Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Axmed Ibrahim Dahir – Hoggaamiyihii Xilliyada Adag.

Xilliga badhaadhaha dad oo dhami waa wada madax, waana wada siyaasi waana wada hoggaamiye. Balse xilliga adag, dadka in kooban ayuunbaa  ka soo dhex baxda oo talada qabata.

 

Qofka kasta oo xil madaxtinimo loo magacaabaa hawl uu qaban karaa hadduu qof iska caadi ah yahay, waayo waxa caawinaya kaabayaal badan oo mansabku wato oo ay ka midyihiin dad la shaqeynaya, dad kale oo kaaliyayaal u ah, gaadiid, lacag, xafiisyo, heybad albaab kasta uu ku geli karo iyo sharci iyo qaanuun u hiilinaya oo cidii amarka ka soo horjeesta u qabanaya.Balse marka aaney jirin intaas oo kaabayaal ihi, dad waxa ka soo baxa, ruuxa u dhashey hoggaamiyanimada iyo raganimada. Marxuum Axmed Weyne wuxu ahaa nin xilliga ay adagtahay la isku halleyn karo. Hoggaamiyaha dhabta ihi waa ka isaga oo aan heysan lacag, awood iyo kabayaal kale, hadana hoggaamiya umadiisa.

 

Xilliyadii 1991 iyo sanadihii ka danbeeyey ee waddanku fowdada ahaa, waxa an aad u aqaaney oo an nasiib u lahaa inan jaar noqono Marxuum Axmed Ibrahim Daahir (Axmed Weyne). Xilligaa wax xil ah oo siyaasadeed muu heynin, balse haddana waxa uu hayey xil ka weyn ka siyaasigu hayo, gaar ahaan magaalada Hargeisa.

 

Mudadaa an sheegay wuxu marxuumku goor walba mashquul ku ahaa xalinta arrin ama mushkilad, ha noqoto dad is diley, qaar dulmi tirsanaya, dad arrin dhex marey IWM. Odeytinimadiisa ka sakow, wuxu ahaa qofka loola tago arrinka adkaada ee gaar ahaan ku xidhma dadka adag ama qalafsan ee cid kale mari weydo. Wuxu ahaa qof xilka uu bulshada u hayo raganimadeeda leh, ku dhacna leh oo meel mariya waxa uu arko xaqqa. Waxa an dhowr goor u joogey isaga oo gar ku ridaya dad ay isxigaan oo u heelinaya qof kale oo ay heyb ahaan kala fog yihiin balse uu u arkayey inu dulman yahay. Wuxuuna  ahaa shakhsi  isku kalsoon, maskaxdana xor ka ah oo sida uu saxa u arko talada uugu dhaqaaqa.

 

Waxa jira dad marka ay siyaasadda galaan dadka caddaan iyo madow u kala saara oo wixii ay kala fikir yihiin u arka cadaw ama shisheeye wixii ay isku fikir yihiinna hoosta soo gashada. Marxuum Axmed wuxuu ahaa nin aad uuga korey kala qeybinta mujtamaca oo la fadhiista, saaxiibtinimana la wadaaga dad ay siyaasadda ku kala duwanyihiin. Marxuumku muu aheyn nin ku dheereeya hadalada jaafaajirqa ah ee warbaahinta la iskaga tuuro ama la isku aflagaadeeyo marka wax la isku khilaafo.

Ilaahow u naxariiso, inagana inooga daba naxariiso

 

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

 

[email protected]

· xaaji on June 16 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>