Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya: Sharaf Dhac iyo Waqti Lumis.

Taariikh: 28/04/2016

Tixraac: SSE/Fr-009-16

 

Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya: Sharaf  Dhac iyo Waqti Lumis 

 

Baaqyo dhowr ah ayay dalladu hore ugu muujisay walaaca ay ka qabto wada-hadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Dareenkaasi taban waxa keenay markii ay caddaatay in Soomaaliya ay ku guul darreysatay inay oofiso waxyaalihii labada waddan ku heshiiyeen intii wada hadalladu socdeen.

 

Baaqyadii kan ka horreeyay ayay dalladu si faahfaahsan uga hadashay wacad furka ay xukuumadda Soomaaliya kula dhaqantay wixii wada hadal hore loo yeeshay. Dallada SSE waxay is-weydiisay maxaa faa’iido uga soo kordhay Somaliland tan iyo into wada hadalka la bilaabay. Ha joogto in faa’iido la helo balse xukuumadda Soomaaliya waxay ugu abaal guday Somaliland arrimaha soo socda:

 

  • Hadaladda dhiifta leh oo maalin walba ka soo baxa xukuumadda Soomaaliya
  • Heshiiskii arrimaha hawadda oo ay si badheeh ah uga baxdey
  • Ku darsiga dastuurka Soomaliya iney Somaliland ka mid tahey
  • Caqabadeynta iyo siyaasadeynta deeqaha caalam

 

 

iga ah

  • Is hortaagidda maalgashiga caalamiga ee Somaliland ku aaddan

 

 Walaaca SSE waxa kale oo uu la xidhiidhaa hoos u dhaca ku yimid qaabka wada-hadalku u socdaan. Waxaynu ognahay in kulankii u horreeyay la qabtey 20 kii Juun 2012kii. Waxaa ka dambeeyay shirar badan oo saddex ka mid ahi ay ahaayeen heer Madaxweyne. Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu ku bilowdey meeqaam sare, waxaana kulanii u horreeyay lagu qabtey magaalada London iyada oo ay si wada jir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee boqortooyada Ingiriiska, Norway iyo ergo ka socota EU. Waxa ayaan darro noqotay in wada hadalkii heerkaa ku bilwodey uu ku dambeeyay inuu gacanta u galo  dowladda Turkiga oo ku cusub inay khilaafaadka caalamiga ah dhex dhexaadiso. Waxaa taa ka sii daran aad mooddo in dawladda Somaliland ay arrintaasi ogolaatay.

 

Marka aad arrimahan si dhow u eegto waxa kuu soo baxaya in xukuumadda Soomaaliya haba yaraatee aanay wax ixtiraam ah u hayn Somaliland.

 

Wada-hadalka hadda dib loo bilaabayo 

 

Bishii Maarj ee 2015kii ayay ahayd markii Soomaaliya ay la timid jawi ay ku burburisay wada-hadalkii socdey. Iyada oo ay halkaa mareyso ayaynu hadda si kedis ah u maqalnay aqoonyahano ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa lagu kulansiiyay magaalada Ankara ee dalka Turkiga. Sida loo dhigey aqoonyahanada labada dhinac ka socdaa waxay aay dowladda Turkigu ka darsaysaa faraqa u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Tani waxay niyad jab ku tahay shacabka Somaliland oo u haystay in Turkigu markay ugu yar tahay ka dharagsan yahay taariikhda mandaqadda uu doonayo inuu wax ka qabto arrimaheeda siyaasadeed. Waxa is weydiin leh waxa keenay in dowladda Turkigu ay hadda rabto inay wax ka ogaato kala gedisnaanta labada dhinac iyo taariikhda labada waddan ay kala wataan. Waxa kale oo su’aal weyn ah oo dallada SSE ay jawaab u weyday goorma ayaa wada-hadalkii labada dhinac u dhaxeeyay loo dhaadhiciyay heer hoose oo ku salaysan seminar iyo aqoon-isweydaarsi ay aqoonyahanka labada dhinac ku kulmaan. Dallada SSE ma oga qorshayaasha dhabta ah ee ka dambeeya arrimahan, balse waxay dalladu ogtahay in heerkii wada-haddalka marayo meel aad u hooseeya oo laga yaabo inaynu berina maqalno waxa kulmaya oo la is-fahansiinayaa ururada bulshada ee labada dhinac oo Ankara ku kulmaya.

 

Wada-hadalkii ku bilowdey heer labo dowladood oo weliba ay wehelinayaan dhowr waddan oo Yurub ah iyo weliba EU ayaa halkaa maanta maraya.

 

Waxa kale oo isweydiin kale ah dowladda Turkigu marnaba dhexdhexaadiye daacad ah ma ka noqon karaa labada dhinac? Jawaab uma baahna oo waynu ognahay mowqifka dhabta ee dowladda Turkiga.

 

Talo

 

Dallada SSE iyada oo ka duuleysa duruufaha mugdigu ku jiro ee wakhtigan la joogo ay galeen wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxa aanu ku talinaynaa:

 

  • In dib daraasad ay Somaliland ugu samayso istaraatajiyada wada-hadalka oo weliba lagu celiyo heerkii iyo maqaamkii sare ee ay ku bilowdeen.

 

  • In xukuumadda Xasan oo wakhtigeeda dhowr bilood ka hadshanyihiin aan wax wada-hadal dib loola bilaabin inta la helayo xukuumad cusub.

 

  • In aan wax wada-hadal ah dib loo bilaabin ilaa inta Soomaaliya ay ka waantoobayso ficilada fashiley wada-hadaladii hore.

 

  • In dowladda Somaliland ay xaqiiqdo waajahdo taasoo ah baahida mahuraanka ah ee loo qabo sidii loo heli lahaa wada-hadalo ku salaysan qorshayaal leh qaab hufan oo la raaco oo ay dhexdhexaadin iyo  markhaati ka yihiin waddamada UK, Norwey iyo EU oo la joojiyo dhexdhexaadinta dowladda Turkiga oo keliya.

 

  • In dadka reer Somaliland mucaarid iyo muxaafidba gaar ahaan golayaasha qaranka iyo axsaabtu ay arrinkan ka mideysnaadaan isla markaana la ilaaliyo karaamada dadka reer Somaliland.

 

Xasuusin

 

Waxa markale naga xasuusin ah in aan qaranka Somaliland dhayal kuma iman, mana aha wax haddiyad inagu soo galey. Dad kumanyaal ah ayaa naftooda ku waayay, kumanyaal kalena way ku naafoobeen. Kumayaal kale ayaa xoolohoodii iyo naftoodiiba Burco ito Boorama muddo dheer ugu golongolay sidii ay qarannimo u yagleeli lahaayeen dal iyo mujtamac burburay. Waxa qoyan raadadkii uu inagu lahaa halgankii dheeraa ee aynu soo galnay. Karaamo daro iyo abaal la’aan ayay ku tahay dadkaa inay dhegahooda la maqashiiyo hadalada gefka weyn ah.

 

Wax ama shay banii’aadam maanta adduunka ku hantiyo waxa ugu qaalisan waa xorriyad. Labadanba sahal kumay iman oo waynu ognahay xaaladaha loo soo maray. Somaliland inay sibiq ku tagto sidii lixdankii waa arrin aan filayo in aanu sinaba suuro-gal ugu noqonayn maanka iyo caqliga bulsho caafimaadka qabta.

 

Gebogebo

 

Gebo-gebo ahaan ha dhowaato ama ha dheeraato Insha-Alla Somaliland mar ayay gaadhi doontaa himiladeeda kama dambeysta ah. Dallad ahaan ma hubno, balse haddii ay jiraan in wada-hadalku ku xidhanyahay arrimo dhaqalaa, waxa naga xasuusin ah in Somaliland ay ka weyntahay shilimaad iyo dhaqaale kooban. Waynu wada ognahay duruufaha aynu kala kulanay aqoonsi la’aanta, waxaase u baahan in la qiro waxa ka badan ee aynu haysano, nimcada, wanaaga iyo karaamada aynu ku haysano waddanka aynu jecelnahay. Qofowna ha horseedin wax sharaf dhac ku ah ummada reer Soomaaliland. Waxa inagu socda taariikh iyo wakhti socda ee qof walowba cidhibtaada iyo ta carruurtaada ha uga tegin dhaxal taban.

 

Alle ayaa mahad leh,

 

Guddida Fulinta SSE

 

 

 

· ifraax on May 02 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>