Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

ICTIRAAF – Raadinta Wax aan la Garaneyn - Qeybtii 4

Soomaaliland horeyso iyo danbeysaba, waxa u bannaanaa 3 dariiq oo ay
aqoonsi ku heli karto ama ku heli laheyd. Saddexdaa dariiq mid kastaa
waxa uu leeyahay fursadaheeda iyo caqabadaheeda. Fursadahaasi qaarkood
wey soo mareen Soomaaliland, balse sidii la rabey loogama wada
faa’iideysan oo ama waan la garaneyn xiligaa iney fursad aheyd ama
duruufta jirtey ayaan saamaxeyn.

Sadexdaa dariiqo am fursadood ee ay Soomaaliland aqoosiga ku heli
kartaa waa kuwa asalka ah ee dhidibka u noqonayaa in aqoonsi la helo.
Wey jiraan dariiqyo kale ama fursado iyagu kaabayaal ah oo caawin kara
fursadaha asalka ah. Marka an ka eegno dhinaca aqoonsiga, Soomaaliland
waxa ay qaadey talaabooyin badan oo kabayaal ah oo ah kuwa si dadban u
taageeraya iney aqoonsi hesho. Kaabayaasha ilaa hadda la qaadey waxa u
weyn Nidaam dawladnimo oo buuxa oo laga sameeyey wadanka gudihiisa.
Waxa kaloo ka mida jaaliyadaha qurbaha jooga oo intaa sameynaya
mudahraaddo, xaflado iyo kulano ay la yeeshaan dadka iyo madaxda ka
soo jeeda wadamadaa ay degenyihiin oo ay kaga dhadhicinayaan qadiyadda
Soomaaliland. Qaarkood waxaaba ay qaadeen talaabooyin inta ka sii
horeeya oo maagaalooyinkii ay degenaayeen sida Sheffield oo Ingiriiska
ka tirsan, ayay aqoonsi ka soo heleen. Taa lafteedu waa wax tar weyn.
Balse waxa waxtarkeedu muuqanayaa marka ay barbar socoto mid kamida
arimaha in aqoonsi la helo tiirka u ah, kuwaasi oon u arko inaan ilaa
iminka aan weli lama qaadin. Maanta waxa an taabanayaa qodobka kowaad
ee saddexda fursadood ee ay Soomaaliland heysato ama soo marey.

Rajada 1aad: Soomaaliya oo Aqoonsata Soomaalinad oo madax Banaan.

Haddii laba dhinac oo isku hal dawlad ahaa ay ku heshiiyaan iney kala
go’aan oo ay heshiiskaa kala saxeexdaan, waxa ay u badantahay inu
hirgelayo oo ay noqonayaan laba dawladood oo caalamka ka tirsan. Waa
sida reer ku heshiiyey iney kala tagaan oo ay ka soo go’dey. Cidna
iskuma sii heyn karto. Balse taasi weli aduunka kamey dhicin, marka
laga reebo dhowr dawladood oo ka mid ahaa Midowgii Soofiyati ee
burburey oo ay ka mid ahaayeen Ruushka, Ukraine, Macedonia iyo Latvia.
Dawladaahaasi waxa u sahley iney kala googo’aan Ruushkii u weynaa ayaa
isaga laftiisii doonayey inu gooni u baxo markaa wey u fududaatey
kuwii kale ee yaryaraa. Marka taa laga reebo, adduunyada ma jirto laba
dawladood oo isasoo hor fadhiisatey oo ku heshiisey iney kala go’aan
iyada oo aan dhinac dhinaca kale culeys saarin ama u xoog sheegan ama
khalkhal siyaasadeed gelin.

Inta aynu dhawaanahan xusuusanahay dawladaha ka go’ay qaar ay ka
tirsanaayeen waxa ka mid ah Eritria oo xoriyadeeda ku heshay xoog iyo
is xulafeysi ay la sameeyeyn jabhaddii Tigreyga oo ku heshiiyeen iney
jabhadda tigreyga la dagaal galaan, Mingiste la ridaan xukunka u
qabtaan, Tigreyguna ogolado in Eriteria go’do. Waxeynu odhan Karnaa in
Eriteria ay go’itaanka ku heshay XOOG iyo SIYAASAD. Bosnia waxa ay
go’itaanka ku heshay dagaal qadhaadh oo ay la gashey serbia oo lagu
gumaadey iyo mareykan oo u hiiliyey oo 45 maalmood sawaariiq ku
garaacayey Serbiya ilaa intii ay is dhiibeysey ee ay ogolaneysey iney
Bosnia ka go’do. Waxeynu odhan karnaa in Bosnia ku heshay gooni isu
taageedda DAGAAL iyo taageero dawalad ka mida kuwa Golaha Ammanka iyo
NATO. Kosovo waxa ay ku heshay gooni isu taagga waxey aheyd dagaal iyo
dawladaha waaweyn ee reer galbeedka oo is barbartaagey dhan kasta.
East Timor lafteedu waxa ay gooni isu taagga ku heshey Dagaal qadhaadh
oo ay la gashey Indonesia iyo dawladaha waaweyn ee reer galbeedka oo
siyaasiyan taagerey oo gacanta maroojiyey Indonesia oo ku qasbey iney
ogolaato in East Timore ka go’do oo ay noqoto dawlad madax bannaan.

Waxa halkaa kaaga soo baxaya in dawlad kasta oo ka go’dey mid kale ay
u sahashey iney go’do dagaal iyo cadaadis siyaasadeed oo xoog leh.
Su’ashu waxa ay tahay, muxuu yahay waxa ku qasbi kara Soomaaliya iney
Soomaaliland aqoonsato? Laba arin uunbaa ku qasbi kara oo kala ah:
iney Soomaaliland oo xoog ku muquunisa Soomaaliya oo markaa ku qasabta
iney iska furfurto oo tidha waan idin ictiraafney ee anagana amaan na
siiya iyo Soomaaliland oo siyaasiyan xukunka soomaaliya si toos ah ama
si dadban u qabsata oo marka sida ay rabto wax u dhigata.

Fursado ay Soomaaliya ku aqoonsato Soomaaliland waxa ay jireen mudadii
u dhexeysey 1991 illaa 1999 qiyaastii. Markii lala dagaalamayey
dawladdii hore ee siyaad Barre oo aheyd dhamaadkii sideetamaadkii,
waxa heshiis wada galey 3dii jabhadood ee u waaweynaa ee dagaalka kula
jirey dawladdii hore oo kala ahaa SNM oo uu hoggaaminayey Abdirahmaan
Ahmed Ali “Tuur” (AHUN) iyo USC oo uu hoggaaminayey General Caydiid
(AHUN) iyo SPM oo uu hoggaaminayey Ahmed Cumar Jees (AHUN). Heshiiskaa
dulucdiisu waxa ay aheyd in saddexdaa jabhadood ay ridaan dawladdii
markaa jirtey oo markaana ay iyagu abuuraan maamul cusub oo sadexdoodu
u dhanyihiin. Si taa loo gaadho, waxa ay saddexda jabhadood qeybsadeed
waajibkii dagaalka oo SNM waxa la yidhi soo xoreeya gobolada woqooyi.
SPM iyo ina Cumar Jees na waxa la yidhi soo xoree gobolada koonfur
gaar ahaan Jubooyinka ilaa iyo gobolka shabeelada hoose. Ceydiidna
waxa waajib looga dhigey inu xoreeyo Dhuuso mareeb, Shabeelada Sare
iyo Banaadir oo ay Muqqdisho ku jirto.

SNM inteedii wey ka soo baxdey. SPM na inkastoo aaney Jubada hoose ee
Kismaayo si buuxda u wada qabsan, hadana intii badneyd wey qabsatey oo
illaa afgooye oo Muqdisho 30 Kiloomitir u jirta ayay ciidankoodii soo
dhigeenoo. Caydiid gobolada dhexe ilaa muqdisho uu qabsadey inkastoo
duufaan siyaasadeed kaga kacay muqdisho dhexdeeda. Heshiiskaa saddexda
jabhadood uu kala biiqbiiqay oo reer muqdisho waxa ay weerar ku
qaadeen ina cumar Jees iyaga oo la xidhiidhinaya inu Siyaad Barre
heybta guud la wadaago. Burco SNM waxa ay ku dhawaaqdey madaxbanaani
buuxda oo Soomaliland yeelatey oo u dhiganeyd iney heshiiskii sadex
geesoodka ahaa ka baxdey. Ceydiid waxa ku Kacey siyaasiyiin ay
hogaaminayaan kooxdii “Manifesto” oo aheyd gaashaanbuur qabiilooyin
badan ka kooban balse adeegsanaya Ali Mahdi iyo beeshiisa. Taasi waxa
ay meesha ka sartey in SNM ay noqota awoodaha waaweyn ee Soomaaliya ka
taliya, ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Sanadkii 1992 ee uu General Ceydiid xoogga ahaa waxa uu Cabdirahmaan
Tuur (AHUN) oo madaxweyne ka ahaa Soomaaliland u soo jeediyey inu la
dhiso dawlad Soomaaliya ah oo ay badh iyo badh u qeybsadaan. Balse
Abdirahmaan muu laheyn awood uu go’aan noocaan ah ku qaato, wadciga
jireyna uumuu saamaxeyn oo umadda ayaa ka hor iman laheyd hadduu
go’aan noocaas ah qaato.

Markii uu talada dalka qabtey Madaxweyne Cigaal (AHUN) waxa loo keeney
hindise ah in Soomaaliland ku fadhiisato kursigii Soomaaliya ee
Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa oo ay kumeel gaadh ahaan u sii ahaato
dawladii Soomaaliya oo Cigaalna madaxweyne ka yahay, Hargeisina
caasimada tahay. Hindisaha waxa marka horeba lahaa Madaxweyne Cigaal
oo xidhiidh la sameeyey nin ay saaxiib ayaayeen oo uu ka codsadey bal
inu arinkaa ka soo dhameeyo UN-ta. Ninkaasi waxa uu saaxiib la ahaa
Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ee xiligaa talada hayey, waanu
soo dhameeyey arinkii. Hindisuhu wuxu ahaa iney Soomaaliland ku sii
fadhiisato kursigii Soomaliya ay ku laheyd Jimciyadda Quruumaha ka
Dhexeysa oo ay iyadu metesho Soomaaliya. Waxa intaa sii dheeraa in
Cigaal kolba sidii suuro gal ah u balaadhiyo dawladdiisa oo uu ku soo
daro beelaha kale ee koonfurta. Cigaal wuxu u arkey iney tahay fursad
weyn oo maanta Soomaaliya lagu xukumi karo, oo weliba haddii la
doonana looga fushan karo rabitaanka Soomaaliland.

Cigaal wuxu hindisahaa soo hor dhigey golayiihiisii wasiirada oo ay
markaa ku badnaayeen Saraakiil ka mid ahaa ciidamada SNM oo ay ka mid
ahaayeen Dayib Gurey (AHUN) Muse Biixi, Abdirahman Aw Cali, Mohamed
Kaahin iyo qaar kale. Hadalka uu Cigaal goliyihiisa iyo war baahintaba
ka yidhi wuxu ahaa, “Waxa la inoo ogolaadey inan boodhka ka tumano
kursigii Soomaaliya ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa ee maxaan
yeelna”. Hindisihii Cigaal soo jeediyey lamaba sii wadwadin ee
gaashaanka ayaa lagu dhuftey. Waxaaba loo arkey inu Cigaal badhxayo
qadiyaddii Soomaaliland. Mey aheyn oo keliya golihiisa, balse dadka
oo dhan ayaa sidaa qabey.

Badhtamihii sagaashamaadkii waxa Hargeisa yimid Siyaasi ka soo jeeda
Puntland oo la odhan jirey Kimiko iyo wiil uu dhaley madaxweynihii
hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AHUN). Waxa ay la
kulmeen madaxweyne Cigaal oo ay aqoon weyn iyo saaxiibtinimo ka
dhaxeysey. Waxa ay madaxweynaha ku yidhaahdeen, meeshii Muqdisho aheyd
talo kama soo jeeddo ee dawladii Soomaaliya halkan inooga dhis oo adna
madax ka noqo anaguna Puntland ahaan an ku taagerno oo an kugu so
biirno. Cigaal nimankii uu sooryeeyey, waxaanu ku yidhi umadeydu
arinta meel ayay iska dhigtey maanta diyaar uuma aha. Sidii ayay
nimankii Hargeisa kaga noqdeen.

Mudadii u dhexeysey 1995 illaa 1999, Soomaaliya fawdo siyaasadeed ayaa
ka jirtey, balse waxa ay laheyd baarlamaan magac uun ah oo ahaa
ashkhaas la isu soo ururiyey. Siyaasadda Soomaaliya xiligaa ka
jirteyna waxa ay aheyd siyaasad ad moodo iney ganacsi ama hunguri ku
dhisantahay oo qof walbaa dan gaar ah u ordayo. Waxa dhici kari laheyd
in haddii lacag buuran iyo siyaasad kala qeybi ah lagu dhex tuuri
lahaa Soomaaliya iney suuro geli laheyd in baarlamaankii Soomaaliya la
soo hordhigo ajande ah in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay isu
aqoonsadaan laba dawladood oo madax banaan. Haddey taasi dhici laheyd
waxa ay noqon laheyd dariiqa uugu sahlan ee aqoonsi ku heli laheyd
Soomaaliland, in kasta aanan hubin in lagu wada guuleysan lahaa iyo in
kale.

Haddaba an isweydiino iney jirto inaba wax fursad ah oo ay Soomaaliya
ku Aqoonsan karto Soomaaliland oo madax Banaan iminka. Taasi iminka
marnaba ma dhaceyso. Soomaaliya waxa ka jiraa kooxo tiro badan iyo
siyaasiyiin tiro badan oo isku haya siyaasadda oo dano kala gaar ah
wata oo dabada ku haya qabaa’il iyo kooxo diimeed. Sidaasooy tahay,
Soomaaliya sida ay u dhantahay wey ka simantahay inaan wixii
Soomaaliya la isku odhan jirey marna kala go’ayn. Waa arin ay
Soomaaliya yar iyo weyn ka simantahay, suuro galna maaha iney
mustaqbalka dhacdo. Reer Soomaaliya wey dhici kartaa iney waxa kale oo
dhan isku diidaan, balse, midnimada soomaliweyn waa sheyga keli ah ee
mideeya koonfurta Soomaaliya. Wey dhacdaa in marmarka qaarkood ay
ashkhaas ama siyaasiyiin Soomaaliya ka socda ay soo booqdaan
Soomaaliland sida guurtidii muqdisho ka socotey ee dhawaanta dalka soo
booqdey, oo ay markaa yidhaahdaan “aad ayaanu uugu riyaaqney horumarka
ay Soomaaliland gaadhey wanan taageersanahay”, oo laga yaabo iney
raaciyaan weliba waan aqoonsanhay. Dadkaasi waxa ay sidaa u
sameynayaan si ay dhagaha dadka reer Soomaaliland ee ay martida u
yihiin maqasheeyaan waxa ay jecelyihiin iney maqlaan. Balse mid ka mid
ma rumeysna mana taageerayo Soomaaliland oo Soomaaliya ka madax
banana.

Haddii uu sidaa u cadyahay mawqifka Soomaaliya, muxuu yahay waxan
wafdiyada labada dhan ka wada hadlaan marka ay shirarka isku
yimaadaan? Labada dhan marnaba uumey suurto gelin iney si toos ah u
wada hadlaan berigii hore. Waa dhowrkii sanadood ee u danbeeyey ee
xukuumadda maanta Soomaaliland ka talisaa ay jirtey waxa wada
hadaladani bilaabmeen. Sidaa darteed, labada dhan midkoodna ma rabo in
loo arko inu fusadaha wada hadalka carqaladeynayo. Sida darteed ayay
uuga wada hadlaan arimaha qabow ee ay ka mid tahay maamulka hawada iyo
badda iyo budhcad badeedka. Waa dhulka ilaahey xukumo waxa laga wada
hadlaa ee meelaha xasaasiga ah lama taabto. Waxa kale oo cad inaaney
dhinaca Soomaaliya iyo dawladaha dhexdhexaadinaya toona aaney
ajandaha uugu jirin aqoonsiga Soomaaliland. Marka waxa laga wada
hadlaa waa arimo guud oo dhaqaale iyo qeybsiga mucaawimooyinka ku
saabsan, oo taa lafteeda qoloba sidii ay jeceleyd heshiiska u
turjumato.



Umadda Soomaaliland go’aanka ay qaateen ee taladooda iyo dib u dhiska
dalkooda ku maamuleen 23 sanadood ee ina soo dhaafey, muu jirin
go’aaan kaa ka wanaagsan oo ay qaadan laheyd. Wey dhici kari laheyd
iney jireen fursado kale oo wanagasani oo ama koonfur wax lagaga
dhameysan lahaa ama caalamkaba. Balse marka hoggaanka siyaasadeed ee
dalka soo marey aanu meel dhigin dariiq siyaasadeen oo gudaha dalka
iyo caalamkaba ka shaqeynayaa. Marka aan siyaasiyiintii dalkan soo
marey iyo qaar badano o imnka joogaa aaney laheynba ajende
Soomaaliland la yidhaa oo aan aheyn xil qabo, intaa yare ee shicibku
ku mitidey uunbaa ka xaasil ah. Balse, haddii ay jiri laheyd hogaamin
siyaasadeed oo waafi iyo waaci ah, halkan meel ka sii fog ayaa la
gaadhi lahaa.

Sidii ay qeybtii 3aad ee taxanahan ku sheegay, siyaasiga dalkan u
dhashay indhah dadka ayuunbuu eega, ka bacdina halkaa dadku eegayo
ayuunbuu farta uugu fiiqa. Haw iyo caqli kaleba inad isticmaasho
kaamaba baahna. Adduunyada ma jiro hoggaan siyaasadeed oo ku socda
rabitaanka shicibkiisa uun. Hogaan kasta iyo xisbi kastaa wuxu
leeyahay barnaamij iyo meel uu ku wado dalkiisa iyo umadiisa oo isaga
u cad. Waa dhab uu dhageystaa umadiisa si uu u furdaamiyo meelaha
siyaasadda dalka iyo rabitaanka umaddo iska qaban waayaan. Balse halka
umadi u guureyso waxa mas’uul ka ah hoggaanka siyaasadda. Umaddo waxa
ay xaq u leedahay iney aayaheeda iyo iyo himiladeeda sheegato. Balse
sidii lagu gaadhi lahaa umadda uuma taalo ee hogaanka umadda ayay u
taalaa. Hoggaanka ayay u taala inu rabitaanka u turjuma wax ka
shaqeynaya caalamka, wax ka shaqeynaya oo faa’iido ka keenaya
Soomaliya iyo dawladaha jaarka ah, wax ka shaqeynaya Jimciyadda
Quruumaha ka Dhexeysa. Hoggaanka siyaasiga ah ayay tahay inu
rabitaanka shicibka u dhigo midabka iyo aragga iyo urta ka shaqeysa
seyladda siyaasadda calamka.

Gebogabadii, fursad ay Somaliya ku aqoonsato Somaliland weligeed la
iskuma dayin laga midho dhaliyo ma muuqato mustaqbalka. Haddii ay
inuun hore u timidna, lamaba tijaabin. Meshii kale ee ay Soomaaliland
Ictiraaf ka eegi karto uun falowgeed ha yeesho.



Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

[email protected]

· ifraax on July 09 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>