| ||
|
Somali Woman Allegedly Killed Her 2-Year-Old Child.
Deqa Mohamed Yusuf, 23, has been charged with second degree murder as her baby died on June 17 after being in intensive care since the May 31 incident, according to the Hennepin County Attorney’s Office.
Hooyo Somaaliyeed ayaa ku xiran xabsiga Magaalada Minneapolis iyadoo lagu eedeyay ineey dishay cunugeedi oo 2 sano jir ah iyadoo cabsan.
Hooyadan oo magaceedu yahay Deeqa Maxamed Yusuf ayaa la sheegay in ay dishay cunugaas yar 31 dii bishii la soo dhaafay ee May . Booliska Magaalada Minneapolis ayaa soo gaaray guriga ay daganeed hooyadan kadib markii la wacay 911 , iyagoo sheegay markeey guriga gudaha u galeen in ay arkeen hooyadan oo isku dayeesa in ay neef afka ka siiso saqiirkaas ama CPR . Kadib booliskii iyo dhakaatiirtii ayaa isku dayey ineey badbaadiyaan cunugaas laakinse kumeeysan Guleeysan . Waxeey Booliska intaas ku dareen in ay hooyadan u ekeed qof cabsan markeey guriga yimaadeen. Markii ay wareeysteen Booliska Deeqa Maxamed Yusuf , ayaa waxeey u sheegtay in ay u qubeeyneysay cunugeeda kadibna ay in daqiiqado ah ay uga dhex tagtay isagoo ku jira biyaha , kadib markeey xooga ka dib soo noqotay ayeey aragtay cunugii oo biyaha hoos u galay isagoo u muuqday in ay nafta ka baxday. Hooyadan ayaa hada lagu hayaa xabsiga iyadoo sugeeysa in maxkamad la saaro mardhow . Eng.Kamal Mohamed
|
|
|
Render time: 0.18 seconds
|