Madaxweyne Siilaanyo oo la filayo saaka inuu soo saaro digreeto uu xilka kaga qaaday Wasiiro badan.
Posted by xaaji on December 22 2012 12:52:19

Hargeysa(Hargeysa Online)Warar aanu ka helayno ilo u dhuun daloola Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegaya in la filayo in saaka xilalkooda ay waayi doonaan.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Warar aanu ka helayno ilo u dhuun daloola Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegaya in la filayo in saaka xilalkooda ay waayi doonaan Wasiir Maxamed Nuur Carraale Duur iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil.

Xilka qaadista Wasiir Duur ayaa loo aanaynayaa in uu Madaxweyne Siilaanyo jawaab uga dhigayo Doorashadii ka dhacday Ceerigaabo iyo Berbera oo uu u arko inuu ka danbeeyay isla markaana uu lahaa Amarkii Ramaax ku qabtay shirkii Golaha Deegaanka Berbera iyo tii Ceerigaabo.

Sidoo kale, wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada Cali Xaamud Jibriil ayuu Madaxweyne Siilaanyo u arkaa inuu fuliyay shirqoolka ay Beesha Ciise ku weyday labada xi lee Degmadda Saylac ee ka dhex dhalisay muranka siyaasadeed Madaxweyne Siilaanyo iyo Saylici.

Intaas oo kaliya kuma eeka talaabooyinka uu Madaxweyne Siilaanyo qaaday markii ay dhirbaaxooyinka siyaasadeed kaga dhaceen Ceerigaabo iyo Berbera ee waxa la saadaalinaya inuu Hargeysana ka dhex abuuro Golaheeda deegaanka khilaaf la mid ah kuwaas kale.

Sida ay tibaaxaha soo baxayaa sheegayaana waxa la sheegayaa Madaxweyne Siilaanyo inuu shirar hoose oo uu ugu ololaynayo inay Maayarka Caasimadda Hargeysa uu noqdo xildhibaan ka soo jeeda Urur Siyaasadeedka Xaq-soor, halka Xisbigiisii Kulmiye ay ka wadaan in ay jagadaasi ku guulaystaan.

Kala duwanaanshaha Madaxweynaha iyo Xisbigiisa ayaa saaka laga dareemayaa magaaladda Hargeysa, waxaana bilaabmay ololayaal ka jawi duwan kuwii shalay lagu kala caraabay.

Si kasta ha ahaatee waxa la filayaa go’aamada Siilaanyo xalay ku seexday ee uu saaka fulin doono.

Hargeysa Online.