Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Baabuur Miineysan oo goor-dhow ku qarxay agagaarka Hotel City ee Mogdisho.

Ugu yaraan laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda iyo qof shacab ah ayaa ku dhintay qarax ka dhacay goor-dhow agagaarka hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho oo ku yaalla degmada C/casiis ee gobolka Banaadir.

Goob-joogayaal ayaa Hargeysa Online u xaqiijiyay in gaariga uu ku qarxay meel 25 tallaabo o u jirta hoteelka, iyadoo ay jiraan dhowr qof oo ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen, inta la hubana waa laba qof oo shacab ah.

“Inta aan arkkay hal qof ayaa ku dhintay, dhowr qof oo kalena dhaawacyo ayaa ka gaaray qaraxa, waxaana qaraxaas uu ahaa mid xooggan,” ayuu yiri goobjooge ku sugan goobta u xaqiijiyay Hargeysa Online

Afhayeenka booliiska Soomaaliya oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu hal askari ku dhintay, kaddib markii uu dhaawac culus soo gaaray ayna jiraan laba qof oo kale oo shacab ah oo ay dhaawacyo culus kasoo gaareen.

"Qaraxan wuxuu ahaa mid la doonayay in dhibaato lagu geysto, balse waan fashilinnay oo waan ka hortaganay, khasaare badanna ma geysan," ayuu yiri afhayeenka booliiska Col. Qaasim oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Baabuurkan ayaa la sheegay in la dhigay goobta oo looga tagay, mana jirto cid sheegatay in ay ka dambeyso weerarkan oo qayb ka noqonaya kuwa dhawaanahan xarunta Soomaaliya ka dhacayay.

Markii uu qaraxan dhacayay ayaa waxaa ku jiray hoteelka City Palace xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo uu halkaas shir ugu soo dhammaaday, mana jiraan wax khasaare ah oo  gaaray.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku dhow xarunta Nabad-sugidda Qaranka, iyadoo qaraxan uu kusoo beegmayo xilli ay dowladda Soomaaliya ay shaacisay inay adkeynayso ammaanka magaalada Muqdisho.


HargeysaOnline.Net

 

· abdi on May 31 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>