| ||
|
Waddooyinku Waa Laf-dhabarta Dhaqaalaha Dalka. 1. HORDHAC:
2. Waddooyinka iyo Saamaynta ay ku leeyihiin Nolosha Bulshada: Waddooyinka Laamiga ahi, ma aha oo keliya inay qayb muhiim ah ka qaataan koboca iyo horumarka dhaqaalaha uu Dal leeyahay, balse waxa kale oo ay fududeeyaan isu-socodka, is-dhex-galka, is-fahanka, wax-is-dhaafsiga iyo is-kaashiga bulshada Dalkaasi ku dhaqan iyo weliba bulshooyinka kale ee ku nool Waddamada deriska ah. Waddooyinku waxay lagama maarmaan u yihiin dhinacyo badan oo saamayn ku leh xagga horumarka uu aadamahu hiigsanayo. Waddooyinku waxay kor u qaadaan oo ay wanaajiyaan tayada nolosha bulshada, waxay kordhiyaan awoodda wax-soo-saarka iyo ganacsiga u dhexeeya bulshada, waxa kordha wax-soo-saarka warshadaha, beeraha, qalabka dhismaha iyo adeegyada kale ee la xidhiidha. Waddooyinku waxa kale oo ay kobciyaan fursadaha shaqo ee uu muwaadinku ka heli karo dalkiisa. Waddooyinku waxay muwaadinka u horseedaan xorriyad iyo madax-bannaani uu u safri karo kuna noolaan karo meel kasta oo uu doono. Waddo xumaantu waxay caqabad weyn ku tahay Ganacsiga xorta ah, wax-soo-saarka iyo isu-socodka bulshada. Laakiin marka ay jiraan Waddooyin fiicani waxa fududaada isu-socodka iyo wax-is-dhaafsiga bulshada, waxana si toos ah ula kordha dakhliga Dalka u soo xerooda.
Waddamada Reer Europe ee ku bahoobay ururka Yurub (EU28) kuwaasoo xagga Warshadaha iyo Arrimaha bulshada hore uga maray, Waddooyinku waxay qayb muhiim ah ka yihiin nolosha Bulshada iyo Dhaqaalaha Waddamadaa u soo xerooda.
Tusaale ahaan:
3. Tallaabo Quman oo lagu Tanaaday: Markii ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo talada dalka la wareegtay, waxay dareentay baahida weyn ee loo qabo iyo faa’iidada ay leedahay dhismaha iyo dayactirka Waddooyinka Dalkeennu. Si arrintaa looga midha-dhaliyana waxay Xukuumaddu la timid hannaan talo-wadaag iyo iskaashi dhex mara shacab-weynaha Jam. Somaliland iyo Xukuumadda. Arrintani waxay dhiirri-gelisay in si wada-jir ah loo waajaho hawlaha iyo danaha bulshada oo dhan faa’iidada u leh. Nidaamkan wax wadaqabsi ee ay Xukuumaddu horseedka ka tahay ayaa ah mid lagu dhammaystiri karo hawlo badan oo qabyo noqon lahaa ama keli ku noqon lahaa Xukuumadda oo ayna haynteedu buurnayn.
Haya’dda Horumarinta Waddooyinka ayaa iyadu hadda ka hor ahayd mid ay saamaynteeda bulsho iyo tayadeeda hawleedba aad u hooseeyaan.In Haya’dda Horumarinta Waddooyinka Qaranka la hoos geeyo Wasaaradda Madaxtooyada waxay ahayd Tallaabo Quman oo lagu Tanaaday , taasoo ay durba bulshadu dareentay faa’iidada ay lahayd go’aan-qaadashadaasi. Horumarka ay ku Tallaabsatay Haya’dda Horumarinta Waddooyinka Qaranku waxa saldhig u ahaa go’aan qaadasho, ku dhac iyo ku dhiirasho dhab ah oo ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo horseed ka tahay.
In kasta oo xilka iyo waajibaadka bulshadaba loo wada simanyahay, haddana gudashada dhabta ah ee xilka iyo garashada baylahaha bulshada cid waliba uma damqato. Shaqsiyaad faro-ku-tiris ah oo uu dareen-waddaninnimo diray ayaa iyagu isku hawla horumarinta danaha Bulshadooda. Shaqsiyaadka iyagu sida weyn isugu hawla horumarinta bulshadooda waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Xirsi Cali X. Xasan. Waxaan u arkaa inuu Wasiir Xirsi yahay masuul da’ yar, hawlkar ah oo jecel horumarka dadkiisa iyo dalkiisaba. Wuxuu tusaale wanaagsan u yahay dhallinyarada iyo siyaasiyiinta da’da yar ee ay Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo siisay fursadda inay qayb ka noqdaan talada iyo hoggaanka dalka. Saaxada siyaadda ayaa hadda ka hor ahaan jirtay mansab iyo magac u gaar ah dadka waaweyn, dhallinyaraduna haba yaraatee may lahayn cod iyo fursad ay kaga qayb qaataan talada dalkooda. Isbeddellada la taaban karo ee ay Xukuumadda hadda talada haysaa suurto gelisay waxa tusaale cad u ah doorka ay maanta Dhallinyaradu ku leeyihiin hoggaaminta iyo talada dalka (heer Degmo, heer Gobol iyo heer Qaranba).
Wasiir Xirsi Cali X. Xasan iyo Haya’dda Horumarinta Waddooyinka Qaranka waxaan ku hambalyeynayaa kuna ammaanayaa Horumarka la taaban karo ee ay muddo kooban ku tallaabsadeen, waxaanan ALLAH idiinka baryayaa inuu idinku guuleeyo dedaalka aad ugu jirtaan Horumarinta Waddooyinka Dalkeenna.
La soco Qaybaha Dambe ee Maqaalka: “Waddooyinku Waa Laf-dhabarta Dhaqaalaha Dalka iyo Is-dhexgalka Bulshada.”
ALLAA Mahad iyo Mudnaanba leh,
W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Hargeysa, Somaliland|
|
|
|
Render time: 0.16 seconds
|