| ||
|
Somaliland Waa Qaran Guulaystay Qaran Fashilmayna ma Haybsan Karo!(Q.3-aad)
Garashada Togan iyo Caqliga Taamka ah ee shicibka Jam.Somaliland waa Halbeegga iyo Astaanta lagaga Dir-sooco ummadaha kale ee aynu isirka wadaagno. Horumarka dhan kasta ah ee sida cad uga muuqda hannaanka dawladnimo ee JSL waa maxsuulkii kartida iyo awoodda ummad iyagu ku tashaday inay ka maar-maan gacan-hoorsi shisheeye. Sabir, dulqaad, dedaal, garashada togan iyo quluubta wada-jirta ee ummadda Jam. Somaliland ayaa keentay guushaa loo quudhi la’ayahay ummaddan karaamada leh. Waxaa Allah mahaddii ah in nabadda, xasiloonida, degenaanshaha iyo kala dambaynta aynu maanta ku naaloonayno ayna wax deyn ah innagu joogin, dalkeenuna aanu-u-rahmanayn, oo aanaan cidna u daba-fadhiisanayn. Waxaa Allah mahaddii ah in Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda aynu qaadannay ay tahay mid daaraddeena ka baxday oo aanay inagu ahayn ergise iyo mid degel-shisheeye la innooga soo daabulay!! Waxaa Allah mahaddii ah in koboca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee ay Somaliland muddada 22-ka sano ah dhisaysay; aanu haba yaraatee ahayn mid ku yimid qaadhaan iyo gacan-maris ay beesha caalamku innoogu yabooheen. Haddaba, waxay ila tahay in beesha caalamku ay ina leeyihiin: 2. Hagrashada iyo Eexda ay Beesha Caalamku maaha Kow!! Sidoo kale Waddamada Muslimka ah iyo kuwa Carabta ah, lama sheegi karo dal keliya oo Muslimnimo ama Bini-adamnimo midna kaga naxay ummaddaa la xasuuqayey amaba isku dayey inuu dhaleeceeyo taliskii arxanka darnaa!! Waxaa taa ka sii darnaa in dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ahiba ay ahaayeen kuwii aad u taageerayey ee hiil, hoo, hub iyo lacagba la hareero taagnaa taliskii dhiigyo cabka ahaa si uu xasuuqa u dhammaystiro. Waa kuwii ummaddeenna oo barakacday oo bakhtigu u xalaal yahay kala bakhaylay inay hor Allah iyo muslinnimo gargaar u fidiyaan. Miyaanay ahayn dalalka Carabtu kuwii dadkeenna soo tarxiili jiray ee gacanta u soo gelinayey si uu u xasuuqo gacan-ku-dhiiglihii Siyaad Barre!! Qaaradda Afrika, iyada berigaa waxaa ka talinayey xukuumado milatari oo iyaga laftoodu si toos ah iyo si dadbanba dhibaato ugu hayey ummadihii ay xukumayeen. Bedbaado waa ta ALLAH, balse waxaan aaminsanahay inaanay Bulshada Caalamku ummadda Somaliland teello iyo abaal midna u gelin, hal waddan mooyaane!! Waxa xusid iyo is-xasuusinba mudan in dalka Ethiopia oo yaraantaydii la igu soo bar-baariyey inuu yahay cadowga koowaad ee dadka Af-Somalilaga ku hadla, uu ahaa Bulshada Caalamka oo idil dalka keliya ee ummaddeenna u naxay ee ina siiyey taageero hagar la’aan ah. Hadday tahay hoy iyo soo dhaweyn dadkii barakacay iyo hadday tahay taageerada halgankii hubaysnaaba. Sidaa daraadeed, horrayso iyo dambaysaba Ethiopia waa saaxiibka iyo wehelka keliya ee ay ummadda Somaliland leeyihiin, iyagaana cid walba innooga dhow. Waxa lagama maarmaan ah in ummadda Somaliland aanay illoobin ahaanshaheeda ummadnimo iyo taariikhda halgankeeda, waa inaynu mar walba xasuusnaano waayihii iyo waqtigii adkaa ee shalay ina soo maray iyo qiimaha ay ku kacday nabadda iyo xorriyadda aynu maanta hadhsanayno. Miyaanay ahayn nasiib darro inteeda le’eg marka ay ummadi weli kala saari waydo nacabkeeda iyo nasteexeeda, ay ka faanto ama ka xishooto wixii ay shalay ku faani jirtay!! Markaa, saw ma muuqato in aanay ummaddaasi waxba ku qaadan taariikhdii iyo waayihii adkaa ee shalay soo maray? INSHA ALLAH; La soco Qaybta 4-aad: Somaliland Waa Qaran Guulaystay; Qaran Fashilmayna ma Haybsan Karo! SOMALILAND HA JIRTO OO HA JOOGTO W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)(UK)
|
|
|
Render time: 0.20 seconds
|