Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Ganacsade Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika iyo dukaamo ay Ganacsato Soomaaliyeed lahayeen oo la gubay.

Kooxo hubeysan ayaa deegaanka Greenfields ee Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika ku toogtay shalay oo Khamiis ahayd ganacsade Soomaaliyeed, kaasoo ka dhigaya ganacsadihii saddexaad oo toddobaadkan lagu dilo duleedyada Prot Elizabeth.

Afhyeenka booliiska magaalada Port Elizabeth, Cap. Stanley Jarvis ayaa sheegay in ganacsadahan laga toogtay madaxa, laabta iyo caloosha uuna ku dhintay halkii lagu toogtay, kooxihii dilkiisa geystayna ay ka baxadeen goobta.

Ma jirto cid loo xiray dilka ganacsadahan Soomaaliyeed, balse sarkaalkan u hadlay booliiska Koonfur Afrika ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii dilkaas geystay.

Dhanka kale, waxaa la gubay dukaanno lana bililiqeystay dukaanno ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed oo ku yaalla deegaanka Booysen Park oo ku taalla duleedka magaalada Port Elizabeth.

Booliiska magaaladaas ayaa sheegay in falkan ay sameeyeen kooxo burcad ah, taasina ay keentay in ganacsatadii Soomaaliyeed ee deegaanaas ku noolaa ay isaga cararaan halkaas si ay naftooda u badbaadiyaan.

“Dhammaan ganacsatadii Soomaaliyeed ee dukaamada ku lahaa deegankaas way isaga carareen halkaas,” sidaa waxaa yiri afhayeenka booliiska, Stanley Jarvis oo la hadlay shabakadda News24. “Booliiska waxay isku dayayaan in xiisadda ay dejiyaan, balse rabshado ayaa weli socda.”

Gubitaanka dukaamadan ayaa waxaa sababay rabshado ka dhacay deegaanka ay ku yaallaan kuwaasoo dhexmaray Soomaalida iyo dadka madow ee deegaannadaas deggen.

Ugu dambeyn, afhayeenka booliisku wuxuu sheegay inay u xireen falalkan lagu gubay dukaamada Soomaalida 11-qof, kuwaasoo uu sheegay inay ka mid yihiin dambiilayaasha ugu caansan magaaladaas iyo hareeraheeda.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Soomaali ah kuwaas oo intooda badan ku haysta ganacsiyo, waxayna kala kulmaan dadka ku nool deegaannada ay ganacsiyada ku haystaan dil iyo dhan joogto ah.

· xaaji on May 31 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>