Isku-xidhka Ururada aan Dawliga ahayn ee xuquuqal Insaanka oo soo saaray War-saxaafadeed ay ku canbaaraynayaan Takoorka ay Xukuumaddiisu ku hayso Saxaafadda.
Posted by xaaji on May 22 2011 22:30:29

Hargeysa(Hargeysa Online) Isku-xidhka Ururada aan Dawliga ahayn ee xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa maanta soo saaray qoraal ay ku canbaaraynayaan habdhaqanka cusub ee ay masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda Somaliland ku takoorayaan saxaafadda Dalka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Isku-xidhka Ururada aan Dawliga ahayn ee xuquuqal Insaanka Somaliland ayaa maanta soo saaray qoraal ay ku canbaaraynayaan habdhaqanka cusub ee ay masuuliyiinta ka tirsan xukuumadda Somaliland ku takoorayaan saxaafadda Dalka iyagoo sheegay intii ay xukuumaddu talada haysay inay u geysatay xad-gudubyo kala duwan

Warsaxafadeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Isku-xidhka Ururada aan dawliga ahayn Maxamed Cabdalle Cilmi waxa uu u dhignaa sidan:-


Isku xidhka ururada aan dawliga ahayn ee xuquuqaln insaanka Somaliland wuxuu halkan ku cambaaraynayaa habdhaqanka cusub ee masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland ku takoorayaan shaqadii saxaafadu u haysay bulshada ee dhinaca war helida.

Tan iyo intii xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo xilka la wareegtay waxa dhacay gabood falyo badan oo lagula kacay weriyayaal, iyo hay’ado warbaahineed.

Dhacdadii ugu danbeysay sida ay soo diwaan geliyeen kormeerayaasha xuquuqda aadamigu,maalintii xuska dabaal dega 18ka May waxa saxaafadu la kulantay cidhiidhi fara badan gaar ahaan dhinaca dhaq-dhaqaaqa ka dib markii la xayiray isu socodka gadiidka,sida caadadu ahayd markastoo Qarankani gelayo hawl balaadhan waxa la samayn jiray diyaar garow lagaga fogaanayo in saxaafada la xayiro iyadoo loo samayn jiray warqado dhaq-dhaqaaq sida xiliyadii diiwaan gelinta,doorashooyinka iwm.

Baadhitaan isku xidhku sameeyay ka dib,waxa soo baxay inay jirtay macne loo fasiran karo in uu jiray qorshe la doonayay in layskaga hor keeno saxaafada iyo ciidamadii u xil saaraa amaanka kuwaas iyagana dhinacooda la siiyey wajibaadyo adag oo ay ku sugayeen nabadgelyada,Isku xidhku wuxuu ka codsanayaa Madaxweynaha Somaliland inuu u saaro gudi soo baadha sababta ay arintani ku dhacday.

Isku xidhku wuxuu u digayaa masuul kasta oo naftiisu u qurxiso inuu tacadi kula kaco suxufi gudanaya wajibaadkiisa shaqo,sida ku xusan Xeerka Saxaafada Jamhuuriyada Somaliland,taas oo noqon doonta mid aanu kaga baxasan doonin xilka uu qaranka u hayo oo maalin maalmaha ka mida lagula xisaabtami doono.

Isku xidhku wuxuu tix gelinayaa hawsha adag ee Ciidanka Boolisku u hayo Bulshada sidaas oo ay tahay,hadana wuxuu ugu baqayaa xubnaha ciidanka inay dhawraan xuquuqaha asaasiga ah ee muwaadinka iyagoo marksata ka fogaanaya inay ku suntamaan kuwo mujtamacu u arko cadow.

Ugu danbayntii waxa iskux xidhku ku baraarujinyaa masuuliyiinta xukuumada inay fahmaan kaalinta saxaafada kuna ixtiraamaan shaqadooda,kana fogaadaan habdhaqanka sansaankiisu soo muuqdo ee cabudhinta iyo caga jugleynta,arintan oo qaranka u horseedi doonta canbaarayn kaga timaada dunida ixtiraamta xoriytal qowlka.

Allah Baa Mahad Leh

Maxamed Cabdalle Cilmi

Gudoomiyaha Iskuxidhka