| ||
|
Tacsi Ku socota dhamaan reer Xuseen Diiriye.Innaalillaah wa innaa ilayhi raajicuun Haddaanu nahay Jaaliyada Reer UK ee Beesha Ciidagale. Dhamaan Xubnahan Hoos ku xusan oo Wakiil ka ah Qurbajooga Reer UK Ee Beesha. Waxanu tacsi tiiraneyo leh u direyna dhamaan reer Xuseen Diiriye(ina diiriye curad) Geerida naxdinta leh ee ku timid Jamac Xuseen Diiriye oo ku geeriyoodey isaga oo shaqadiisa gudanaayey maanta magaalada leicester ee carriga Ingiriiska , waxanu marxuumka ilaahey uga baryayna inuu janatul fardowsa ka waraabiyo dhamaan ehelada, ubadekiisa, ooridiisii, qaraabada iyo beesha uu ka baxayba samir iyo iiman ka siiyo ameen aameen ameen.
Garabka haweenka.
Wa billaahi tawfiiq
Guddoomiyaha beesha Ciidagale UK.
Deeq Cabdi Digale
|
|
|
Render time: 0.17 seconds
|