Faallo:Dacdadii lagu laayey caruurtii oo calanka dalkan maraykanka hoos loodhigey iyo amaanka schoolada oo la adkeyn doono.
Posted by xaaji on December 17 2012 11:10:08

axaa ka dhacdey dhacdo cajiib ah kana dhacdey Newtown, Connecticut kadib markii uu wiil 20jir ah intuu iskuul soo galay caruurtii iyo dadkale xabad la dhacey waxaanuu halkaa ku dilay ilaa 26 qof ay 20tan caruur yihiin da'doodu u dhaxeyso 6 ilaa 7jir wuxuuna hore u soo dilay hooyadii.


Extended News

Waxaa ka dhacdey dhacdo cajiib ah kana dhacdey Newtown, Connecticut kadib markii uu wiil 20jir ah intuu iskuul soo galay caruurtii iyo dadkale xabad la dhacey waxaanuu halkaa ku dilay ilaa 26 qof ay 20tan caruur yihiin da'doodu u dhaxeyso 6 ilaa 7jir wuxuuna hore u soo dilay hooyadii , isaguna uu is diley markii ka dib ,dhacdadan ayaa loogu hadalhayn badan yahay dalka mareykanka guud ahaan,waxaa hoos loodhigey calanka wadanka mareykanka.

 

 

 

 

Dhacdadan kadib ayaa waxaa la soo rogey in dhamaan skuulada wadanka oo dhan in la adkeeyo amaankooda ,weli iskastoo waalid iyo caruur badan ay weli shaki iyo cabsi ay ka qabaan tagista skuulada.

Waxay dowlada iyo madaxdu gobolada ay isku dayayaan in xaalada la dejiyo dadkana la qanciyo iyo skuulkastana loo sameeyo police ilaaliya.

Hargeysa Online

Eng.Kamal Mohamed Ali