Username Password | Register | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  HargeysaOnline.Net@gmail.com

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Afsomalia

WAXBARASHADA BARAHA INTERNET KA DHEXDIISU MA BADBAADIN KARTAA AFSOOMALIGA JIILKA CUSUB

Mahdi waa 29 jir ganacsade ah waana ninka leh fikrada ka dambaysa www.SomaliBaro.com waanu gaadhay hadafka kor loogu qaadayo luuqada Soomaaliga ugu yaraan dad dhalin yaro ah oo gaadhaya toban kun oo qof sanadka 2020

dssds.jpg

Waqti kasta oo ku beegan badhtama sanadka waxa dalka kusoo laabta ama kusoo xagaa baxa qoysas badan waqtiga fasaxooda. Waxa caasimadaha ku daadsan dad yar yar iyo waa weyn bal eh oo ka yimid dibadaha iyagoo xidhan dhar kala duwan iyo socod ama hadal ka duwan kuwa dalka jooga. Dalka waxay keeneen dhadhan cad laakiin mushkiladu waxay tahay dhamaan waxay kuwada hadlayaan afka qalaad inyar oo ka mid ah uun baa garanaya afka Soomaaliga oo ka ugu hooseeya ah ee ilmaha 5 jirka ahi ku hadli karo. Waxay mid hore u maray isbedelka dadkan dibadaha ka yimaada, oo ah mid si qunyar u luminaya afka hooyo ee soomaaliga, badanaa ah dadka da’doodu ka hoosayso 30 jir ka eek u dhashay dibadaha. Hadaba su’aashu waxay tahay side baynu u soo celin karnaa hoos u dhacan oo aynu u ilaalin karnaa afka soomaaliga si aanu ugu dhex bakhtiyin dhalinyarta?

Jawaabtu ma wax kubarashada aalada internet kaa? Kooxda www.SomaliBaro.com si buuxda ayay ugu malaynayaan inay jawaabtu sidan tahay. Waa qoladii ugu horaysay ee furta in wax lagu barto iyadoo la isticmaalayo baraha internet ka, iyagoo baraya luuqada soomaaliga dadka da’doodu u dhaxayso 11 jir ilaa 30 jir. Shirkadani waxay leedahay xafiisyadeeda, shaqaalaheeda iyo macalimiinteeda badhtamaha magaalada Hargaysa iyagoo isticmaalaya internet xawaarihiisu aad u sareeyo oo ah casriyadii ugu dambeysay waxaana bixiya internet kaas shirkada somcable.

Mahdi waa 29 jir ganacsade ah waana ninka leh fikrada ka dambaysa www.SomaliBaro.com waanu gaadhay hadafka kor loogu qaadayo luuqada Soomaaliga ugu yaraan dad dhalin yaro ah oo gaadhaya toban kun oo qof sanadka 2020.

Q: Sideed fikradan u heshay?

A: markasta waxaan umalaynayay in luuqadayda soomaaligu wanaagsan tahay ilaa intaan bartay ku hadalkeeda, qorideeda iyo akhriskeedaba. Laakiin markaan sanad ka hor usoo wareegay Hargaysa waxa igu dhacay yaab ah inaana wali inbadan aqoon soomaaliga. Waxa jira dad badan oo aniga oo kale ah oo aan garanayn habka loo qoro ama loo akhriyo afka soomaaliga oo aan waliba haysan adeeg u sahla inay bartaan afka soomaaliga. Badanaa luuqad kasta oo jirta oo aad ka fikirto waxa laga bartay baraha internet ka laakiin soomaaligu mid kamid ah maaha nasiib darro.

Q: Maxaad u dooratay kudhigista baraha internet ka?

A: waxaan ku doortay baraha internet ka sida fudud ee uu u gaadhayo iyo adeegiisa fiican, waxaanu haysanaa arday ka kala socota wadamada England, Netherland iyo Canada oo ku qaata xiisadaha baraha internet ka. Labaad, arday kastaa wuxuu rabaa inuu ku dhigto si qarsoodi ah oo aanu rabin in la ogaado inaanay aqoon luuqada soomaaliga, laakiin waxay dhamaantood rabaan inay sifiican u bartaan oo aanay ka xishoon inay kuhadlaan markay qoyskoodu soo booqdo.

Q: Siduu u shaqeeyaa?

A: adeegayagu wuu fudud yahay, wiigii baanu casharada bixinaa iyadoo macalimiin si toos ah loo arkayo ay bixinayaan magaalada Hargaysa, waxaanay ku hadlayaan ingiriisi aad u fiican, ardayduna waxay ubaahan yihiin internet iyo sameecad ay dhagaha gashadaan. Shirkadan SomaliBarro waxaan ku bixinaa qolo bilow ah iyo kuwo meel dhexdhexaad ah, iyadoo ay ku xidhan tahay kolba heerka aqoonta uu soomaaliga ka haysto ku xidhan tahay isagoo qofku bixinaya bishii $35. Waxa kale oo aanu bixinaa tijaabo bilaash ah oo aanu u samayno qof kasta oo is diwaan galiya si ay wax ugu noqoto.

 

Q: kawaran dhibaatooyinka laydhka iyo baraha internet ee Hargaysa?

A: waxaanu nasiib ku leenahay inaanu xili fiican la kulanay aalada casriga ah ee ay bixiso shirkada Somcable kaasoo ah mid dhulka hoostiisa mara oo aanay cimiladu waxba yeelayn, si wanaagsana noogu sahashay inay casharadu noo socdaan oo ayna wax carqalad ahi soo dhex galin, sifiicana loo maqlayo oo loo arkayo. Waxa kale oo aanu xafiisyada ku haysaa aalad kaydinaysa dabka haduu laydhku go’o.

 

Q: Sidee dadku isku diwaan galin karaan?

A: qof kasta oo xiisaynaya inuu isdiwaan galiyo wuxuu booqanayaa shabakada internet ka ee www.SomaliBaro.com markaa wuxuu buuxinayaa foom ka loogu talo galay ee yaala bogga ugu horeeya , dabadeed waxa lasoo xidhiidhaya kooxdayada 24 saacadood gudahood oo qofka siinaya magaca uu ku isticmaalo tijaabada bilaashka ah, ardaydu waxay kaliya u baahan yihiin internet iyo sameecadaha dhagaha.

Kani waa ka ugu horeeya shirkadaha badan ee lagu dhigto baraha internet ka ee soo socda, siday bulshada Soomaalidu ka warqabto awooda aaladaha casriga ah iyo inay bilaabaan isticmaalkeeda si ay u noqoto kooxda bari ee hogaamin doonta. Ma u malaynaysaa in baraha internet ku uu badbaadin doono afka soomalig?

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

More Programs>>>>