Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Xukuumadda iyo Mucaaradka Somaliland oo ku kala aragti duwan qaabka loo qabanayo Doorashooyinka Madaxtooyadda.

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid Eng Faysala Cali Waraabe Ayaa Ka Hadlay Baahida Loo Qabo In La Kordhiyo  Tirada Xubnaha Koomishanka Doorashooyinka Somaliland Iyo Wax Ka Bedel Lagu Sameeyo Gudidaasi.


Sidaasi Waxaa Lagu Sheegay War Saxaafadeed Kasoo Baxay Laanta Xisbiga Ucid Ee Magaalada London Halkaas Oo Habeenkii Axada Casho Sharaf Loogu Sameeyay Gudoomiye Faysala Cali Waraabe.

Warsaxaafadeekan Oo Dhamaystiran Ayaa Waxaa Uu Udhignaa Sidan:

Guddoomiyaha xisbiga UCID mar uu ka hadlayey doorashooyinka soo socda waxa uu sheegey inay imminka meel fiican marayso diyaargarowgii diiwaangalintu, Komishanka Doorashooyinkuna ay qabteen shaqo fiican, tijaabadiisana ay sameeyeen. Waxa Guddoomiyaha UCID caddeeyey in Guddida Doorashooyinka Qaranka la beddeli doono, suurtogalna ay tahay in wax-ka-beddel lagu sameeyo xubnaha uu ka koobnaan doono Komishanka Doorashooyinku, hasayeeshee, arrintaas laga wadahadli doono,� ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay laanta UCID ee dalka UK.

Eng. Faysal Cali-waraabe oo ka qaybgalaya shir ay leeyihiin xisbiyada The Socialist International oo xisbiga UCID xubin ka yahay, kaasoo dalka Mexico ee Qaaradda Waqooyiga Ameerika ka furmaya, socona doonaa ilaa Salaasada berri, waxa uu sheegay in xukuumada madaxweyne Siilaanyo damacsan tahay in mar la wada qabto doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo u muddaysan badhtamaha sannadka 2015, isagoo xusay in xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI aanay weli go’aan ka gaadhin in labada doorasho la is-raaciyo iyo in midba mar la qabto.

Hasayeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa 12 June ee sannadkan soo jeediyey in aan mar la wada qaban doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada, waxaannu ku baaqay in labada doorasho mid walba gaarkeeda loo qabto, isagoo hore u soo jeediyey in tiradda guud ee Komishanka Doorashooyinka oo hadda ah 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood oo saddexda xisbi qaran mid walba saddex xubnood magacaabo.

Guddoomiyaha xisbiga UCID, ayaa sidoo kale sheegay in siyaasadda Arrimaha Dibadda Somaliland tahay mid aad u hoosaysa, isla markaana ay mareyso in waddamada jaarku xidhaan xuduudka ay la wadaagaan Somaliland, arrintaasoo uu ku sifeeyey inay muujinayso hoos-u-dhac ku yimi siyaasadda khaarajiga xukuumada madaxweyne Siilaanyo.

Waxaa kale oo uu sheegey in khilaafkii ka taagnaa degmada Taleex lagu dhameeyey guul, lana qareemeyey maleeshiyaad degaanka ah, maamulna loo sameeyey degmada Taleex ee Gobolka Sool, arrintaasoo uu ku dooday inay tahay talo uu soo jeediyey kulankii madxweynuhu golayaasha qaranka isugu yeedhay ee lagaga tashaday arrimaha Sool iyo guud ahaanba xaaladaha Somaliland.

Dhinaca Xukuumadda Somaliland wax war ah lagama soo saarin qaabka ay u danaynayso Doorashooyinka hase yeeshee waxa la isla dhex marayaa in Xukuumaddu wado qorshe ay ku doonayso in Doorashada Golaha Wakiiladda la soo hormariyo ama mar la wada qabto ta Madaxtooyadda iyo ta Wakiiladda.

 

Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on July 02 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>