| ||
|
Shir balla adhan oo uga qabsoom ay caasimada dalka Ingiriiska ee London jaalliyadda Daa,uud Ismaciil (Ciidagale )Bismillaahi Arramanirraxeem. Shacabka reer Somaliland ee sharafta iyo maammuuska naga mudan waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.
Waxaa shir uga qabsoomay jaalliyadda beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale) ee deggen dalka Ingiriiska caasimaddiisa London dabayaaqadii bishii saddexaad ee sannadkan aynu ku jirno 2015,shirkaas oo dabasocday shirar hore magacooduna yahay BARKHADLE oo si meeqaam sare ah ay u soo abaabushay guddida beesha gaarahaan garabka haweenka, waxaanay beeshu kaga wada tashanaysay arrimo badan oo khuseeya beesha iyo dalka jamhuuriyadda Somaliland guudahaan, waxaana ka dib aayado Qur,aana oo shirka lagu furay hadallo dhaxalgal ah ka soo jeediyey masuuliyiin iyo xubno fara badan waxaana ka mid ahaa,guddoomiye ku xigeenka guddida beesha mudane Mustafe Cabdlahi Ismaaciil oo ka hadlay qiimaha uu leeyahay in ay beeshu kulamada badiso, Guddoomiyadda garabka haweenka marwo Amina Xashi Guled,marwo Sahra Ismaaciil , Ex,Mayor Kii Hargaysa Cabdi Cabdilaahi Mooge, Guddoomiyihii hore mudane Abokor Maxamed Ismaciil,iyo masuuliyiin ka socday ururrda beesha kana mid ahaayeen Ururka dalladda guud ee Gaaroodi, Ururka Haldoor, Hablaha Gaaroodi ,ururka dhallinyarada beesha Ciidagale ,ururka Gacanqabad oo dhammaantood ku nuuxnuuxsaday hadallo shirku u khushuucay iyo qiimaha ay leeday midnimadu, masuuliyiinta iyo xubnaha ka hadlay shirka waxaa ka mid ahaa;Cabdulqadir Cali Baraar,Xasan Macalin oo ka warbixiyey xaaladda dalka hooyo oo dhowaan ka soo laabtay,Adan Ismaciil Cubuli,Ismaciil Axmed Xaawo,Faysal Haadaame,Jacfar Ismaaciil Botan,Layla Baalcadde iyo masuuliyiin iyo xubno fara badan oo kale waxaanay isku wada raaceen muhiimdda ay leeday in lala shaqeeyo guddida beesha, guddiduna la shaqayso ama wada xidhiidhiso ururrada beesha, jaalliyadaha qurbjoogga beesha dhammaan iyo guudahaan beesha qaybaheeda kala duwan.
Madashaasi waxay ku soo gebagebawday jawi deggen oo qurux badan laga dheehanayey waxaana laysla qaatay qodobbada hoos ku bayaansan;
Go,aanadan waxaa soo wada saaray.
Jaalliyadaha qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaacil(Ciidagale)
Guddida Jaalliyadda beesha ee reer UK
Garabka haweenka.
Guddida marjaca ama musdambeedka.
Dhammaan waxaanu mar labad Go,aanadan waxaa soo wada saaray jaalliyadahan kor ku xusan.Taageero buuxdanay la garab taagan gudidan waxgaradka beeshu u dooratay in ay noqdaan gudi qabanqaabo ee Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulqadir Suldaan Cabdullaahi u guddoomiyey una igmaday.
Gudida qaban qabada shirweynaha Ciidagale ee uu ansixiyey suldaanka guud ee
beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan c/ qaadir Suldan Cabdlahi
Magacyada Gudida
1. Jiifcaaqil Xuseen Xasan Cali warabe 2. Caaqil Xasan Badmaax Maygaag 3.Jiifcaaqil Aabi xasan Caqil yare
4. Caaqil Xasan Ibrahim Xuseen 5. Caaqil Maxamed Weerar Cismaan 6. Caaqil khadar Maxamed Axmed 7. Caaqil Cali Maxamed xuseen 8. Caaqil Cali Axmed Cabdlahi 9. Caaqil Nuur Muxumed xirsi 10.Jiifcaaqil Mustafe Yusuf Gaaxnuug 11. Jiifcaaqil liiban Maxamed Cabdi Fiiro gaara
Waxaa si gaara sharaf iyo maamuus mudan hablaha shirka soo qabanqaabiyey ee garabka guddida beesha.waxaa kale mudnaan xooggan leh ururrada shirka ka soo qayb galay xilkana iska soo saaray iyo dhammaan xubnaha beesha ee wakhtooda qaaliga ah soo geliyey,waxaa kale oo sharaf mudan cidda aan wakhtogoodu u saamixin.
Wa billaahi tawfiiq
Guddoomiyaha jaalliyadaha beesha badhtamaha,
bariga iyo koonfurta Hargaysa
Deeq Cabdi Digale
|
|
|
Render time: 0.19 seconds
|