| ||
|
Xafladda ay isugu yimaadeen cuqaal iyo waxgaradka beesha Ciidagale Oo Maanta Ka Dhacay HargaysaWaxaa Magaalada Hargaysa ka Dhacay Kulan balaadhan oo loogu diyaar garoobayo Xafladda Wan-qalka Degmada Cusub Ee Balli-Mataan. Waxaana Kulankan ka soo qeyb galay Madax Dhaqameed, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalilad, Aqoonyahan Dhalinyaro iyo Masuuliyiin kale .
Ugu horeen Waxaa Halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Gaashaambuur Maxamed Cismaan waxaanu u mahad Naqay Madaxweynaha Somaliland iyo Dhamaan Masuuliyiin ka qeyb qaatay Magacaabista Degmadan, waxaanu intaasi ku daray in Beeshiisu Shirtay Islana Qaadatay in Degmadani noqoto degmo loo siman-Yahay. Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Madax Dhaqameed Waxaanay Dhamantod Bogaadiyeen Demgadan Cusub . Wasiir Cukuse iyo Gudoomiye Jaamac Shabeel ayaa iyaguna halkaasi ka hadlay, waxaanay si isku mid ah uga hadleen Muhimadda ay leedahay in Degmadaasi la wada Dhisto oo la cammiro . Gudoomiye Ku Xigeenka Guddida Sahan Barwaaqo Axmed Guud Cade oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweenayaan Degmadan Cusub . Ugu Danbeen waxaa Halkaasi ka hadlay Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Waxaanu u duceeyay Degmada Cusub Isagoo Ballan Qaaday in 10-Awr uu ugu deeqay Xafladda Wan-Qalka Degmada Cusub Ee Balli-Mataan .
Hargeysa Online
|
|
|
Render time: 0.17 seconds
|