Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xafiisyada Cashuuraha Barriga Gobolka Iyo Degmada Tog-wajaale Oo Heshiis Rasmiya Ka Gaadhay Murran-Cashuureed.

Tog-wajaale Maamulka Xafiisyada Cashuuraha Barriga ee Gobolka Gabiley iyo Degmada Tog-wajaale ayaa heshiisyo rasmiya la galay Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Tog-wajaale, ka dib markii dhawaan uu soo kala dhex galay khilaaf culus oo la xidhiidhay dhinaca bixinta Cashuur-sanadeedka loo yaqaano Macaashal-Macaashka oo bilowga bisha Lixaad ee fooda inagu soo haysa uu qorshuhu ahaa in Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Degmada Tog-wajaale ka ururinayo Meheradaha Ganacsi ee Magaaladaasi. 

Khilaafkaasi oo soo kala dhex-galay Maamulka Cashuuraha Barriga iyo Ganacsatada Magaalada oo ka bilaabmay markii ugu horreysay qiimayntii uu Xafiiska Cashuuraha Barrigu ku sameeyey Meheradaha Ganacsi, taasi oo ay Ganacsatadu si wayn uga biyo-diideen, Isla markaana ay Dacwado ka dhan ah Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Degmada Tog-wajaale u gudbiyeen Maamulka Dawlada/Hoose ee Degmada iyo Taliska Booliiska ee Magaalada. Taasi oo Maamulaha Cashuuraha Barriga ee Gobolka Gabiley soo kala dhex galay Khilaafkaa ka dhashay qiimaynta Cashuur-Sanadeedka Macaashal-Macashka.

Iyada oo Maamulka Cashuuraha Barriga ee heer Gobol iyo Heer Degmo ay kullan ku wada qaateen Maanta Hoolka Shirarka ee Hotel Central ee Magaalada Tog-wajaale, Mulkiilayaasha Meheradaha Ganacsi ee Magaalada, halkaasi oo ay ku garnaqsadeen isla markaana ay iskaga xog-waraysteen Xudunta Khilaafkooda iyo waxa sababay, taasi oo ay Ganacsatadu ku sheegeen in lagu Shan Jibaaray Intii Sanadkii hore laga qaaday cashuurta Macaashal-Macaashka, isla markaana waxay Carabka ku dhufteen in Intooda ugu badani ay Laamo kale ku leeyihiin Caasimada Hargaysa, Iyaga oo farta ku fiiqay in Dalku uu yahay Dal kaliya sidoo kalena Wasaaradu ay tahay isla Wasaarad, hadana Meheradii Hargaysa inta lagaga qiimeeyey ay Meheradani Tog-wajaale Shan jeer ama Lix Jeer ay ku jibaaran tahay, iyaga oo xusay in laga yaabo in Meheradaa Hargaysi ka socod wacan tahay.

Ganacsatadu waxa kale oo ay Raali-galin ka bixiyeen Dacwada ay ka gudbiyeen Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Tog-wajaale oo ay u gudbiyeen Meel aan khusaynin isla markaana waxay hoosta ka xariiqeen in laga dhex faa’iidaystay oo laga majaro-habaabiyey Dacwadooda, waxaanay xuseen inay ka haboonayd in ay u gudbiyaan Xafiiska Wasaarada ee Heer Gobol. Waxaanay tilmaameen in ay Xaq u leeyihiin in ay ka gor-gortamaan.

Kulankani ay Xafiiska Cashuuraha Barriga ee heer Gobol iyo heer Degmo ee Gabiley iyo Tog-wajaale kula garnaqsanayeen Ganacsatada Magaalada Wajaale ayaa waxa Isaguna halkaa ka hadlay Maamulaha Cashuuraha Barriga ee Gobolka Gabiley Mustafe Muxumed Riiraash oo ugu horreyn Ganacsatada uga mahad-celiyey sida ay u soo ajiibeen Dalabkii Xafiiskiisu u soo jeediyey, waxaanu xusay in Gor-gortanku wanaagsan yahay oo Qofku Xaq u leeyahay in uu waxna diidi karo Waxna ogolaan karo, laakiin aanay ku jirin wixii Qaranimada wax yeelaynayaa, oo Cashuurtu ay ka mid tahay Tiirka ugu wayn ee Dawladnimadu ku dhisan tahay. Isaga oo Maamuluhu Farta ku fiiiqay in aanay Cidna ugu habranaynin Cashuurta Qarankani waajibiyey.

Maamulaha Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Degmada Tog-wajaale Mawliid Maxamed Iimaan (Sahsahle) oo Isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sharraxaad ka bixiyey Nidaamka Ganacsi ee Magaalada Wajaale iyo Habka iyo Hanaanka ay ku qiimeeyeen, Waxaanu xusay in Ganacsatada ku dhaqan Wajaale ay dhamaantood Meel kaliya wax ka soo iibsadaan Meelna ku wada iibiyaan oo Jumladlayaal iyo Tafaariiqlayaal ay wada yihiin, Taasi darteedna ay ku qiimeeyaan Tafaariiqlayaal, waxaanu tilmaamay in aanay Wajaale ka jirin Ganacsade ku kooban Jumadle kaliya, waxaanu farta ku fiiqay in Ganacsatada waawayn ee sheegta inay yihiin Jumlad-layaal ay Ganacsatada yaryar dheer yihiin, Iyaga oo Gaadiid ay gaar u leeyihiin ku dhig-dhiga Xaafadaha Magaalada iyo Daafaheedaba,

Maamulaha Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Degmada Tog-wajaale waxa kale oo uu Xukuumada dhexe ugu baaqay inay u guntadaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen daba-galista Liisamada u fasaxaya in Ganacsaduhu waxna soo dajin karo waxna dhoofin karo, waxaanu tilmaamay in uu Xog-badan ka hayo in Inta ugu badan ee Ganacsatada Magaaladani Tog-wajaale aanay lahaynba Liisamadii u fasaxayey Ganacsiga, ee ay ku shaqaystaan Liisamo ay leeyihiin Niman Mukhallasiin ahi. Isaga oo farta ku fiiqay in Dakhli badani kaga maqan yahay Xukuumada.

Gaba-gabadii waxa uu si wayn ugu mahad celiyey Ganacsatada si wacan u bixisa Cashuurta oo uu ku baaqay in ay kaga daydaan Intooda Cashuurta ku adagi  

Tog wajaale Office

· xaaji on May 31 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>