| ||
|
Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabay Gudida Ictiraaf raadinta iyo Gudida Xuska 18 may. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Digreetada Madaxweynuhu ku Magacaabay Guddida Ictiraaf Raadinta ayaa u dhignayd sidan:- Ujeeddo: Magacaabid Guddi Mudanayaal iyo Marwooyin, Sida aad la socotaan, waxay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku hawlan-tahay dardar-gelinta iyo xoojinta dedaallada ku aadan sidii Jamhuuriyadda Somaliland ictiraaf buuxa uga heli lahayd Beesha Caalamka.
Haddaba, si looga midho-dhaliyo hiigsigaa iyo rabitaanka runta ah ee Shacbiga Somaliland waxaan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland. Guddida waxa waajibaadkeeda shaqo bartilmaameed u ah Diyaarinta Qorshaha Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyo ka talo-bixinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya (Road Map). 1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah Guddoomiye Waxaan farayaa dhammaan Wakiillada Somaliland u fadhiya dallalka dibedda iyo cid kasta oo ay khusayso arrintani inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan. ALLAA MAHAD LEH Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax) Xubnaha GuddidaAgaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Guddoomiye 2. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Guddoomiye Ku-xigeen 3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xubin 4. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xubin 5. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Xubin 6. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyada Xubin 7. Maayarka Caasimadda Hargeysa Xubin 8. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Xubin 9. Md, Sharmarke Axmed Muxumed (Xoghayaha Golaha Wasiirrada) Xoghaye 10. Mudane, Caydaruus Mahdi Xaashi (Habmaamuus Ku-xigeenka Madaxtooyada) Xubin 11. Mudane, Mustafe Sacad Dhimbiil (SONSAF) Xubin 13. Marwo, Nafisa Yuusuf Aw Muxumed (NEGAAD) Xubin 14. Mudane, Siyaad Cumar Cali (SONYO) Xubin Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summaddeedu tahay JSL/M/MG/241-3855/022016 ku Magacaabay guddi heer qaran ah oo ka hawlgelidoona Ictiraaf Raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.
|
|
|
Render time: 0.18 seconds
|