Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Qarax Ismiidaamin ah oo lagu Weeraray Baarlamaanka Somaliya.

 

Ugu yaraan shan qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciidan ilaalo ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerar is-miidaamin ahaa oo lagu qaaday xarunta baarlaamanka Soomaaliya, iyadoo ay ku dhaawacmeen 11-qof oo kale. Weerarkan oo ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala eegtay mid ka mid ah albaabbada baarlamaanka xilli ay baarlamaanka sii galayeen xildhibaannada oo halkaas ku yeelan lahaa kulamadoodii caadigaa. Afhayeenka booliiska Soomaaliya, G/dhexe Qaasim Axmed Rooble oo ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaa sheegay inay ku dhinteen laba ilmood oo ku noolaa kaamam ku yaalla agagaarka xarunta baarlamaanka, laba askari oo ilaalada baarlamaanka ka tirsan iyo ruuxii weerarka fuliyay.

Gaariga ismiidaminta lagu fuliyay waxaa arkay ciidamada ammaanka oo heegan ku jiray, waxayna ku billaabeen rasaas intii uusan bartilmaameedkiisa gaarin, wuxuuna qarxay xilli uu ruuxii waday dhimasho ku dhow yahay,” ayuu yiri afhayeenka guud ee booliiska. Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ka dhaawacmeen afar askari, isagoo xusay in toddobadii kale ee dhaawacmayna ay ahaayeen shacab ku noolaa xeryo barakacayaal ah oo ku yaalla agagaarka baarlamaanka Somalia. Sidoo kale, afhayeenka booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkan uu qayb ka yahay weerarro ay doonayaan inay Al-shabaab ka fuliyaan Muqdisho, laakiinse iyagu ay mar walba diyaar u ah inay ka hortagaan. Qaraxa kaddib ayaa waxaa la baaqday kulankii uu baarlamaanku lahaa, iyadoo ay xildhibaannadii isaga kala taageen goobta, waxaana weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo lagu qaado baarlamaanka tan iyo bishii May ee sannadkan. Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, iyadoo afhayeen u hadlay uu sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan ayna ku dileen askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Tan iyo markii uu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay barnaamijka amniga lagu sugayo ee Nabad ku Afur ayaa waxaa lagu dilay Muqdisho in ka badan 15-qof oo u badan askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· abdi on July 05 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>