Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Ciidamada AMISOM oo lagu eedeeyay inay ku kaceen Xad-gudubyo galmo ah.

Hay’adda Human Rights Watch ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan xadgudubyo galmo oo ay haween Soomaaliyeed u geysteen ciidamada AMISOM ee ku sugna Soomaaliya. Warbixintan 71 bog ka kooban ayaa ciwaan looga dhigay [Sida ay raggani nooga awood badan yihiin] waxaana lagu sheegay in AMISOM ay duruufaha xagga bani’aadamnimada iyo caawinaadda ah ee ay u sameeyaan dadka dan-yarta ah ay uga faa’iideystaan sidii ay galmo ula sameyn lahaayeen haween Soomaaliyeed. HRW ayaa sheegtay in waraysi ay la yeelatay ilaa 21 haween ah oo ay ku jiraan gabdho dhallinyaro ah, kuwaasoo ciidamada AMISOM ay kufsadeen, isla markaana ay tacadiyo kula kacayeen tan iyo iyo sannadkii 2013-kii. Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in tacadiyada xaga galmada ah ee ay ka geysteen ciidamada AMISOM labada saldhig ee ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiraan ciidammo ka kala socda dalalka Burundi iyo Uganda. Warbixinta ayaa ku talinaysa in Midowga Afrika iyo AMISOM aysan dhiirri-geliyaan hab-dhaqan aan loo dul-qaadan karin ee lagula kacayo dumarka iyo dadka aan awoodda lahayn ee Soomaaliyeed, iyadoo sharci-darro weyn ku tilmaantay in xadgudubyo noocaas oo kale ah lagu kaco. HRW ayaa warbixinteeda ku sheegtay in haweenka dhibaatada galmada ah lagula kacay ay saldhigyada ciidamada AMISOM u raadsadeen dawo iyo biyo markaas kaddibna si khasab ah loogu galmooday, sidoo kale warbixint ayaa lagu xusay inay ciidamadu adeegsadaan mukhalisiin Somalia ah kuwaasoo ay u isticmaalaan sidii haweenka ay ugu soo xer-gelin lahaayeen, kaddibna ay u galmoodaan haweenka oo aan ralli ka ahayn falkaas. Waxaa kaloo warbixintu ku talineysaa in Midowga Afrika ay sameeyaan ama xoojiyaan guddiyo u xilsaaran sida baaritaanka iyo edbinta oo wax ka qabto tacadiyada noocani ah iyo guddi baaritaan oo madax-bannaan oo ah heerka ugu sareeya Midowga Afrika. Dhinaca kale, afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa BBC-da u sheegay in wararkaas ay yihiin kuwo been abuur ah oo la sameynayo si loo waxyeelleeyo ciidamada Midowga Afrika ka socda. Col. Xumad ayaa sheegay in warbixintan aan wax su’aalo ah laga weydiin intii aan la soo saarin, taasna ay tahay waxaan la aqbali karin oo la doonayo in lagu waxyeelleeyo sumcada AMISOM, isagoo xusay in AMISOM ay mar walba u taagan tahay horumarinta iyo nabadeynta Soomaaliya. Ma ahan markii ugu horreysay oo warbixin noocan oo kale ah ay soo saaraan hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, waxaana mar walba ay ciidamada AMISOM iska fogeynayeen warbixinnada ku saabsan galmoodka sharci-darrada ah ee ay ku kacaan. -

Hargeysa Online

· abdi on September 08 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>