| ||
|
Edo Wareejisaye Yaa Ku Wareejin.Intaad isleedahay Geel hindi qaatay xeebtaa laga raadshaa Miyaanad ogeen nin soori kaa qaaday waa nin saafi kaa qaaday.!!!!!
Waxaa ayaan darro ah in Siyaasadi Somaliland ay ku koobnaatay Berbaera Iyo Hantida Qaranka ! Waxaan fahmi kari waayay Somaliland o dhan ma Berbera kaliya Deegaan ka ah ? Waa maxay Hormarinta Berbera ay u baahantahay aanay dalka degaamadiisa kale u baahneen ! Waxaan aad oga xumahay dawlada Somaliland oo Arimihi Dibedda iyo Gudahaba ku ilaawday mashruuca wareejinta Dekkada Berbera iyo DP World ! Waxaan filaya arimaha dhaqaalaha ayaa Agendaha No.1 ka ahaa qorshaha xukumada talada haysa waayo ilaa muddo 5 sano waxaan maqlaynaa hantidi qaranka o kulba mashruu cusub nin Carab ihi wado iyo Xukumadii oo dhan o daba socata ninkaas Carabka ha !!!! Waxaan aad oga damqaday Xasuuqi ka dhacay Jaamc-Dubad , Xahiga xaqdarada ah ee dhalinyarada Saaxil , xadhigi Odayashi iyo Salaadiinti Burco ee nabad doonga ka ahaa xasuuqi Jaamac Dubad iyo maantana oo wariyaasha lagu xidhay Wajaale ????? Waxaan Xukumada Somaliland ogu baaqaya inay markasta noqoto Xukumad Shacab keeda si wada jira ah o dhageesata shucuurta muadiniinta qadarisana si ay hadhwto muadinku laftigiiso Xukumada oo Qadariyo , Waxaan sido kale oga codsanaya Xukumada Somaliland inay sida dhakhsa ah xoriyada o soo wada celiso dhamaan dhalinayarada xaqdarada loo haysto muddo kabadan 16 cisho ah.
Ninna Ugama Taajiro Faqriga Tuugo Iyo Boobe Dad Waynaha Tabaalaysan Ee Taahu Ka Idlaaday Haddii Loo Tanaasuli Lahaa Tawstu Way Hadhiye Sida Turubka Loo Kala Guree Tobonlahow Qaato Farsamaa Rag Lagu Toociyaa Taabka Kuu Jaraye Maantay Halkii Taagantahe Nabada Taageera Nin Tis Qaaday Kiijiiday Bay Wada Tagaayaane Talaabada Caraabaha Markaad Tuulo Qabanayso Jidkoo Toosan Baad Mari Jirteen Toobiyii Fudude Maantana Tabtii Baan Nahaye Nabada Taageera Ninkii Muruqa Kuu Tuujiyee Tamarna Kuusheegta Amaan Kuba Tixgelin Xeeladaa Lagu Tarbiicaaye Tastuur Baana Lagu Maamulaa Tiiri Kaa Adage Khiyaanada Tariiga Ah Intaad Teeb Kusoo Qoroto Tusbax Go’ay Sidiisoo Kalaa lagu Taxriimaaye ILaah Baa Maskiin Tiir Kafura Toogasho Ahaaye Kii Luqunta Taagana Ku Xira Taxadki Naareede
Ilahayow Isafgarad Iyo Nabad Taam Ah Baan Adiga Kaa Baryaynaa
Marwo Samia Muse
|
|
|
Render time: 0.18 seconds
|