Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN!

HA DHALIILIN AADMIGA ADIGOON WAX DHEERAYN!
 
Suugaantu waxay qiimo leedahay marka wanaagga laysku faro, maansadani waxay xambaarsantay dareenka ku xeeran gabadh ku tirsanaan jirtey dadka la haybsooco amma Gabooyaha oo markii dambe noqotay Aji.Aniga oo kabahii gabadhaas gashaday ayaan maansadan ku sheegayaa culayska haybsooca iyo takoorku leeyahay,waxaan ku muujinaaya sida ay aniga ila tahay haddii aad Aji tahay iyo haddii aad Gabooye tahay nolosha guud wax badani u dhaxayn marka laga tago inta cadaadisku keenay mar haddii Diinta, Dalka, Diirka iyo hadalka debnahu isku mid yahay.Waxa loo baahan yahay in arrimahaas bulshada haysta laga maansoodo halka qabiil iyo qof la caayo tamarteenni ku dhammaatay.

Adduunyada ninkaan dhiman
Dharaaraha la nool yahay
Mar uun buu dhafoorkiyo
Dhabanada qabsanayaa
Dhakafaar wareeraa
Dhaqankii gaboobee
Ka dhammaaday Aadmiga
Tani dhaafiweydoo
Dhiriq iyo qoyaaniyo
Wax dhexdeenna yaalloo
Laga dhawransan baa jira

Haddaan hadalka soo dhigo
Ku dhacoo wixii jira
Runta aan ku dhiirado
Ku dhakhsado u jeedada
Erayada dhunkaashiyo
Lagu qoray dharkaynkana
Dhawaaqayga lagu kaco
Halka dhaymo loo rabo
Ku fadhiistay dhiigguna
Dheecaan ka soo shubo

Dhiilada waxaan ogey
Ee dhoorka lay sudhay
Anoon dhimanna noolayn
Hadalkii dhegaha dilay
Dhoqorjaa Midgaantii
Dhabarkayga laga yidhi
Sida dhuxunkureebkii
Ka dhagsiiyey oogada
Meeshuu i dhaawacay
Nabarkii ku hoos dhigo

Dhankaan shalay ahaa iyo
Halka dhalashaday tahay
Maba kala dhacaanoo
Dhanaankiyo macaankba
Anigaa dhadhamiyoo
Labadaba dhex jooga e

Sida dahab dhalaaliyo
Adoo dheeman lacageed
Isu dhigay wax qaaliya
Ha dhaliilin Aadmiga
Adigoon wax dheerayn
Haku dherersan buuraha
Haddii aad dhadhaab tahay
Dhalo yuu nin kale noqon
Dhalanteed waxaan jirin
Dhedo yaanay kula noqon
Roob dhacaaya waaberi
Dhulka ruuxa kula yaal
Een dhoof ku soo degin
Dhaqankii islaamkiyo
Diintuna ku dheertahay
Adoo dhaxan la jiifsada
Deentiyo galoolkii
La hadhsada dharaartii
Dhoobada Hargeysiyo
Dhagaxii la kuududa
Cadceeddii dhacaysiyo
Waagii dhalaalaba
Dhibta nolosha waayaha
Dhammaantiin wadaagtaan

Dha'da kale waxay tahay
Ridii dhoohanaydee
Dhanka qaawanaydee
Dugatee idaha tidhi
Dharka may xidhaanee
Qosolkana dhag siisaa
Sheekadu u dhawdee

Laandheer aadoo koray
Ku dhammaaday oogada
Dhulka sawdigaa yaal
Yaad dhaaftay Aadmiga
Dhalashaad ku faantee
Dhirta yaa ka hoos baxay
Dhiddo yay xambaartoo
Yaa dhurwaa la soo koray?
Yaan Aadan dhalinoo
Dhabta Xaawa soo korin?
Sagaal baan ku dhalanee
Maadaa dhakhso u yimi?
Meel kale ka soo dhacay?

Dhankaan shalay ahaa iyo
Halka dhalashaday tahay
Maba kala dhacaanoo
Dhanaankiyo macaankba
Anigaa dhadhamiyoo
Labadaba dhex jooga e

Dhaqankiyo hiddaha guud
Wax is dhaafay maan arag
Maan dhalan habeen kale
Xidhigaha dalaaliyo
Maan dhaafin heegada
Dhool soo hillaacoo
Soo dhaafay beeshii
Dhibicdii imay helin
Dhuuniga la quutiyo
Dherigiyo anfaaciga
Sidii baan dhardhaarada
Dhagaxyada u saaraa
Dhuyaciyo Maraagii
Dhicirtii u shidayaa
Dhamacdana u aasaa
Dhaydii riyaha iyo
Dhamayaa gadhoodhkii
Dhanaan galab la qooshiyo
Dhabarkiyo sakaarkii
Dhinacyada u solayaa
Dhuuxii jabsanayaa

Haddaan xabag dhalaashiyo
Dhafaruurta hawdkiyo
Dhilanaayey goonkii
Inta ay dhanaan tahay
Ee dharabka leedahay
Dhexda jaray xangeeyada
Dhirta malabka haysiyo
Dhuunyaale soo fagay
Amma dhabaqa muudsaday
Wixii dhuunta mari jirey
Wax ii dheerba maan cunin

Ma bedelin dharkaygii
Intii aan ku dhici jirey
Diricii dhalaaloo
Shalmaddiina maan dhigin
Dhaqankii hadday tahay
Dhacle iyo subeeciyad
Isma dhalangediyinoo
Dheehayga midabkii
Dhabankaygu waa kii
Dhaashiga ku noolaa
Dhererkiyo laxaadkana
Dhumucdaan lahaan jirey
Waxba iima dheeroo
Wuxuun baa ka sii dhacay

Dhaqan xumo daraaddeed
Halkii dhaawac gaadhee
Dhiman gaadhay awgeed
Dhakhtar gaar ah maan helin
Ii dhaya halkaan ogey

Ma dhamaay ninkaad tidhi
Adigoon ka dheerayn

 Kaman dhararagleeyiyo
Heesaha dhextaalka leh
Ina Dhuulle kuu tumay
Iyo dhawr kaloo badan
Waadiga dhegeystoo
Dhawaaqiyo cod wada jira
Kama dheregtid luuqdoo
Dhankan waad ku tumataa
Hadduu caano ku dhigo
Dhami maysid xoorkee
Maxaad ula dhacaysaa?
Ee dhididka kaa shubay?
Dhaantad u qaaddaa
Ninka dhaawacaagii
Dhitinaayey socodkee
Dhuumashada ku noolaa

Dhudda kale waxay tahay
Haddaan dhicis ahaan jirey
Lagu dhixin habeenkii
Dhurahiyo fandhaalkiyo
Weelkiisa lagu dhamin
Anigoo dhaliil qaba
Adna aad dhamays tahay
Dhoofkii markuu yimi
Gaalada dhankeediyo
Dhul shisheeye loo kacay
Afrikaan waxaa dhibay
Waa dheeha oogada
Dhuxul lagu tilmaamoo
Sida dhidarka hawdiyo
Dayeer dhashiisaa
Laga dhababceeyaa
Dhacan layska saaraa
Miyaad dhinac istaagtaa
Ku dhooldhoolyaanoo
Lagu soo dhaweeyaa
Amma iiga dhawdahay
Sida aan u dhiganahay
Ayuun baad ka dhigantoo
Waysu dheeli tiranoo
Dhismahaa jidhkeeniyo
Dhalankeenna oogada
Dhogortaa walaala ah


Marka hoos laguu dhigo
Ilmo kaa dhacaysaa
Dhabannada ku qoysoo
Dhayalsiga ma moogide
Runta dhagax ha saarine
Adoon dhaamin ruux kale
Dhiggaa waad ka kibirtee
Maad ka dhawri quudhsiga

Si kalaan u dhigayaa
Dhibta iyo waxyeelladu
Meeshay ka dhalatee
Ka dhaqaaqday baan ogay
Dhaqankii horee jirey
Dhaansiga biyaa iyo
Dhulka oo la kala dego
Dheddiggiyo haweenkoo
dhixirkii la kala jaro
Iyo dhuubka geedaha
Dhiig baa ku quban jirey
Ninka loo dhameeyee
Laga dhaco adduunkana
Dhirbaaxada qabiilkiyo
Dhabanaaniskeedii
Noloshii ka dheeliday
Dhaxaltooyadeedii
Dhashiisay ku raagtaa
Dhoobi geela raacoo
Dhaqayada irmaanka ah
Dhiil kula I taaloo
Dheef mooda weeyaan
Hadduu dhaafo baadiye
Dhal magaalo beegsado
Nin intay ka dheregtiyo
Dhacdhac loo yaboohoo
Dhulka xaadha weeyaan

Dhegleydiyo alqabankiyo
Haamaha la dhaansado
Dhirta gudinta lagu jaro
Dhuumaha xadiidka ah
Marka dhamacada lagu shido
Birta kala dhalaashoo
Ka dheegaaya mudacoo
Ka dhagsiiya waranoo
Ku dhashoo farshaxannimo
Ku dheereeya weeyaan
Dhallintiyo wax garadkow
Dhaayaha adoo furay
Dhaqankaa la weheshaday
Dhibay ruuxa kula mid ah
Waa halkay ka dhimatee
Sidee lagu dhammeeyaa
Dhan u qaada xaajada

Kayd M.Cabdalla
[email protected]

 

· xaaji on June 23 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>