| ||
|
Gabadhii hogaamineysay dagaalkii xarunta Westgate Mall oo si xeeladeysan uga baxsatay goobta.Waxaa soo baxay cadeema muujinaayo in ay si xeeladeesan ku baxsatay gabadhii u dhalatay dalka Ingariiska ee hogaamineysay dagaalka lagu qaaday xarunta Westgate Mall iyadoona dowlada Kenya markay ogadeen gabadhaan in ay baxsatay ay sheegeen in ay dileen taana waxay meesha ka sareysaa markii saxaafada soo bandhigtay sawirada cadeynaayo habka xeeladeeysan ay uga baxsatay ciidamada amniga ee dalka Kenya iyadoona ilaa iyo xiligaan la ogeen meel ay jaan iyo cirib dhigtay
Gabadhaan hogaamineysay dagaalka ayaa maalintii labaad goobta isaga baxday iyadoon gabar inadhayar oo dhaawac ah isaga dhigtay in ay la socotay dhawaceedana ay u wado isbitaal taana waxay keentay in la saacido ilaa ay goobta ka baxday
Waxaa jira oo kale warar kale oo sheegayo in ay baxsaden qaar kale oo badan oo dagaalka kula jiray ciidamada Kenya madaama si cad loo heynin meydad cadeynaayo ragii weerarka fuliyey Si kastaba ha ahatee haday dhacdo in ay noqotay gabadhaan falkii lagu weeraray xarunta ay baxsato waxay ceeb weyn ku noqon doontaa dowlada Kenya Hargeysa Online.
|
|
|
Render time: 0.17 seconds
|