| ||
|
Somaliland Waa Qaran Guulaystay; Qaran Fashilmayna ma Haybsan Karo! (Q.2-aad)
Jam. Somaliland waa qaran beesha caalamka ka furtay hawl oo kaga beegmay xil iyo waajibaad ay iyagu lahaayeen isla markaana u bed-baadiyey wixii kharash, muruq iyo maalba kaga bixi lahaa nabadayntiisa, xasiloonidiisa iyo dib-u-dhiskiisaba; maadaama ay ummadda JSL iyagu isku tashadeen oo waxaasoo dhan ay dusha u riteen. Somaliland waa Qaran Guulaystay oo xil-kas ah si mug lehna uga soo baxay xilkii iyo masuuliyaddii ka saarnaa ummaddiisa. Ummadda Jam. Somaliland waxay si cad u ogyihiin una arkaan inay Bulshada Caalamku isdiidsiinayaan horumarka iyo dawladnimada buuxda ee ay ummadda JSL kartidooda kula yimaadeen. Beesha caalamku waxay indhaha ka lalinayaan rabitaanka ummadda JSL iyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan oo ka mid ah bulshada caalamka. Halkii bulshada caalamku ay ummadda JSL u abaal-gudi-lahayd ee lagu abaal-marin-lahaa aqoonsi iyo ictiraaf buuxa; waxaynu aragnaa in bulshada caalamku ay kool-koolinayso Qaran Fashilmay oo ku saaqiday inuu ka soo baxo masuuliyaddii iyo waajibaadkii ka saarnaa ummaddiisa iyo beesha caalamka dhin kasta oo ay tahayba! Haddaba, marka aad u fiirsato hab-dhaqanka iyo laba-wajiilaynta ay beesha caalamku kula dhaqmayaan Jam. Somaliland, waxaad mar-mar is odhanaysaa MALAHA Jam. Somaliland waxay si aan ku talo-gal ahayn ugu xad gudubtay Sharci Qarsoon oo ay dhigteen Quwadaha talada dunida loo daba-fadhiisto kaasoo nuxurkiisu ku soo ururayo arrimahan soo socda:
Dhinaca kale, madaxda Qaranka oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyo, si ammaankooda loo sugo oo looga ilaaliyo ummadda ay xukumaan, waa in ay ilaaliyaan Ciidamo midabo iyo magacyo kala duwan wata. Waa in lagu qaado Kaare iyo Gawaadhi Gaashaamin oo qaaliya, illayn ammaankooda ayaa la sugayaa oo dadkoodaa laga ilaalinayaaye!! Dabcan, Ciidamadaa midabbada iyo magacyada kala duwan wata waxa ku baxaya kharash iyo adduun xad-dhaaf ah illayn nabad bay kuu wadaane; waxaas oo dhammina adigey dummaddaada yihiin oo isku qaba. Waxa u rahman Bad iyo Berriba wixii Khayraad dalkaaga ku jira! Xataa dadkaa la rahmayaa hadii loo baahdo! Ummadda Somaliland taa may yeelin ee iyagaa la yimid nabad-iyo-xasilooni- waarta. Iyagoon cidna u daba-fadhiisanin walaalaynta iyo is-weheshiga shicibkeeda, Somaliland waxay si la yaab leh u dhamaystirtay dhammaanba kaabayaasha nabadgelayada ee lagama-maarmaanka u ah jiritaanka qaranka. B. Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda: Ummadda Somaliland taa may yeelin ee waxay is-waafajiyeen hannaanka dimuqraadiyadda iyo hab-nololeedka bulshad JSL taasoo si dhab ah uga tarjumaysa baahiyaha dhabta ah ee jira, isla markaana la jaan-qaadi kara hadafka iyo hiigsiga ay ummaddani leedahay. C. Kobaca Dhaqaalaha iyo Hurumarka Bulshada: Ummadda Somaliland taa may yeelin ee iygoo eex iyo xaq-darro weyn ka tirsanaya beesha caalamka oo ayna cidina ka caawin dib-u-dhiska dalkoodii iyo dhaqaalahoodii la bur-buriyey; waxay go’aansadeen inayna gacmaha hoorsan oo ayna cidna isku hallayn. Waxay u dhaqaaqeen dib-u-dhiska dalka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhiirri-gelinta suuqa xorta ah, iwm. Muddo 22 sano ah waxay ku sifoobeen inay yihiin mucjisada Geeska Afrika. GEBA-GEBO: Waxaa Allah mahaddii ah in nabadda, xasiloonida, degenaanshaha iyo kala dambaynta aynu maanta ku naaloonayno ayna wax deyn ah innagu joogin, dalkeenuna aanu-u-rahmanayn, oo aanay cidina innoogu tar sheeganayn. Waxaa Allah mahaddii ah in Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda aynu qaadannay ay tahay mid daaraddeena ka baxday oo aanay inagu ahayn ergise iyo mid degel-shisheeye la innooga soo daabulay!! Waxaa Allah mahaddii ah in koboca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee ay Somaliland muddada 22-ka sano ah dhisaysay; aanu haba yaraatee ahayn mid ku yimid qaadhaan iyo gacan-maris ay beesha caalamku innoogu yabooheen. Haddaba, xilli ay si aad ah isu soo tarayaan hadimooyinka iyo hagar-daamada qorshaysan ee ka dhanka ah Qarannimada iyo Gooni-isutaagga JSL; waxay ila tahay in beesha caalamku ay ummadda Jam. Somaliland ku leeyihiin: ............... INSHA ALLAH: La Soco (Qaybta 3-aad) ee maqaalkan taxanaha ah: Somaliland Waa Qaran Guulaystay; Qaran Fashilmayna ma Haybsan Karo! SOMALILAND HA NOOLAATO, KA NAXOW NAFTA WAA!!!! W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh | Hussein Deyr ||UK|
|
|
|
Render time: 0.17 seconds
|