Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Dadka Somaliland kasoo jeeda Xaq bay u leeyihiin Aragtidooda inay Dhiibtaan.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Inj. Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo in dadka Somaliland kasoo jeeda ee ku sugan magaalada Muqdisho inay fikirkooda dhiibtaan, isagoo ka saaray meesha inay matalaan Somaliland iyo axsaabteeda siyaasadeed. Inj. Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal gooni ka ah Somalia, isla markaana muddo 25-sano ah shaqeynaysa, nidaam dowladnimo leh oo isku filan, isla markaana ay ka jirto nabad, wuxuuna intaa ku daray in shaqsiyan uu soo dhaweynayo in dadka kasoo jeeda Somaliland ee Muqdisho ku sugan ay shirarka ka qayb-galaan, fikirkoodana dhiibtaan. “Somaliland wixii khuseeya ee dan ka leh Muqdisho ma tagayaan ee magaalada Hargeysa ayay yimaadaan, dadka reer Somaliland ee jooga Xamar xaq bey u leeyihiin in meeshii ay doonaan tagaan, fikirkooda iyo ra’yigoodana dhiibtaan, balse ma ahan xisbi Somaliland ka diiwaan-gashan oo kale,” ayuu yiri Inj. Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa ku boorriyay dadka ka soo jeeda Somaliland inay iska diidaan nidaamka wax qaybsiga ah 4.5 oo uu sheegay inuu yahay mid hab beeleed ah, isla markaana haddii wax la qaybinayo lagu qaybsado sidii Koonfurta iyo Waqooyi ay 1960-kii wax ku qaybsadeen. Bisha November 22-keedii ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen dad kasoo jeeda Somaliland, kaasoo looga hadlayay hanaanka doorasho ee Soomaaliya ka dhici doona sannadka 2016-ka iyo nooca ay noqonayso doorashadaas. Ergooyinkan kasoo jeeda Somaliland ayaa soo jeediyay in doorashada sannadka soo socda ka dhacaysa Somalia ay noqoto mid lagu qaybsado habkii ay gobolladii Waqooyi iyo kuwii Koonfureed ee Soomaaliya awoodda dowladnimo ku qaybsadeen oo ahayd 50/50 [kala-bar awoodda dowladda iyo baarlamaanka]. Ugu dambeyntii, hadalka guddoomiyaha xisbiga UCID Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa ku soo beegmaya iyadoo xukuumadda Somaliland ay sheegtay inay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii magaca Somaliland uga qayb-gasha shirarka doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona sannadka soo socda.

Hargeysa Online

 

· ifraax on November 25 2015 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>