| ||
|
Hambalyo munaasibadda Ciidul fitrigaBismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato. Hambalyo munaasibadda Ciidul fitriga
Annaga oo ka faaiidaysanayna munaasibaddan ciidul fitriga bishii ramadaan ee barakaysnayd waxaanu u soo jeedinaynaa bulshada reer Somaliland in ay ilaashadaan nabadgelyadooda cadawga badan leh ee ilaahay siiyey melena uga soo wada jeestaan. Talo soo jeedin Dawladda in ay taariikh wanaagsan ka gaysttaan dooorashada dalka ka qabsoomaysa bisha November 13/ 2017 xil muuqdana iska saaraan habsami u socodka kana ilaaliyaan wax kasta oo dawladda foolxumo u soo jiidi kara wax kasta oo lagu canaantayna iska maydhaan. Bulshada reer Somaliland In ay iska ilaaliyaan wax kasta oo kala furfuraaya kuna adkaystaan midnimadooda kuna walaaloobaan waxa ka dhexeeya ee ah dalkooda qaaliga ah iyo nabadda ilaahay ugu deeqay ,kana feejignaadaan siyaaasi dantiisa ku gaadha oo hab qabiil kugu faquuqa, yacni qabaailka kale aad dalka wada leedihiin kula collaysiiya kuwaas oo aydaan meel kala tegayn. Madaxadhaqameedka reer Somaliland In ay ku ekoondaan nabaddoonnimida ay cumaammadda u qaadeen kana dheeraadaan siyaasad aan shaqaqooda ahayn nabaddoon waa xil culus waana tiirka nabadda ee ay Somaliland dadwowga kale dheertay. Guurtida jaallidaha reer Somalinad UK Oday Deeq Cabdi Digale
|
|
|
Render time: 0.17 seconds
|