Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Waxaan Aniga iyo Guuleed isku Af-garannay in Xabadda la joojiyo.

Madaxwyenaha Puntland, C/weli Maxamed Cali [Gaas], ayaa sheegay maanta inuu khadka Teleefoonka kula Hadlay Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali iyo Madaxweynaha maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, intii uu kusocday kulan uu Magaalada Boosaaso kula yeeshay Maanta Ergayga QM ee Somalia, Danjire Michael Keating.

 

Cabdiweli Gaas, ayaa Hadalkiisa ku daray in isaga iyo C/kariin Xuseen Guuleed ay isla garteen in la Dhaqan-geliyo Heshiiskii xabad-joojinta ahaa ee ay labadoodu dhawaan kala saxiixdeen. Sidoo kale, ay isku af-garteen in labada dhinac ay Wada-hadallo isugu yimaadaan Magaalada Gaalkacyo maalinta Jimcaha ah ee soo socota.
Ergayga QM ee Soomaaliya, Danjire Michael Keating oo maanta safar ku tagay magaalada Boosaaso, iyadoo shir jaraa'id oo Wadajir ah ay ku qabteen halkaas Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas, kaas oo ay ku faahfaahiyeen qodobbadii ay kulankooda uga hadleen.
"Waxaan Danjire Keating isla soo qaadnay dagaallada Gaalkacyo oo ah runtii arrin xannuun badan, isla markaana ah waa arrin cid kasta ay ka damqato, loona baahan yahay in xal-waara loo helo Gaalkacyo kasoo cusboonaaday. Sidoo kale intuu kulanku socday waxaan qadka taleefoonka kula hadlay RW-re Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana isla soo qaadnay in la dhaqan-geliyo heshiiskii xabad-joojinta ahaa ee labada dhinac ay wada-gaareen, kaddibna maalinta Jimca ah Gaalkacyo lagu kulmo, si dagaalka loo joojiyo," ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo la hadlayay Warbaahinta.
C/weli Gaas ayaa intaas ku daray inuu taliyeyaasha ciidamada ay ku siiyeen amar in xabad-joojin la sameeyo, waxaan rajaynayaa inay joogsan doonto xabbadda uuna amarku hir-galo, isagoo rajo weyn ka muujiyay in colaadda Gaalkacyo ay soo af-jaranto.
"Anigai yo Ergayga QM ee Somalia, waxaan kulankeena intiisa badan uga hadalnay Arrimaha Doorashada Somalia iyo sidii loo Dhamaystiri lahaa, wuxuuna Puntland ku bogaadiyay in ay ka billowdeen in lasoo doorto Xildhibaanada Aqalka Hoose, isla markaana ay ka muuqdaan Haweenka, waana ku raja-weyn-nahay in xuquuqda dumarku leeyihiin la ilaaliyo," ayuu yiiri C/weli Gaas hadalkiisa ku daray.
Dhanka kale, Danjire Keating oo isagana warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu la dhacsan yahay Qoondadii Puntland ay Haweenka ka siiyay doorashadii xubnaha Aqalka Sare, uuna rajeynayo in haweenka ay heli doonaan qoondadooda Doorashada Aqalka Hoose ee Puntland ka socota.
Ergayga oo ka hadlay Colaadda Gaalkacyo ayaa wuxuu yiri. "Waxaanu aniga iyo Madaxweyne Gaas, qadka Taleefoonka kula hadalnay RW-re Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Maamuka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland iyo Galmudug, Waxaana la isla qaatay in la dhaqan-geliyo xabad-joojin maanta Gaalkacyo ka billaabata."
Ugu dambeyn, Booqashada Ergayga QM ee Soomaaliya uu Boosaaso ku tagay maanta, ayaa waxay imaanaysaa iyadoo shalay uu dagaal culus dib uga qarxay Gaalkacyo, kaasoo ay ku dhinteen tiro ka badan 25-qof, tiro badanna ay ku dhaawacmeen.

Hargeysa Online

 

· abdi on November 07 2016 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>