|
|
Saddexda xisbi qaran ee Somaliland, Kulmiye, Ucid iyo Waddani ayaa shalay ku heshiiyey in doodii qaran ee qabashadeeda lagu muransanaa loo badelo dood cilmiyeed ay si wada jir ah u qabtaan axsaabta Somaliland mucaarid iyo muxaafidba.
Sida ay Hargeysa Online u sheegeen ilo wareedo u dhuundaloola dedaalo la iskugu soo dhawaynayo xisbiyadda qaranka ee khilaafka ka dhashay doodii qaran ee ay mucaaridku hore u iclaamiyeen oo ay 48-kii saacadood ee u danbeeyey ay ka dhex-waday Akamadamiyada nabada Somaliland ayaa aakhirkii la sheegay inay maalintii shalay lagu soo gabo-gabeeyey is-fahan.
Ilo-wareedadaasi ayaa xusay in Akadamiyada Nabadda Somaliland inay kulamo gooni-gooni ah la yeelatay axsaabta qaranka, taas oo markii danbena ku guulaysatay inay isku soo horfadhiisiso kulamo fool ka fool ah madaxda saddexda xisbi qaran oo iyagu go’aan wada jir ah iskula qaatay inay Akadamiyadu daadihiso dood cilmiyeedkaas oo la filayo in lagu lafo-guro marxadihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay mudadii ay jirtay, isla markaana lagu falanqayn doono caqabadaha wakhtigan hortaagan Somaliland.
Dhinaca kale ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay saddexda xisbi qaran iyo Akadamiyada toona oo ku taxa-luqa heshiiska la sheegay inay gaadheen balse waxa la filayaa in maanta Akadamiyada nabadu shaaciso is-afgaradka dhexmaray axsaabta qaranka.
Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.