| ||
|
Maamulka ururka Gaarrodi ku soo maray Dugsiyada ku Yaala Deegaanka degmada Sallaxlay.Warbixin ku Saabsan Kormeer maamulka ururka Gaarrodi ku soo maray Dugsiyada ku Yaala Deegaanka degmada Sallaxlay iyo tuulooyinka hoos yimaadda
Horudhac: 29 kii ilaa 30 kii September 2015; waxa safar kormeer ah u baxay gudoomiyaha ururka Gaaroodi mudane Mohamed Aden Dhagaweel iyo mudane Cabdrasaq Cabdilaahi Adan (xubin guddida fulinta nururka Gaaroodi) deegaanka ee xadka ismaamulka deegaanka Somalida dawladda Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka hooseeya iyaga oo ka warramaya safarkoodu sida uu ahaa, ujeadada safarkaasi wuxuu ahaa u kuur gelid xaaladda dhamaan dugsiyada ku yaal deegaanka ee xadka ka hooseeya si loo ogaadao xaaladda dhabta ah ee waxbarasho ee degaanadaas oo ku kala yaala degmooyinka Salaxley iyo Sabowanaag. Xaalada Guud Guud ahaan deegaanka waxa ka jira abaaro, inkastoo aaga barigu ka yara roonaa dhinaca galbeedka oo waxooga roobaba yaryari ka da’een, abaartuna waxay ku sii daran tahay dhinaca galbeed, sida la sheegay roob fiican ayaa ka da’ay wixii ka sareeya xadka kaas oo keenay in reero badani u guraan howdka sare, arintaasi waxa ka dhashay in dugsiyada qaar ay ardaydu ku yaraato. Xaalada Caafimaad Guud ahaan xaalada helitaanka adeeg bixinta caafimaadka aasaasiga ah ee deegaanku waa ay hoosaysaa, badina tulooyinkaasi aanu marnay may laheyn xarun caafimaad marka laga reebo dhowr degaan oo lahaa MCH ama rug caafimaad oo bixin karta adeega kowaad ee caafimaadka (First Aid), sidaasi darted xaalada addeg bixinta caafimaadka ee degaanadaasi waxay u baahan tahay in wax laga badalo oo ugu yaraan la gaadhiisyo in dadka degaanku helaan adeega kowaad ee caafimaad iyo dawooyinkii loo baahnaa, dhinaca xirfadlayaasha caafimaad ee degaanka ku sugani way liidatay waayo xataa meelaha rugo caafimaad lihi ma haystaan xirfadlayaal caafimaad oo hanan kara baahida caafimaad ee degaankaas ay ka howlgalaan. Xaalada Biyaha Sida aynu la socono biyuhu waa nolosha aadamaha, laantoodna nololi suurtagal noqon mayso, haddii helitaankoodu yaraadaana waxay caqabad adag ku noqonaysa horumarka bulsho sameyn karto, sidaasi oo ay tahay dhinaca helitaanka biyaha way ka sinaayeen dhamaan deegaanada aanu booqanay mana jiraan wax iska badalay siday ahaan jireen hadday noqon laheyd dhinaca Barkadaha, Balliyada iyo Ceelasha toona, mana muuqdaan dadaalo socda oo wax lagaga qabanayo arinta helitaanka biyaha ee degaanka, iyada oo sida la sheegay shantii sano ee u dambaysay dalka laga hirgaliyay ceelal, balliyo iyo barkado badan, laakiin taasi wuu ka qaday deegaankeenu, arintaasi waxay u baahan tahay in laga howlgalo oo ugu yaraan la isku dayo in wax laga hello deeqahaas la qeybsanyo gaar ahaan dhinaca biyaha. Xaalada Waxbarasho Xaalada waxbarasho ee degaanku way fiican tahay xiliga la joogo marka laga eego laba dhinac: Baahiyaha loo baahanyahy in la daboolo Wacyigalin joogton ah kuna wajahan bulshada ku dhaqan degaanadaas dhinaca waxbarashada una baahan in kor loo qaado,Malcaamad quraan la’aan ka jirta meelaha qaar, tuulo kasta oo leh malcaamad quraan waxay si cad uga muuqatay dugsiga wayo malcaamadu waxay waraabisaa dugsiga, isla markaana arday kasta oo barta quraanku wuxuu si toos ah u gala dugsiga, meelaha aan laheyn malcaamad quraan way ka muuqatay tirada ardayda is qortay dugsiga Waxaa looga baahanyahay cid kasta oo kaalmo u fidin karta deegaankan in ay ka qayb qaataan.
Ugu dambeyntii xalada degaameynta Ma degaameyntu xuma hadda marka loo eego xiliyadii hore, waayo dad badan ayaa dib ugu soo laabtay deegaanka oo dib u degay, arintani waxay si fiican uga muuqatay dhinca tuulayaasha deegaankeena bari oo laga dareemayo in feejignaanta iyo ilaalinta deegaanku ay kor u kacday, waxayna u baahan tahay in la sii xoojiyo oo la isku xidhnaado si loo ilaaliyo deegaankeena. Ururka Gaaroodi waxaa la unkay sannadkii 2000 waxaanu jirsaday 14 afar iyo toban sannadood waxaanu ka soo qayb qaatay horumarka deegaanka uu magciisa sito iyo dalka somaliland guudahaan sida waxbarshada,waddooyinka,caafimaadka,biyaha, afooyinka dabiiciga iyo ilaalinta deegaanka intaba waxaana u qorshaysan in uu wax badan oo kale qabto, waxaa kale oo uu horseed u noqday ururro ka hirgalay dalka oo iyaguna horumarkiisa wax badan ku soo kordhiyey. Wabilahi Towfiiq guddoomiye ku xigeenka ururka Gaaroodi Deeq Cabdi Digale
|
|
|
Render time: 0.17 seconds
|