| ||
|
Doqon Baa Wakhtiga Jooga Iyo Garan Wadkeedee !Qaranimadu maaha calan maalinta 18 May la sudho manaaha xisbi la taageero ee curasha dareen weeyaan ! Waxa layidhii nimca kastaaba nuqsaan bay leedahay waxaana fahmi karaa qofkii nimcadaasi ka maqantahay ama waayay ama ay ka daahday....!
Nimcadu dadka way oga darta waanay kala dirtaa markaa yaqiinkeedu maqanyahay inoo ilaahay mooye qof kale bixin karin... waayadan danbena yaqiinkii ayaa geed ku laalmay markii qirashadiisi qaamuuski iimaanka laga saaray. Dadka maanta dal nabad ah haysta, xoriyad haysta, hawa macaan haysta, nimca xalaala haysta, calan xora haysta, dhul xora haysta, ehel iyo qaraaba haysta waliba magac iyo karaama haysta , tolow ma dawba cabashadu mise waa ku digasho......! Qaranimadu maaha calan maalinta 18 May la sudho manaaha xisbi la taageero ee waa curasha dareen weeyaan, waa hibasho kaa maqan, qaranimadu waa qiiro qalbiga aan dhaafin kuna qoran ee maaha odhaah madhan , qofkii dareemaya yaqaana waxay tahay qaranimo iyo dawladnimo.....! Qaranimadu waa qirashada dalkaaga, xukaamadaada iyo shacabkaaga ee maaha xisbi iyo shakhsi caabud.....! Qaranka ayaa ka horeeyay inaad xisbi taageertid waayo xisbi kastaba qaran baa dhisa aduunka iyo meel kastaba , xisbi aano qaran dhisina xisbi ma noqon karo.... markaa waxan aad oga yaabay dadkan xukumada iyo dalkaba aflagaadeenaya maxay xibsi u tari karaan miyaanay ogeen xisbigu inoo qaran yahay ama muxaafid ha noqdo ama mucaarid...! Waxaan bulshada ka codsanaya horta inay kala saaraan xisbi iyo xukuumad waayo xisbi waa aalada ogu weyn aaladaha qaranka dhisaa markaa hadii xisbigu noqdo xisbi aflagaadu iyo cay fara badan leh wuxu dhaawacaya qaranimada iyo jiritaankeena dawladnimo.....
Maxaan qurbooy dartaa Wax badan doqonimo qaatay Dhibtaada dunida iyo Xumaan anigoo digtoon Maxaan dusha saarta yoo Qof ii daran soo dhaweestay ! Maxaan qurbooy dartaa Dulqaad iyo samir dugsaday Darajo rabii baa baxshee Anoo danbi ruux ka galin Maxaan xuma diidayoo Wanaag iyo doortay nabad !
Samia Muse
|
|
|
Render time: 0.16 seconds
|