| ||
|
Warmurtiyeed ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaaciil (Ciidagale)Bismillaahi Arramanirraxeem. Ummada muslimiinta ah gaarahaan reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.
Annaga oo ka faa,iidaysanayna munaasibadda ciidda waxaanu ku waaninayna in ay madaxdhaqameedka reer Somaliland ilaaliyaan milgaha cumaadda ay beelaha u sidaan oo aanay ku dhex milmin siyaasadda is bedbedelaysa waayo siyaasiga waa la beddela laakiin madaxdhaqameedka lama beddelo,madaxdhaqameedku waa samo taliye,ilaaliye isku duubnida iyo horseedka nabadgelyada kana dhawrsoon aflagaaddo ,abuurid fidno kana digtoonaada siyaasi ujeeddo u gaara leh. Waa lagama maarmaan in uu jiro hoggaan keliya oo madaxdhaqameedka isku haya waayo Somaliland waa beel keliya oo dal wada leh. Wa billaahi towfiiq
Guddoomiyaha jaalliyadaha,
qurbajoogga beesha badhatamaha,
,bariga iyo koonfurta Hargaysa,
ahna G/ku xixeenka Ururka Gaaroodi
Deggen UK.Deeq Cabdi Digale
|
|
|
Render time: 0.17 seconds
|