|
|
Garyaqaanka Guud waxa uu dardar iyo waxqabad lataaban karo uu ka sameeyey dhanka adeega sharciga markii uu masuul ka ahaa garyaqaankii guud ee hore Aasaaskii, isaga oo xafiisku hirgaliyey adeeg buuxa dhanka kalena dardargaliyey hawlaa sharci isgoo ka caawyey Laamaha Xukuumadana una fuliyey adeegyo haday tahay Tallosiin sharci, Ka difaacid dacwado lagu soo Oogay xukumadaa qaranku daraf ka noqday, iyo xeerar uu xukumada ka caawiyey wakhtigaas Curintooda, iyo ka caawintoodaba.Wakhti xaadirkan Xafiiskaas Garyaqaanka Guud madxiisu ama masuulka u sareeya haba yaraate malaha wax Aqoon ah hadda waxay keentay in ay Hogaamintii dhaafi waydo Aqoondarro, iyo waxqabad la’aan uu isu darsaday masuulkanaasi.Muddadi Sanadka iyo Sideeda bilood ahayd ka badnayd ee uu ku-simaha iyo Garyaqaanka Guud Ee Qaranka ku magacwnaba masuulka la yidhaahdo Cabdisamad Maal Xafiiskaasi waa mid gabi ahaanba fadhiid ah oo jaha wareersan.Masuulkan Aqoon lagu hago, laguna ma-tallo sharciga umalaha taasi waata sababtay masuulkan shaqadiisu oo ahayd gudashada inuu ka difaaco dhanka Xukuumada iyo danta guud kaga imaada Waaxda Garsoorka.Mama lulatee maxay leefta? Nasiibdarro Masuulkanaasi waligii ma galinba Dacwada, Muxuuba Xukuumad iyo Danta-guud Difaacaa, maba garanaayo sida dacwad loo furto, Dacwad looga rafcaan qaato, looga jawaabo Docmentska Waaxda Garsoorka Maxkamadaha kaga yimaada.Muddada uu xilka Qaranka ku magacawnaa hal dacwaduu noogu yimid Maxkamadaha uu isku dayey inuu galo ma jirtoo, isagoo ku doorsaday in aanu iman kana soo ag wareegin xidhiidh wada shaqyna la lahayn hadanu nahay kana tirsnahay Waaxda Garsoorka.Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Mudane Maxamed Saxardiid Cadaani iyo -Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen Xayaysiisyada Cafimadka ee Layska tabiyo ee ka baxa Idaacadaha iyo Tvyada, iyagoo yidhi sharcigaan la tiigsan doona Garyaqaanka Dawldana waan u gudbin doona, tallow wasiiradaasi yay isku halaynyaan, kamaba war hayan Xaalka masuulka ku ay ku taamayaan uguna hanjabayaan Bahdaa idaacdaha iyo Tvyada.Xafiiskaas la yidhaahdo Garyaqaanka Guud Aafoyinka haysta waxa ka mida shaqaalo tiro badan oo aan sharciyqaano ahayn ay ka buuxa Xafiiskaas, Shaqaale Cusub ah uuna keenay masuulkaas cabdisamad maal wax shaqona ah aan ka qaban xafiiska mushahar ay qaataan mooye siday noo cadeeyeen ilo wareedyo u dhuun daloola xafiiskaasi, mararbadana tagay iyagoo gudanaaya shaqadooda gaadhsiineed ee docmentska wadashaqaynta waaxda Garsoorka Dacwadaha, waxa intaa dheer markay gudoomeyeen docmentska garan ma garan karaan meeshy ku hagaajin lahaayeen aqoon daro sharciga ka haysata sida ka muuqatay shaqaalahaas guud ahaan.Muddo hore waxaa jiray docmentsyo badan oo sidaa Garsoorka uga lumay ilaa iminkaana aan la garanyn meeshay ku dambeyeen, had iyo jeerna ay na soo waydiista Docment loo gudbiyey oo ay gudoomeen, masuliyad darana iskaga tureen xafiiskaasi.Waxaa xafiiskaasi noo keeni jiray Waraaqo documents ah oo shan nuqul ahaan jiray, Mudaadi u dambaysay nuquladii la keeni jiray waa ay yareeyeen sababtana noomay soo gudbin, wakhtigan waxay na soo gaadhisyaan nuqulo Labo ah, oo ay ka dhex muuqdaan waxyabo badan oo celcelis ah oo hore ay noogu keeneen iyo khalado badan, faafinta rasmiga wxa loogu talo galay in lagu faafiyo wixi bisha so baxa, lakiin xeerar dhawr sanno ka hor xafiisyda na loogu keenay baa dib lagu soo qoraa kadib markii masuulkaas xafiiskaasi ka gaabiyey ka warhaynta wixi xeer iyo go,aan kaso baxa laamaha dawlada, taaso keenta in aanay noo keenin wax cusuba.Shaki kuma jirro caadna inagama saarna in Garyaqaanka Guud Ee Qaranku yahay Xafiis balaadhan oo lafdhabar u ah Qarankeena curdinka ah maadaama uu u xilsaaran yahay Baahida Aadeega Sharci ee xukuumadda iyo ka difaacida Qaranka dhanka sharciga.isla markaana shaqadi xafiiskaasi dayacantay xukuumaduna ku liidato Adeegi dhanka sharciga, hayadiihii dawladuna ay garan layihiin cidd ka caawisa latalinta sharciga, iyo cidda ka difaaci lahayd dacawadaha maxkadaha uga imaada ama lagu soo oogo, iyagaa oo ay dani biddo inay kiraystaan sharciyaqaano iyo dad kala taliya adeegyada, isla markaana gacanta ugu jirra culasna ku ah Laamaha dawlada. Waxaad arkaysaa Dacwada xukuumada ah oo haya’dihii dawliga ahaa ay u kiraysanayaan sharciyaqaano u fuliya una matala, markii ay waayen cidd ka difaacda dhanka sharciga, waa nasiib darro in xafiiskaas oo madaxweynaha qaranku u sameeyey inuu xukuumada ka baahi tirro adeega sharcigu fadhiid ahaado muddo sannad iyo dheeradaka ahyd.Xafiiskaas oo Qaranka iyo Xukuummadaba u qaabilsan Difaacida Dacwadaha ka dhanka ah ayaa dacwado badan oo ku guuldaraystay umatalida iyo ka difaacida dacwadaha taasi oo keentay in hay’adaha Lamhihii kuxuumadu shaqdoodi sharci lunto.Xafiiskaas waxaa ragaadiyey maamul xumo, taas oo aan hadii wax laga qaban burburin karta mid ka mid ah hay'adaha dawliga ah ee aasaaska u ah qaranka kana masuulka ah sharcigaa dalkaa oo dhan soo saaritaankooda.Hadaba Maxaa Sababaaya Aafadan Shaqo xumo, iyo daayacaada xilkaas ee Qaranka Ragaadisay aragtidayda waxay ilatahay Madaxtoyada oo aan war u hayn Aqoontiisa Masuulkaas wuxuu tari karayo Adeega sharci, oo xukuumadana ka doohsoonayd shaqo xumada uu ku caano maalo Cabdisamad Maal iyo isaga oo gabay hilmaamayna haybadii loo igmaday kana door biday Arrimaha u khaaska ah. Hadii Madaxwaynha JSL Xafiiskaasi uso magcaabi lahaa masuul si fiican shaqadiisa u gudanaya Baahida uu madaxweynuhu gartayna ka dabooli lahaa Laamaha xukuumada,Qarankan wax badan buu ka tari lahaa xafiiskaasi. Aragtidayda waxaan Madaxtooyada Haybada iyo karaamada Qaranka huwani u soo jeedinyaa inay xafiiskaas ka qaado masuulkaasi ku sifoobay xidhiidh xumada Laamaha xukuumada iyo waaxda Garsoorka haku dhigay xidhiidhkoodi wada shaqyneed ee danta guud una magacawdo sharciyaqan S/land u aydo oo laga dheefsado wax qabad waara, Madaxweynahaa Qaranka u horseeday Horumarkana lagu xasuusto.
(W/Q: Lawyer Mohmed Diini Guhaad)Hargeysa Somaliland.