| ||
|
Hanbalyo Ciida Ay soo direen odayaasha Musdambeedka jaalliyadaha reer Somaliland.
Waxaannu u rajaynayaa xujayda sanadkan waajibaadkooda gudatay in Alle ka aqbalo, nabad iyo caafimaadna ay ku soo gurya noqdaan, dhammaanteena in Alle inaga ajiibo ducooyinkana innagana yeelo kuwa uu karameeyo maalinta qiyaamana uu naarta ka xoreeyey. Waxaannu u rajaynayaa dhammaan qoomiyadda Soomaaliyeed iyo ummadda islaamka ee kale ciidda barakaysan, barwaaqa iyo nabadqab. Annaga kaga faa,iidaysanayana munaasibadda ciidda barakaysan in ay shacabka reer Somaliland ilaashadaan midnimadooda meelna uga soo wada jeedaan ilaalinta dhulkooda ilaahay ku wada abuuray. Ciida mubaarak
|
|
|
Render time: 0.17 seconds
|