Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Midawga Yurub oo $3.8-Milyan ku bixiyay Badbaadinta Carruurta Soomaaliya.

Ururka Midowga Yurub, waaxdiisa bani’aadamnimada iyo dhowridda shacabka ee ECHO ayaa ku bixisay lacag deeq ah oo dhan $3.8 milyan si looga hortago heerka dhimashada carruurta Soomaaliyeed ee ay sababaan nafaqo-darrida iyo shubanka.


Deeqdan lacageed ayaa lagu wareejiyay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF si ay ugu fuliso howshan, waxaana tani ay imaanaysaa iyadoo horay ay hay’addu uga digtay khataro nafaqo-darro ah oo haysta carruurta Somalia.

"Soomaaliya waxaa haysata mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadamnimo ee caalamka ugu xun," ayay ytri madaxa ECHO ee Soomaaliya, Mira Gratier. "Xaaladda nafaqo-darridu sare ayay u sii kacaysaa, taasoo saamaynaysa carruurta aadka u da’yar. Waa waajib, haddaanu nahay deeq-bixiyaha inaan sida ugu dhaqsiyaha badan gacan u siino dadka ugu nugul sida caruurta."

UNICEF ayaa carruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano iyo dadka ay saameynta adag ku yeesheen xaaladda nafaqo-darrida ah kaalmeyn doonta, iyadoo ku iib doonta lacagta deeqda ah ee Midowga Yurub cunnada nafaqeysan ee diyaarka ah; taasoo lagu quudin doono 20,000 oo carruur ah oo xaalado nafaqo-darro ay haystaan.

Sidoo kale, waxa lacagtaasi ay kor u qaadi doontaa helitaanka cuntada iyo agabyada kale ee muhiimka ah, si caruurta aadka u daran dhaqso loogu caawiyo, gaar ahaan kuwa nool deegaannada ay biyo la’aanta iyo abaaruhu ka jiraan.

"Bixinta adeegga nafta badbaadinta ah, gaar ahaan carruurta da'doodu shan sano ka yar tahay wuxuu aasaas u ahaan doonaa gurmadka deg-degga ah ee UNICEF ay bixinayso, taasoo kaalin weyn ka ciyaari doontaa badbaadinta nolasha kumannaan caruuur Soomaliyeed ah," ayuu yiri wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Sikander Khan.

Arrintan ayaa kusoo beegmays iyadoo hay’adaha Qaramada Midoobay ay soo saarayeen xilliyadii ugu dambeeyay warbixinno ay kaga digayaan inay ka dillaacdo Soomaaliya macluul la mid ah tii ku dhufatay sannadkii 2011-kii.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

· ifraax on July 11 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>