| ||
|
Baaq taageero buuxda dibudhigidda diiwaangelinta codbixinta oo ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale)Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato. Ujeeddo taageero buuxda dibudhigidda diiwaangelinta codbixinta Taariikh: 31/3/2016 Annaga oo ah jaalliyadda qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, waxaanu taageero buuxda la garab taagannay, go,aanka ay qaateen komishanka doorashooyinka,
dawladda Somaliland iyo xisbiyada qaranka badankooda kaas oo ah dibudhigidda diiwaangelinta codbixinta gobolka maroodi jeex muddoo bil ah kuna eg 1/5/2016 diiwaangelinta oo bilaabmi doonta 2/5/2016 haddii Allaah idmo. Go,aankaas qaranku isla qaatay waxaanu u aragnaa mid si buuxda shaciga dalka waafaqasan kuna salaysan aafo dabiici ah xaaladda hadda dalku ku jirana ku habboon. Iyada diiwaangelintu hore goballada dalka qaarkood uga soo qabsoontay haddana xilliga haatan lagu ayaa aad uga adag. Sida aynu la wada soconno dalka waxaa ka jira abaaro baahsan oo dalka wada saameeyey ,dalku wuxuu ku tiisanyahay xoolaha nool ee muwaadiniintu xannaaneeyaan(reer miyiga) haddii aan loo gurman waxay saamayn baaxad leh ku yeelanaysa dalka guudahaan, haddii aan raxmada Allaah shubin waxay taabanaysaa magaalooyinka dalka dhammaan ,Allaah waxaa uu inoo sheegay in uu wax walba biyaha ku nooleeyey. Waxaynu Allaah ka baryeyna in uu roobka inoo shubo oo dambiyada la galay innaga dhaafo,isagana loo noqdo. Baaqan waxaa soo saaray. Jaalliyadda qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaacil(Ciidagale) ee Ingiriiska Guddida Jaalliyadda beesha ee reer UK
Wa billaahi towfiiq Guddoomiyaha jaalliyadaha,
qurbajoogga beesha badhatamaha,
,bariga iyo koonfurta Hargaysa,
ahna G/ku xixeenka Ururka Gaaroodi
Deggen UK.Deeq Cabdi Digale
|
|
|
Render time: 0.16 seconds
|