Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dowladda Somalia Waa in ay Wada-hadallo la furto Al-shabaab.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isagoo ku sugan Mareykanka ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay wadhadallo la furto Al-shabaab, iyadoo ka faa’iideysanaysa dhimashada hoggaamiyihii kooxdaas.

Farmaajo ayaa sheegay in dilkii Axmed Cabdi Godane inuu ahaa mid la sugayay, isagoo xilligan ku tilmaamay xilli ay tahay in laga faa'iideysto dhismashadiisa hoggaamiyahaaas oo uu ku tilmaamay mid caqabad ku ahaa ammaanka Soomaaliya.

“Waan maqlay in dowladdu ay 45-maalmood u qabtay dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab inay isku soo dhiibaan, waxaase kasii fiicnaan lahayd in dowladdu ay wadahadallo la furto Al-shabaab, gaar ahaan madaxda sare iyo kuwa dhexdhexaadka ah, maadaama uu meesha ka baxay hoggaankoodii, aysanna jirin baqdin ay qabaan,” ayuu yiri Farmaajo.

Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya wuxuu sheegay inuusan u maleynayn in madaxda Al-shabaab intooda badan aysan rabin inay dagaalka sii wadaan, iyadoo fursadaa laga faa'iideysanayana ay dowladdu dib u heshiisiin la gasho cid walba oo kooxda ka tirsan oo doonaysa nabad.

“Anigu waxaan u maleynayaa in ururku uusan ku dhisnayn fikrika qof keliya ah, wuuna sii jirayaan, laakiin waxaan qabaa in burburkiisa ay ku imaan karaan inuu burburiyo in la kala jabiyo oo la kasbado kuwa Soomaalinimada ay ku jirto iyo kuwa la qalday. Waxaana taasi ay caddeynaysaa kuwo aan kusii jirin karin dagaalka iyo kuwa weli dagaalka doonaya,” ayuu Farmaajo uga jawaabay su’aal ahayd inuu u maleynayo in dhimashadii Godane ay ku keeni karto Al-shabaab burbur sida ay dad badan qabaan.

Mar la weydiiyay in 45-maalmood ay ku filan tahay inay dhallinyarada ku jira Al-shabaab isku soo dhiibi karaan, ayuu sheegay in taasi ay sababi karto inay isi soo dhiibaan, balse ay dhici karto inay u arkaan qaarkood in haddii 45-ka maalmood dhammaato la dilayo, waxaa imaanaysa inay is-yiraahdaan is-difaaca, taasina nolol badan ay galaafato.

Dhanka kale, mar la weydiiyay hub ka dhigista ay dowladdu waddo ayuu ku sheegay mid wanaagsan oo loo baahan yahay, laakiinse loo baahan yahay in la abuuro siyaasad guud oo dadka hubka looga qaadayo iyo in la caddeeyo xilliga howlgalkan soconayo. 

“Waxaan rumeysanahay in dadku ay dagaal ka daaleen, dowladduna ay hub ka dhigista ka dhigto mid caam ah oo aan cid gaar ah lagu bartilmeedsanayn,” ayuu Farmaajo hadalkiisa ku daray.

Su’aal ahayd xarigga shaqaalaha warbaahinta iyo idaacadaha Muqdisho ka howlgala qaar ka mid ah loo geystay, ayuu kaga jawaabay in xiritaanka idaaacadaha aysan habboonayn, isagoo xusay in warbaahintu ay tahay midda ay shacabku kala socdaan wararka. Waxaana dowladda looga baahan yahay inay saxaafadda ka dhigato saaxiib si ay dadka ugu gudbiso fikrahadeeda, saxaafaddana loo baahan yahay inaysan noqon kuwo fidno wadayaal ah ee ay qaybtooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa.

“Anigu waxaan qabaa in xukuumaddu ay sharci u sameyso warbaahinta dalka oo aan lagu xad-gudbin. Haddii ay jirto dacwad loo qabo warbaahinta waa inay go’aamiso maxkamad, haddii ay xadgudub ku kacaanna ganaaxa la saaro sidii la arki jiray, haddii kalena ay sii wadato howsheeda,” ayuu Farmaajo yiri.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka ugu baaqay inay qayb ka qaataan sidii dalka uu horumar u noqon lahaa, ayna ogaadaan in shacab wanaagsan ay dowlad wanaagsan dhalin karaan, ayna shacabku noqdaan kuwo wanaagsan oo Alle ku xiran.

Hargeysa Online

 

· abdi on September 08 2014 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>