| ||
|
Waxa aad igu ogaataan waxaan ahaan jiray.WAXAAD IGU OGAATAAN WAXAAN AHAAN JIRAY Waa Askari ka mid ahaan jiray ciidamadii Faqashta ee hormuudka u ahaa Gen.Maxamed Siyaad Barre.
Waa Askeri markii danbana u diga rogtay Jabhadii SNM. Maalmaalha qadhaadh ee xusuusta wayn ku leh Jabhadii SNM sida: Askarigu waa Ruux ka dhex muuqda muranka, iyo is-maandhaafka ka dhex qarxa beelaha ISAAQA. Askarigu waa Ruux qayb mug wayn ku lahaa dagaaladi sida ba’an loogu waxyeeloobay ee sagaashanaadkii dabayaaqadiisii ka qarxay,Hargaysa kuna fiday magaalooynka kale oo dhan. Ka sakow Qaxii, barakicii ,mood, maal iyo nafaf badanba sababay, waxa Askargi u dheer af-laagadada iyo af-xumada uu ku suntanyahay. Askariga yeelkii,eraydaa berigaa la wanaagsanaa ee tuutra uu ku qaadan jiray waxaa ka mid ahaa : ANIGOO WAXA DILLI KARA, DUCO QAADAN MAAYEE,DABCI QORIGU HA I FARO. Akhristow Askargu odhaahdaa hore waxa uu maanta ku bedlay. ASKERIGA Waxaan maanta ku leeyahay: DAALIN WAA NIN XEELEE,ANNI IYO DAGNAANTAY. Adduun howl kama dhamaatee,Ayaa Askarga Abtiyaashii goroda is galiyeen doodiina kolba dhan loo jiiday , qolooyin si wax u sheega,iyo qaar sida kale u dhigaba, kuwo boholyoow, iyo beerjeleec ka muuqdaba. Is marin waa balaadhan ka dib nin wayn oo tallo qabeen ah ayaa hadlkii u baxay, waxaanu yidhi inanka aynu Abtiga u nahay waxaynu sii naynaa wakhti,taasoo macnaheedu yahay bal aynu dhowrno ayaamo. Ka dar oo dibbi dhal, HORAA LOO YIDHI BAHAL QAYDHIN MA DAAYO,ASKARINA CAADADII MA BAAJO. Sheeko ka mid ah sheekooyinka Somalidu wariso, loona yaqaano sheeko xariirada ayaa waxaa la yidhi Waraabe ayaa wakhti wakhtyada ka mid ah intuu Binu-Aadamka u tagay, ku yidhi dadow magacan aad ugu yeedhaa, hawl iyo hadimo aan tiro lahayn ayaan ku qabaaye ,ee miyayna ahayn, waan iska bedelay inaad idinkuna magacayga cusub iigu yeedhaan. Arinkoo halkaa marayaa ayuu Waraabihii Nin ka md ah ragii halkaa joogay ayaa Orgi gowrac labada dhagood ku simay,neefkiina harag ka saaray, dabeed geed agtiisa ah ayuu laan ka mid ah Indhishii uu u sudhay neefkii. Waraabihiina wuu ka aqbaly baa la yidhi dalabki Odayga. Waxa la yidhi Waraabhii neefkii buu dhowr jeer ku dul wareegaa,haddana waxa uu xasuustaa ninkii odayga ahaa ee ammaanda u dhiibtay, hadana waxaa la yidhi Waraabihii isaga oo neefkii ku warwereegaya afka xoog u kala haya ayuu wuxuu bilaabay inuu carabkii neefkii dusha ka mar-mariyo. Ilayn waa bixisee Waraabihii markii uu is hayn kari waayay ayuu Laf iyo Ludba neefki uu wada cunay,waxaa la yidh Waraabihii oo labada qowlalba dhiig ka daayo oo sii cararayaa ayaa waxaa la qoray erey dhaxalgal ah. WUXUU YIDH DHURWAAGII: DADOOW,DADOW,DADOOW….. WAXAAD IGU OGAATAAN WAXAAN AHAAN JIRAY. Akhrstoow Askarii markii uu yidh eryadii ahaa Waxaa laga hayaa ABTI WAXAAD IGU OGAATAAN WIXII AAN AHAAN JIRAY. Askariga iyo Ragiisa waxaan odhan lahaa, wax walba oo inna dhex maraa waa Denmark
|
|
|
Render time: 0.17 seconds
|