Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Kulan Guddida Qaban-Qaabadda Shirwaynaha Kulmiye Iskugu Timid Oo Ay Ku Kala Kaceen.

480_siilnayo_iyo_muuse_biixi.jpgGuddida Qaban qaabada shirwaynaha 3-aad ee Xisbul xaakimka dalka ee Kulmiye oo isku diyaarinayey 24-kii saacadood ee ugu danbeeyey inay iska dhexdoortaan Guddoomiye iyo ku xigeen haga hawlaha guddida ayaa kulan ay shalay subaxnimadii iskugu yimaadeen oo ay sida qorshuhu ahaa ay damacsanaayeen inay shirgudoonkooda ku doortaan ayaa aakhirkii fashilaad ku dhamaaday, ka dib markii xubnaha guddidaasi isku afgaran wayday cida ay hogaan u dooranayaan. Kulankan oo isagu ka dhacay Hoolka shirarka ee xarunta Xisbiga Kulmiye ee Cali Maarshaal ayaa sida ay Hargeysa Online u sheegeen dad goobjoog ahi waxa ka soo xaadiray 18 xubnood, halka 9 xubnood oo ka mid ah 27-ka xubnood ee guddida qaban-qaabadda shirwaynaha Xisbigaasi aanay iyagu shirkaasi ka soo xaadirin oo ay ka baaqdeen. kulankaas shalay ee lagu kala kacay ayaa yimid ka dib markii xubnaha guddidaasi oo sida muuqata ku kala qaybsan cida ay u dooranayaan hogaankooda ayaa dood iyo buuq badan ka dib markii uu shirkaasi ka socon waayey waxa in kulankaas dib loo dhigo soo jeediyey guddoonka guddidaas oo sida sharcigu dhigayo noqonaya xubinta ugu da’da wayn guddida oo ahaa Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan), kaas oo madashaas kaga dhawaaqay in doorashadda hogaankooda dib loogu dhigo Maanta oo ah Arbaca saacada Afrikada bari marka ay tahay 10-ka subaxnimo. Sidoo kale baaqashada kulankan guddida qaban-qaabadu ku dooranayeen hogaankooda ayaa waxa daboolka ka qaaday halka uu marayo loolanka jagada Kulmiye dhexdiisa ka socda, kaas oo xisbigaas u kala jabiyey laba garab oo la kala safan Guddoomiyaha hada Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale oo ay kala taageersan yihiin xubnaha guddida qaban-qaabada laftigeedu, isla markaana koox waliba dhinaceeda doonayso inay ka guulaysato kuwa ka soo horjeeda. Mida kale markii lagu kala dareeray kulankoodii ugu horeeyey ee ay guddida qaban-qaabadu iskugu timid ayaa waxay arintaasi sababtay sida ay Hargeysa Online u sheegeen dad xogogaal ahi in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi uu fashilaada shirkaasi ka xanaaqay, isla markaana uu ashkato ka dhan ah kooxda loolanku ka dhextaagan yahay ee uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Mr Samaale uu u gudbiyey Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu ka dalbaday in faro-galin ay xukuumadu ku hayso in laga daayo, balse si dhab ah looma oga jawaabta uu Guddoomiye Muuse Biixi kala soo noqday Madaxwaynaha. Dhinaca kale sida ay Hargeysa Online u sheegeen xubno ka mid ah guddida qaban-qaabadu waxa tartanka Guddoonka guddidaasi ilaa imika u sharaxan xubno ay ka mid yihiin Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, Xasan Gaafaadhi, Abiib Xaamud Jibriil, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo Xildhibaan Saleebaan Bukhaari, kuwaas oo laftigoodu u kala jandheedha dhinacyada ku loolamaya Hogaanka Xisbiga Kulmiye.

 

 

Maxamed Xasan dheere
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online
Hargeysa Somaliland

· xaaji on October 30 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>