ABWAAN!! Qushi Murtida Haw odhan, Ha Qurux-tirin Qiimaha Abwaannimo!!
Posted by xaaji on December 23 2012 06:32:34

Rabbi Naxariistiisa Janno ha ka waraabiyee, Abwaankii weynaa ee caanka ahaa ee reer Somaliland Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, ayaa mar uu ka hadlayey Gabayaaga iyo kaalintiisa bulsho waxa uu curiyey maanso ay tixaheeda ka mid ahaayeen kuwan hoos ku qoran:


Extended News

Qaraf iyo Tixaha Gabay Ku Qadhaabo Ha u Baran!!!

 

 

 

 

 

By Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)(UK)

 

Rabbi Naxariistiisa Janno ha ka waraabiyee, Abwaankii weynaa ee caanka ahaa ee reer Somaliland Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, ayaa mar uu ka hadlayey Gabayaaga iyo kaalintiisa bulsho waxa uu curiyey maanso ay tixaheeda ka mid ahaayeen kuwan hoos ku qoran:

 

Wallee “qaaf” ujeedo leh

Qiimahayga kuma rido;

Magac waa qasaanade

Wallee qado ma dhaafsado.

 

Wallee qalabka maansada

Heesaha qumbuladda ah

Uma qubo dhugmo-la’aan.

 

Qaraf iyo tixaa gabay

Ku qadhaabo uma baran;

Quudhkaygu muu gelin.

 

Haddii ay qudh-gooyiyo

Joogto qoorta-soo-dhigo,

Wallee gabay ma qurux tiro!

--------------------------

ALLOOW kuu naxariiso, Sidoo kale mar uu Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ka hadlayey xumaanta, dhibta iyo mashaakilka ay QABYAALADDU leedahay, maansadisii “Dugsi Ma Leh Qabyaaladi” waxaa ka mid ahaa tixeheeda kuwan:

Dugsi ma leh qabyaaladi;

Waa dararta baahida;

Waa astaanta di-u-dhaca;

Waa boog dalooshoo

Dadka maanka kaga taal.

Dirxi qudhun ku nool iyo

Waxa fadha nin daalin ah;

Damqa oo ku joogsada.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”(AHUN), maansadiisii ERGO waxa uu ku yidhi:

“UF” qabiilka anaa leh;

Wuxuun baa ku adeegta

Nin iskii kartidiisa,

Isagoon cid ku tiirsan

Isu taagi karaynin;

Una haysta ateero

Ayaantuu dambi geysto

Laga hoos galo eedda!

 

Nuxurka Maqaalka:

Inkasta oo aan jeclaan lahaa, haddana ma ahi Abwaan, Hal-abuur, Muti-maal iyo Suugaaan-yahan midnaba. Waxaan aaminsanahay in Abwaannimada iyo Hal-abuurnimaduba yihiin hibo iyo deeq Rabbi bixiyo oo uu ku gallado qofkii uu doono! Maqaalkan kooban waxaan keliya is leeyahay aragtidayda gaaban ku cabbir sida aan u arko xilka iyo masuuliyadda Abwaanka saaran iyo sida uu sumcaddiisa iyo milgihiisaba isagu isugu hayo ee ay gacantiisa ugu jiraan, taasoo ku xidhan suugaanta uu curiyo iyo eray-murtiyeedka afkiisa ka soo baxa.

Waxa kale oo aan jecelahay inaan wax yar hoga-tusaaleeyo una caqli celiyo abwaano da’yar oo iyagu is-mahadiyey, hibada iyo deeqda Hal-abuurnimo ee ALLAH siiyeyna u haysta hub iyo aalad lagu adeegto, qofka masuulka ah lagu af-lagaadeeyo, bulshadana la iskaga hor keeno.

 

Abwaanku waxa uu ka mid yahay hal-doorka bulshada ugu mudan ee aad loogu qadariyo kaalinta uu kaga jiro bulshada dhexdeeda.  Abwaanku waxa saaran masuuliyad iyo xil-bulsho oo aanay cidi u igman, balse ay bulshadu kula xisaabtanto kuna qiimayso kolba ma-hadhada ay suugaantiisu reebto iyo saamaynta ay erey-murtiyeedkiisu ku leeyihiin bulshada iyo kolba sida uu wixii danta guud ee bulshadiisa ugu adeegaya isugu hawlo.

 

Magaca, sumcadda iyo karaamada uu Abwaanku bulshadiisa ku dhex leeyahay kuma xidhna hayntiisa iyo waxa uu maal haysto, aqoontiisa, qoyska ama qabiilka uu ka soo jeedo, dabeecaddiisa iyo dad la-dhaqankiisa, iwm. Balse waxay ku xidhantahay miisaanka iyo muhimmadda ay murtidiisu leedahay, farriinta ay suugaantiisu xambaarsan tahay iyo saamaynta ay weedhiisu ku leedahay bulshada uu ka soo jeedo.

 

Hal-abuurnimadu waa hibo ALLAH bixiyo. Sidoo kale magaca Abwaan maaha degrii dugsi iyo jaamacado laga qaato, ee waa maamuus iyo magac-sharafeed ay bulshadu bixiso oo ay ku sharafto hal-abuurkii mutaysta ee u qalma. Bal iyaba waa cibaaree, waqtigan xaadirka ah waxaa badan rag iyagu, iyagoon mutaysan oo aanay bulshadu u garan magac-sharafeedka ABWAAN, iyagu sacabka isu tumaya iskuna magacaabaya Abwaan Hebel!

 

Haddaba, Abwaanku waa kii dhexdhexaad ah ee ka fog kana feyow caadifadda, qabyaaladda, nacaybka shakhsiyadeed, gobolaysi, iwm. Waa kii garan kara ee miisaami kara muhimadda iyo miisaanka ay leedahay Hal-abuurnumadu isla markaana qiyaasi kara saamaynta ay suugaantiisu ku  yeelan karto bulshada uu ku abtirsado iyo ciddii kale ee ay dhaqan iyo af-ba wadaagaan.

Abwaanka magaciisa iyo milgihiisaba dhawranayaa, bulshadiisa oo dhammi qiimo ayey la leedahay (qof yar, qof weyn, rag, haween, sheikh, faqiir, taajir, masuul-qaran, iwm). Qajeelaa loo soo joogay nin hal-abuurnimo sheegtay oo intuu erayo aafo, aano iyo eexba wata ummadda dhex dhigay dabadeedna magac- xumo taransaday.

 

AFKII aan SHALAY kugu AMMAANAY, HADDII aan MAANTA KUGUMA CAAYO, waxaan caddeeyey inaan ag-maray asluubtii Abwaannimo, bulshada ayaana iska leh go’aanka iyo qiimaynta abwaannimadaada!!

 

Abwaanka waa kuma (√ ):

Qof ahaan waxaan aaminsanahay in Abwaanku yahay Tusaale iyo Tilmaan Bulsho oo lagu soo hirto, isla markaana uu bulshada oo dhan dhex-dhexaad u yahay.

 

 

 

 

By Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)(UK)