Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Gudoomiye Ku Xigeenada Wakiilada Oo La Sheegay Inay Ka Wada Hadleen Sidii Xilalka Ay Iskaga Casili Lahaayeen.

Gudoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo iyagu ka cadhooday fadhigii Isniintii todobaadkan ee goluhu ku meel mariyay wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha oo aan muddadaasi ka dib ka soo xaadirin fadhiyada golahooda, ka dib markii ay cadho kaga dareereen fadhigii lagu ansixiyay xeer hoosaadka cusub, isla markaana awoodahoogii shirgudoonimo hoos loo dhigay ayaa la sheegay inay ka fiirsanayaan inay xilalkaasi iska casilaan iyo in kale.

Ilaa hada lama oga talaabada ay ka qaadan doonaan go’aanka golahoodu awoodahoogii hore ee shirgudoonimo uu hoos ugu dhigay.

Hase yeeshee ila wareedyo u dhuun daloola xubnaha golaha wakiilada ayaa sheegaya in labada gudoomiye ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Cali Yuusuf Axmed oo tirada lagu ridi karo laga dhigay 42 cod halka ay markii hore ka ahayd 55 cod la sheegay in xilalkaasi ay iska casli doonaan, balse ilaa hada ma jiro war rasmiya ka soo baxay labada gudoomiye ku xigeen ee wakiilada oo ay ku cadaynayaan inay xilalkaasi iska casli doonaan.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golahaasi Cali Yuusuf Axmed oo isagu doraad shirjaraa’id oo uu oo qabtay go’aanka golaha sharci daro ku tilmaamay ayaa sheegay inay ka tashanayaan talaabada ay ka qaadan doonaan go’aanka golahoodu ku ansixiyay wax ka badalka xeer hoosaadka, balse gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi Baashe Maxamed Faarax ayaan isagu ilaa hada cadaynin mawqifka uu ka taagan yahay go’aanka goluhu uu wax kaga badalay xeer hoosaadka.

Dhinaca kale waxay ilo wareedyadu tibaaxeen inay jiraan xubno ka tirsan golaha wakiilada oo iyagu suudhka u xidhay haddii ay dhacdo in labada ku xigeen ay iska casilaan jagooyinkaasi inay isku sharaxaan kuraastooda gurada sare laga soo dajiyay, kuwaas oo ay jiraan xildhibaano magacyadooda layskula dhex marayo gololaha wakiilada oo lala xidhiidhinayo inuu hunguri kaga jiro kuraasta labada gudoomiye ku xigeen.

Dhanka kalae Xeer hoosaadka golaha wakiilada ayaa dhigaya xildhibaanka labaatan fadhi oo isku xiga idam la’aan kaga maqnaada fadhiyada golaha inuu si rasmiya u waayayo xubinimada uu kaga tirsan yahay golahaasi.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on January 31 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>