| ||
|
Adba taada ka hir gali Halka ruushku tubanyihiin !Hadaad tahay hal abuur harwada layskama tuntee! Wax La Hubo Ma Heysaa !
Waxaan ka jawaab celinaya hadalkii ka soo yeedhay Ambassador Safiina o igala soo xidhiidhay Somaliland maantana ku shaaciyay muqaadacada muraaqibiinta Finland ka imanaya baraha bulshada ee Facebook. Horta waxaan rabaa inaan ogu mahad celiyo Amb Safiina doodi na dhex martay ee ahayed inoo xisbiga Wadani ka soo horjeedu muraaqibiinta Finland ka imanaysa ama wadata astaanta calanka Kulmiye! 1- Horta anigu waxaan o arkaa inoo qof kastaaba xor u yahay inoo fikirkiisa dhiibtu si bilaa turxaan ah taasina waxay kamid tahay demqraydiyadu waxay tahay. 2- Anigu waxaan ku magacaabanahay laba xil o u qaranku ii igmaday : Mar waxaan ahay Godomiyaha Ictiraafka Somaliland ee dalka Finland marna waxaan ahay wakiil sharafeedka Somaliland ee dalka Finland, labada xil waxa ii magacaabay xukumada madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ilaahay caafimaadka iyo cimrigaba ha u dheereeyo Aamiin yaa Allah. 3- Xukuumaddu waa xisbul xaakim o waa xisbiga Kulmiye, aniguna waxaan ka tirsanahay xisbiga Kulmiye markaa hadii aan dhinac ka wadu hawshii qaranka naga wada dhaxaysay dhinacna aan ka wadu hawshi xisbigayga Kulmiye dee walaalayaa ma dayrki Makka ayaan gubey anigu ???! 4- Muraaqibiinta Internationalka ihi waa furaha Ictiraafka markaa hadii ay astaanta kulmiye soo qaataan iyaga oo aniga ila socda o ila aaminsan mabda'ka xisbiga Kulmiye walibana ka qayeb qaadanaya kaampeynka taasi miyaanay noqon karin farxad iyo sharaf weyn o soo hoyanaysa qaranka Somaliland ?? Calanka kulmiye miyaanu laftigiiso ahayen calan Somaliland ah ! 5- Hadaba Amb Safiina waxaan ku leeyahay aniga o ah Samia Muse ahna qof xor ah o bilaa musdanbeed ah waxaan aaminsanahay ninka Finnishka ah ee calanka Wadani ama Ucid howada o muraaqibiinta kamid noqdaa inay o tahay sharaf qaranka Somaliland waayo wadani iyo Ucid waa Somaliland !
Inta loo tartami karo Yaanu tiigsi kugu gabin Tamartaada curintiyo Tacabkaaga cududiyo Taladaada fikirkiyo Hal abuurka tarantari Tarmi yaanay talax gabin Ka tir boodhka olashada Tirtir qoosta baqashada Adba taada ka hir gali Halka ruushku tubanyihiin ! ( Abwaan Weedhsame)
Samia Muse
|
|
|
Render time: 0.18 seconds
|