Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Somaliland iyo Itoobiya oo ka Wadahadalay Adkaynta Amniga.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay inay dawladda Itoobiya kala hadashay dhibaatooyinka nabadgelyo-darro ee kooxda fallaagada Cali Khaliif Galaydh ka wadaan degaanno ku yaal xuduudka labada dal wadaagaan.

Wasiirka Daakhiliga Md. Cali Maxamed Warancadde oo shir-jaraa’id ku qabtay dhismaha xarunta cusub ee wasaaraddiisa shalay, ayaa sheegay in isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis oo socdaal ku tegay dhowaan magaalada Addis Ababa ay dawladda Itoobiya u gudbiyeen cabasho dhan ka ah falalka amni-darro ee fallaagada Cali Khaliif oo gabbood ka dhigta degaanno ku yaal gudaha xadka Itoobiya iyo saamaynta arrintaasi ku yeelan karto ammaanka guud ee xadka labada waddan, isagoo xusay in labada dal ka wadahadleen adkaynta amniga xuduudka
u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
maxamed biixi iyo warancadde“Itoobiya iyo Somaliland waxa ka dhexeeya iskaashi aad u weyn oo dhinacyada nabadgelyada, ganacsiga iyo siyaasaddaba ah. Weftigii aannu aniga iyo Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku tagnay Addis Ababa waxyaabaha ugu muhiimsan ee aannu dawladda Itoobiya ka wadahadlay waxa ugu horreeyey nabadgelyada iyo sidii dawladaha Somaliland iyo Itoobiya iskaga kaashan lahaayeen ilaalinta ammaanka xuduudka labada dal, waxaanuna isla qaadannay in gacan bir ah lagu qabto cid kastoo isku dayda inay nabadda iyo xasilloonida degaannada ku yaal xuduudaha,” ayuu yidhi.

Md. Warancadde oo la weydiiyey inay dawladda Itoobiya ku qanciyeen in ciidammada Somaliland gudaha dalkooda kula dagaallamaan kooxda fidno-wadayaasha ah ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cali Khaliif Galadh oo madaxweynenimo magac-u-yaal ah loogu caleemo saaray tuulo ku taal gudaha xadka Itoobiya, kadib markii ciidanku qaranku ka saareen tuulada Saax-dheer ee Gobolka Sool horraantii toddobaadkan, waxa uu ku jawaabay, “Horta waddamada adduunka oo dhan way ixtiraamaan xuduudaha u dhexeeya oo dalna kuma xadgudbo gudaha dal kale, Itoobiyana waa waddan aynnu daris nahay oo Somaliland way ixtiraamaysaa xuduudkeeda, iyaguna way ixtiraamaan xadkeenna, kumana soo xadgudbaan, innaguna kuma xadgudubno. Itoobiya waa dal aynu aad isugu dhawnahay oo aynu iska kaashanno dhinacyada nabadgalyada, ganacsiga iyo horumarka, sidaasi darteed mar kasta waxaannu leenahay kulamo joogto ah, marka wax jiraana waanu ka wadahadalnaa, xuduudda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya way dheertahay, markaa [safarkayagu] waxa uu ka mid ahaa hawlihii aannu marwalba u tagi jirnay iyo sidii loo adkayn lahaa amniga xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan, Itoobiya ma oggola in dad fidno-wadayaal ah gudaha dalkooda ka soo abaabulaan falal liddi ku ah amniga Somaliland.”

Waxa kaloo Wasiirka Daakhiligu ku tilmaamay Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisaba calooshooda u shaqaystayaal u adeega basaasiin fadhigoodu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaannu yidhi; “Saax-dheer waa magaalo ku taal Somaliland, laakiin Cali Khaliif iyo qayrkii kale ee Somaliland ah oo Xamar iyo meelahaas ka ugaadhsada anigu waxaan u aqaanaa inay yihiin niman calooshooda u shaqaystayaal ah oo u shaqeeya basaasiin joogta Nairobi iyo Xamar oo ay ka mid tahay maamulka Xamar, qolooyinkaasi oo had iyo jeer doonaya inay u maleegaan Somaliland dhibaato aynaan ka galabsan iyo in kharbudaadi ka dhacdo Somaliland ama ay la mid noqoto Soomaaliya.

Haseyeeshee, waynu ka guulaysanay, waanaynu ka guulaysan doonaa, laakiin anigu uma arko wax Somaliland dhexyaal ee shacabka Somaliland waa mid oo colaad iyo fool-xumo ku dhex jirtaana ma jirto.

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

· ifraax on September 02 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>