Madaxda Ururka Wadani Uk oo ka waramay horumarka uu ururku sameeyey mudooyinkii ugu danbeeyey iyo dad fara badan oo kusoo biiray si ay ula jaan qadaan horumarka ururku uu ku talaabsaday.


Waftiga uu hogaaminaayo gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland oo ay ka mid ahaaayeen Dr Maxamed Cismaan Fadal iyo Dr Mustafa cabdilaahi Jaamac (Kaydsane) ,Ambassador Axmed Xasan Cigaal ayaa aad ugu mahad celiyey casho sharaftan aadka u quruxda badan kuna amaanay in haweenka guud ahaan reer Somaliland inay yihiin laf-dhabar horu marka dalka iyo dibadaba,Haweenku waxa ay wax weyn ka qabteen horumarka dalka Somaliland iyo kor u qaadida arimaha Bulshada,waxayna ka rajeeyeen inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan Horuamrka Dalka, Waxa iyana hadalo kooban soo jeediyey qaar ka mid ah madaxda Ururka UK oo isugu jirey rag iyo dumarba,

Waxay kusoo gabo-gabowday si qurux badan oo ay farxad iyo rayn yarn ku dheehan tahay,


Kasslmn@aol.com

Afhayeenka Ururka Waddani UK

Qasim Aadan Saleebaan