Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wasiirka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Dooda Qaran Iyo Khilaafka Golaha Wakiillada Ka Aloosan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, waygalinta iyo dhaqanka Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa bayaamiyay in xukuumada Somaliland ay ogashahay qabashada dooda qaran ee xisbiyada mucaaridku ku baaqeen qabashadiisa, waxaanu tilmaamay in xukumadu gacan ka siin doonto sidii ay tallo saalix ah uga soo saari lahaayeen.

Wasiirka warfaafinta oo shalay xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id oo arrimahaasi ku faah-faahinyo waxa uu yidhi, “Anagu (xukuumada) wadatashi waanu ogol nahay, howsha uu gacanta ku hayay golaha guurtidu si fiican ayaanu u soo dhawaynaynaa, akadamiyada waanu soo dhawaynaynaa, waanu soo dhawaynaynaa in xisbiyada qaranku isu tagaan oo kawada hadlaan danaha dalka, doorashooyinka iyo danaha nabad galyada oo xukuumaduna gacan ka siiso wax kasta oo u fududeynaya inay talo saalaxa dhiiban”.

Wasiir Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxa kale oo uu sheegay in dalka uu ka socdo horumar iyo dib u dhis ballaadhan, isla markaana aanay maanta jirin balaayo qarankeena taala oo gurmad iyo ka soo kacaay u baahan waxaanu yidhi “Xukuumaddan ayaa loo doortay in ay hogaamiso dalkan, dalkana horumar iyo dhisme ayaa ka socda, maanta ma ogi anigu balaayo qarankeena taala oo gurmad iyo ka soo kacaay u baahatay. Dooddani waxay noqon doontaba akadamiyada ayay u taalaa oo u magac bixin-doonta laakiin dadka yaan lagu dawakhinin waa dood qaran waa dood ficiis ah, howl inaga inoo taala maaha, waxay u taalaa akadamiyada, golaha guurtida iyo xisbiyada qaranka ee wada hadlayay”.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, waygalinta iyo dhaqanka Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, waxa kale oo ka hadlay muranka maalmaham dambe ka taagna golaha wakiillada Somaliland, kaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid aan loo baahnay waxaanu yidhi “laba gole oo murma ma doonayno, gole gudihiisa murmana ma jeclin, qarankeena had iyo jeerraale muranka waxaa lagu dhameeyaa wadahadal, is-qancin iyo isu-tanaasul. Maxkamad ba yaanay idinka tagin’e orda oo waxaa tihiin odoyaashii dalkan mudada dheer u soo dagaalamayay’e sidii aad ku wadeen ee quruxda badnay ee aad saaxiibka u ahaydeen u ahaada, xeerarkiina hoose iyo nidaamkiina ku dhaqma oo is qanciya wax allaale wixii aad isla qaadataana xukuumad ahaan diyaar ayaanu u nahay”.

Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaa uu tacsi u diray marxuum ku dhintay mudaharaad rabshado watay oo dorraad ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanu shacbiga reer Burco u soo jeediyay inay nabad galayada illaaliyaan.

“Waxaan tacsi u dirayaa cid kasta oo dhimasho ama dhaawac ka soo gaadhay mudaharaadyo ka dhacay Burco. Mudaharaadkaas oo sababta uu u dhacay iyo khasaaraha ka dhashay aanay islahayn aad baan uga xumahay. Illaahayna waxaan ka rajeynaya in naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu marxuunku ka bxayna samir iyo iimaan ka siiyo, kuwa dhaawacmayna Illaahay ha u sahlo, waxaan ku hambalyaynayaa madaxda gobolka iyo wasiirada halkaasi joogaba howsha ay qabteen iyo duqayda, waxgaradka iyo waayeelka oo ka talinaysay nabada waxaan iyagana ku dhiirinayaa in howsha halkaa ka sii wadaan, waxaan shacbiga reer Burcona u soo jeedinaya inay nabad galayada illaaliyaan”. Ayuu yidhi, Wasiirka warfaafinta Md. C/laahi Cukuse.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· abdi on December 25 2013 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>