Guddida Fulinta ee Xisbiga UCID oo soo saaray War-saxaafadeed ay ku durayaan Maqaal uu Gudoomiyahoodu Warbaahinta ku qoray oo la yidhaahdo “xageebaynu joognaa.
Posted by xaaji on May 22 2011 22:33:01

Hargeysa(Hargeysa Online) Guddida Fulinta ee Xisbiga UCID ayaa Shir ay maanta ku yeesheen xaruntooda guud ka soo saaray War-saxaafadeed ay kaga hor imanayaan maqaal uu Feysal Cali Waraabe maanta ku baahiyay warbaahinta.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Guddida Fulinta ee Xisbiga UCID ayaa Shir ay maanta ku yeesheen xaruntooda guud ka soo saaray War-saxaafadeed ay kaga hor imanayaan maqaal uu Feysal Cali Waraabe maanta ku baahiyay warbaahinta oo cinwaankiisu yahay “xageebaynu joognaa” kaasoo ay sheegeen inuu yahay qoraal shakhsi ah oo ku kooban isaga

Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-

Guddiga Fulinta ee Xisbiga UCID Shir degdeg ah oo ay maanta isugu yimaadeen Xarunta Xisbiga Waxay ka soo saareen warsaxaafadeedkan hoos ku qoran.

Ka dib markii aanu aragnay akhrinayna maqaalka cinwaankiisu ahaa xageebaynu joognaa ee uu qoray Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ee lagu baahiyay jaraa’idka iyo Website-yada markii ay ka doodeen, falanqeeyeena nuxurka uu xambaarsanyahay qoraalkaas, waxay isla qaateen qodobadan soo socda :-

1.Qaraalkaas iyo nuxurkiisku ma’aha go’aan Xisbiga ka soo baxay ee waa afkaar u gaar ah Gudoomiye Faysal.


2. Qoraalkani waxa uu soo baxay wakhti aan ku haboonayn oo loo dabaal-degayey 20-tan guuradii gooni isu taaga Somaliland, hal ku dhagna looga dhigay Somaliland ha la ictiraafo iyadoo la isku duubanyahay.



1.Qodobka kala saarida Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga waa talo gudoomiyuhu soo jeediyey hasa yeeshe Xisbiga ayey u taalaa.
Alla Mahad Leh

Md Xasan Xuseen Maxamed (Codyare )

Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga UCID

Ahna Afahayeenka Xisbiga UCID