| ||
|
Mawqifka Turkiga ee Qaddiyadda Somaliland iyo Aragtida Dallada SSE.
Hase yeeshee siyaasadaha xidhiidhka caalamiga ahi kuma salaysna diin oo kali ah. Doorka Dowladda Turkiga ee gogol fidinta wada hadalka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya waxaa marka horeba ku jiray mad-madow. Maamulka Ankara oo aan aqoon durugsan u lahayn, ama aan looga baran, xallinta khilaafaadka caalamiga ah ayaa si indho la’aan ah u galay wada hadashiinta Somali
land iyo Soomaliya. Inay arrinta ku kaliyaystaan may ahayn. Wayse dhacday, wax badanna may soo kordhin. Waxa marka horeba muuqatay in Maamulka Ankara aanu dhex dhexaad ka ahayn wada hadashiinta labada garab. Wax-ma-garato badani arrintaa way is diid siin jirtay. Baaqyo hore ayay dallada SSE arrintaa uga hadashay.
Xukuummadda Turkiga oo bayaamisay aragtidooda ku wajahan Somaliland
Ummad ahaan in badan ayaynu isku maaweelinay dhexdhexaadinta Turkiga ee Somaliland iyo Soomaaliya, balse iyaga ayaa si gabbasho la’aana u cadeeyay halka ay ka taaganyihiin qaddiyadda Somaliland. Danjiraha xukuumadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo ka turjumaya aragtida waddankiisa ayaa ay hadaladani ka soo baxeen bishii July 30keedii 2016: “Ujeeddadayadu waa inay Soomaaliya midowdo oo is-raacdo. Mar walba waxa aannu ka shaqeynaynaa midnimada Soomaaliya. Dadka Somaliland waxa ay noola mid yihiin dadka ku nool Soomaaliya inteeda kale. Dowladda Turkiguna waxay aaminsantahay in Soomaaliya iyo Somaliland ay hal waddan noqon doonaan oo ay midoobaan” (https://www.youtube.com/watch?v=n_ryhIJyJEI).
Safiirku waxa kale oo uu waraysigiisaasi ku sheegay inuu baasboortka Somaliland u arko uun ‘aqoonsi’. Marka si loo eego intaa in ka badan oo aynu ka rajaynaynay dowladdaa Turkiga maba jirto, su’aashuse waxay tahay haddii uu baasboortka Somaliland u arko ‘aqoonsi’ waddankee ayuu u aqoonsan yahay inuu aqoonsigaasi leeyahay? Ma Dowladda Soomaliya ayaa ogolaatay in baasaboortka Somaliland loo aqoonsodo ‘aqoonsi’? Waxaynu hore u ogayn in dowladda taagta daran ee Soomaliya aanay baasboortka Somaliland u tix gelin ‘aqoonsi’. Taa iskaba dhaafe aanay xataa arki karaan. Waxa tusaale innoogu filan dhacdadii halyaygii Cumar Jaamac Faarax (https://www.youtube.com/watch?v=E5euSmjG99g) bishii April 23kii 2015 kala kulmay Muqdisho mar uu damcay inuu baasaboortka Somaliland ku galo dalkaasi. Waxa laga yaabaa in Dawladda Turkigu aaanay waxba isaga tirin Dowladda Soomaliya oo baal martay mowqifkeeda ku aaddan dhukumentigaa Somaliland. Hadalka safiirka Turkiga sidaas baanu macne badan u lahayn. Waxase macno leh in Turkigu sitayaasha baasaboorka Somaliland ay dal ku gal siiyeen.
Hadalka safiirka Turkigu wuxuu macno badan xambaarsan yahay marka uu ka hadlayo mowqifka dalkiisa ee uu ku sheegay inay ayidsan yihiin kana shaqanynayaan soo celinta midowgii aan la mahadin ee Somaliland iyo Somaliya. Hadalladani waxay ay gef iyo quudhsi ku yihiin himilada iyo hiigsiga shicibka Somaliland. Inqilaabkaasi dhicisoobay waxaad mooddaa inuu soo if-bixiyay soona dedejiyay inay cadaato laba wajiilanimada Maamulka Ankara. Waxa ayaan darro ah in Maamulkan layli baradka ku ah arrimaha Geeska Afrika uu Jamhuuriyadda Somaliland u yeedhiyo wuxuu isagu doonayo: fadlan ku noqda walaalihiin Soomaliya. Waxaanu Maamulkani ogayn in haddii aynu sidaa donayno aynaan u baahnayn muxaadaro Turkiyi innoo jeediyo.
Dareenka dallada SSE
Dalladda SSE waxa ay baaqan ku caddeynaysaa taageerada ay u hayso xukuumadda Somaliland qaraarka fiican ee ay iska taageen arrinta Nile Academy. Waa go’aan banii’aadnimo oo ka hortagaya in xaq-daro lagula kaco hay’ad aan wax dembi ah lagu soo oogin isla markaana maalgelin iyo waxtar ka geysatay dalka. Xukuumadda waannu ku hambalyaynaa go’aanka geesinimada leh ee ay ka qaateen arrinkan, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo si faahfaahsan oo ay xilkasnimo iyo xirfadi ku jirto u sharaxay mawqifka Somaliland ee ku aaddan Nile Academy iyo weliba af-gambiga dhicisoobay in uu ahaa fal dambiyeed laga xumaaday mar uu bixinayay wareysi ku aadan labadaa arrimood 31kii July 2016 (https://www.youtube.com/watch?v=-IaUUKMYcBk).
Gunnaanad
Dallada SSE waxay rumaysantahay in maanta masaalix waaweyni ka dhaxeeyo Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya. Danaha ka dhaxeeyaa waa qaar u badan masaalix dhaqaale oo weliba Dowladda Turkiga ay ka go’antahay sidii Soomaaliya loo taageri lahaa dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo ciidan ahaanba. Kaabayaal dhaqaale oo muhiima ayay Dowladda Turkigu gacanta ku haysaa. Xidhiidhka dhow ee labadan ka dhexeeyaa ma aha arrin khusaysa Somaliland, laakiin dallada SSE waxay hagardaamo u aragtaa in Turkigu ka soo horjeesado rabitaanka shacabka Somaliland. Sida waraysiga safiirka Turgia ee Muqdisho ku cad Turkigu wuxuu cadeystay mawqifkiisa ka dhanka ah Somaliland. Wax ixtiraam ah uma hayo Somaliland iyo shicibkeeda isla markaana ma jirto wax dano dhaqaale ah oo macno weyn ku fadhiya uu u dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga. Sidaas daraaddeed yaan loo habran in danaha iyo qaddiyadda Somaliland laga horraysiiyo danaha Turkiga. Gunnaanad ahaan waxa aannu Somaliland kula dardaarmaynaa: • In Jamhuuriyadda Somaliland ku adkaysato mawqifka iyo go’aanka ay ka qaateen Nile Academy. Waa mawqif lagu ixtiraami doono laguna tix gelin doono inay yihiin dal ilaaliya xuquuqda lagu leeyahay dal ahaan. • In xukuumadda Turkiga loo arko waddan aan maslaxad siyaasadeed innoogu jirin oo ka soo horjeeda qadiyadda Somaliland. • In aan dib loo aqbalin in Turkigu dhex-dhexaadiye ka noqdo arrinka wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Alle ayaa mahad leh,
Guddida Fulinta SSE
|
|
|
Render time: 0.19 seconds
|